#Araweelo_News_Network.

 

Jiddah(ANN)-Hoggaamiyayaasha MIllateri ee ku dagaalamayay dalka Suudaan, ayaa kala saxeexday heshiis xabad joojin ah, kaddib xukuumadda dalka Boqortooyadda Sucuudiga oo labada dhinac martri gelisay kulan ka dhacay  Khamiistii Jiddah.

 

A pictured released by Sudan’s Presidential Palace show General Abdel Fattah Al-Burhan, the head of Sudan’s ruling military council, during a swearing in ceremony in Khartoum on Wednesday. — AFP

Maraykanka, Britain iyo quwaddaha reer galbeedka, ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka dalbaday inay dalalka Carabtu xaliyaan dagaalka ka socday Suudaan, kaas oo sababay khasaare nafeed iyo Burbur hantiyeed, isla markaana geyaysiiyay in dhawr milyan oo qof ka cararaan guryahooda.

Kumanaan u dhashay dalalka Galbeedka iyo kuwo kale oo ku sugnaa dagaalka ka hor guddaha dalka, ayaa ;aga saaray si loo badbadiyo, wallow ay adkayd samata bixintu oo ay jireen dad u dhashay dalalka reer galbeedka ku dhintay intii dagaalku socday.

Labada dhinaca ee ku dagaalamayay Magaalada Caasimadda ah ee Khartoum iyo magaalooyinka kale ee dalka ayaa isu adegsaday nooc walba oo hubka ah iyo duqaymo diyaaraddaha ah.

Ciidanka Suudaan Millateriga ah iyo Ciidamada kale ee lagu magcaabo Xoogaga Taageerada Degdegga ah (RSF), waxa kala labada nin Generaalada ah ee hore iyagu u inqilaabay xukuumaddii rayidka ahayd ee sida ku meelgaadhka ah xukunka gollaha Millaterigu ugu wareejiyeen .

 

Warbaahinta Riyadh, ayaa si rasmi ah u shaacisay in Ciidamada Suudaan iyo xoogaga Taageerada degdega ah ayaa heshiis horudhac ah ku kala saxeexdeen Khamiistii magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, iyadoo ay heshiishkaa goob joog ka ahaayeen dalal baddan carbeed iyo kuwo kale oo ay ka socdeen dublamaasiyiin danaynayay heshiishka.

Haseyeeshee heshiiska ayaan ahayn mid damaanad qaadaya in la joojiyo dagaalka, waxa keliya ee ay labada dhinac xoogga saareen balanqaadkooda badbaadinta rayidka iyo gargaarka bini’aadanimo.

“Waxay saxeexeen heshiis bilow ah.Waxa la xusay in ciidanka Suudaan iyo xoogaga Taageerada degdega ah ay xaqiijiyeen go’aankooda addag ee  ah madax-banaanida Suudaan iyo madax-banaanideeda dhuleed.”sidaa waxa yidhi, AlHadath TV.

Wada hadlada , ayaa 6 May ka bilaabmay Jiddah, kuwaas oo u dhexeeya wakiilada ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo Xoogaga Taageerada degdega ah.

Waxayna labada dhinaca ku dhawaaqeen inay gaadheen heshiis wax ku ool ah oo ku saabsan xabad joojinta, kaasoo lagama maarmaan u ah gaadhsiinta gargaarka bini’aadantinimo dadka uu saameeyay dagaalku.

Ka hor intii aannu bilaabin wadahadalku waxay ciidamada Suudaan sheegeen in wadahadalku “aan khuseyn doonin joojinta colaadda dalka, laakiin keliya uu khusaynayo  shuruuddaha ilaalinta  gargaarka iyo joojinta bini’aadantinimada iyo xabbad joojinta.”

 

Xaaladda Suudaan ayaa cirka isku sii shareertay iyadoo uu khilaaf soo kala dhexgalay taliyaha ciidamada, Abdel Fattah al-Burhan, oo sidoo kale ah madaxa gollaha sare ee xukunka iyo madaxa ciidamada degdegga ah ee RSF, Mohamed Hamdan Dagalo (oo loo yaqaan Hemedti) al-Burhan, kaas oo ah ku xigeenka gollaha.

 

Qodobada ugu muhiimsan ee ay isku hayaan labada dhinac ayaa ah kuwo ku saabsan waqtiga iyo hababka loo midaynayo ciidamada qalabka sida ee Suudaan, iyo sidoo kale cidda loo magacaabi lahaa taliyaha guud ee ciidamada: sarkaal ciidan oo xirfadeed, kaas oo uu doonayo inuu Doorashadiisa yeesho General Burhaan sidoo kale, waxa qodobada ugu waaweyn ee murranka ku jira Madaxweyne rayid ah oo la doortay, iyadoo General  Dagalo ku adkaystay mawqifkiisa.

 

Dagaalka ayaa ka bilaabmay Suudaan 15 April 2023, kaddib iska hor imaadyo hubeysan oo u dhaxeeyay dhinacyada iska soo horjeed, kuwaas oo ka dhacay meel u dhow saldhig ciidan oo ku yaalla Merowe iyo caasimadda, Khartoum, waxaana ku dhintay dagaalka inta la ogyahay dad ka badan 600 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Suudaan.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com