Araweelo News Network

Sannad uun kadib markii mareegta internetka ee Facook ka facebook1furatay xafiiskeeda ugu horreeyey qaaradda Afrika waxa kor u kacay isticmaalkeeda. Tusaale ahaan; dalka Kenya 18% dadkeedu way isticmaaleen, 16% dadka reer Koonfur Afrika, halka 6% ay Najeeriya dadkeedu waqtigaas degdegga ah isticmaaleen sida wargeyska Forbes warbixin ay diyaarisay lagu iftiimiyey.
Arrinan oo u eg in kor-u-kac degdeg ah Facebook uga yimi isticmaalka Afrika, ayaa haddana ay ku qanci wayday shirkadda xarunteeda ugu weyn tahay dalka Maraykanka ee waqtigan ugu caansan baraha bulshadu ku wada xidhiidho. Xafiiskeeda ugu horreeya ee qaaradda waxa ay ka furatay dalka Koonfur Afrika sannad ka hor, waxaanay sheegtay in dadka Afrikaanka ee isticmaala ay 20% kordheen sannadkii hore.
Madaxa shirkadda Facebook Mr. Nunu Ntshingila oo 51 jir ah ayaa sheegtay in shirkaddoodu u baahan tahay in ay kor u kacaan dadka internetka isticmaala ee Afrika, waayo ku dhawaad 800 milyan qof oo Afrika ah ayaan wali isticmaalin amma aan kuba xidhnayn internet-ka.
Dalka Koonfur Afrika 14 milyan oo ayaa isticmaala Facebook iyo baraha bulshada ee kale. Sida warbixin la soo saaray sannadkan muujisayna 16.6% ayey korodhay tirada dadka isticmaala.
Dalka Nijeeriya tirada bil kasta isticmaasha waxa ay gaadhay 16 milyan, waxaana ku kordhay 6.67% sannadkan. Dalka Kenya 5.3 milyan qof ayaan Facebook adeegsada, iyadoo ay hore u ahaayeen 4.3 milyan, halka 18.6% ay ku korodhay.
Haddaba, Xafiiska Johannesburg ee shirkadda Facebook, ayaa inta badan hela xayeysiisyo iyo inuu baahiyo in ganacsigu gaadho meel sare oo dad badan ogadaan waxyaabaha la soo saaraayo, waana sababta markasta keenta in ganacsatadu alaabahooda ku iib geeyaan Facebook.
Marka laga yimaad korodhka isticmalayaasha facebook iyo waliba ganacsiga lagu xayeysiiyo amma alaabaha lagu iib geeyo, waxa jira dalal aan dadkoodu helin. Tusaale ahaan; wax ka yar 2% ayaa internet hela bulshada Guinea, Soomaaliya, Burundi iyo Eratariya sida Qarammada Midoobay ku sheegtay warbixin lagu daabacay ITWEb Reports. Dunida oo dhan waxa facebook bil kasta joogto u isticmaala facebook tiro ka badan 1.65 bilyan qof. Qaarada Afrika waxa ay dadkaas ka tahay 8%, waana tiro aad u yar.
“Satalayd cusub oo la yidhaa AMOS-6 ayaa la doonayaa inuu Afrika, gaar ahaan dalalka Saxaraha ka hooseeya (Sub-Saharan Africa) siiyo internet. Satalaydkan waxa u socda dhisme, waxana la soo saari doonaa 2016 si uu qaybo aad u badan oo galbeedka, bariga iyo koonfurta Afrika u siiyo internet,” ayuu yidhi mulkiilaha Facoobk oo ka dhawaajiyey siduu u danaynayo Afrika inuu ka helo isticmalayaal badan.