Araweelo News Network

Harnaam Kaur  Haweenayda gadhaka leh

Harnaam Kaur Haweenayda gadhaka leh

London(ANN)Haweenay gadhka ku leh timo kuwa ragga oo kale ah, ayaa si rasmi ah ugu biirtay buugga dhacdooyinka adduunka (Guinness World Records) oo lagu kaydiyo waxyaabaha cajiibka ah ee soo jiita indhaha caalamka.
Gabadhan oo lagu magacaabo Harnaam Kaur oo 24 jir ah, waxa ay noqotay haweenayda ugu yar ee gadh isku jooga leh, waxaanay BBC-da u sheegtay in ay muddo ku hammiyeysay sidii ay u geli lahayd buugga dhacdooyinka ugu cajiibsan lagu qoro ee Guinness Book.
Harnaam Kaur oo 24 jir ah oo ku biirtay buugga dhacdooyinka

Harnaam Kaur oo 24 jir ah oo ku biirtay buugga dhacdooyinka


Waxa ay sheegtay in gadhka ka soo baxay muddo badan dhibaato ku hayay, balse uu aakhirkii guul u soo hooyey, maadaama uu noqday mid ay ku soo jiidato indhaca caalamka.
Gabadhan dhallinyarada ah, waxa la sheegay inuu ku dhacay xannuun la yidhaa Polycystic Ovary Syndrome, kaasoo keena in jidhku soo daayo hormoono sababa in qofka timuhu si aan joogsi lahayn uga soo baxaan amma ay ka dheeradaan intoodii hore, taasoo sababtay inay yeelato gadh u baxa sida ragga oo kale.
Bishii March ee sannadkan 2016-ka ayaa Harnaam Kaur ay noqotay gabadhii ugu horraysay ee iyadoo gadh leh lugaysa dariiqyada magaalada London ee dalka Ingiriiska, isla markaana lagu soo casuumo bandhigga dharka ee London Fashion, waxayna muuqaal ahaan ka duwan tahay dumarka kale, iyadoo gadhkeedu sababay inay timaha ragga oo kale yeelato.