Araweelo News Network

Mulkiilaha Facebook Mr. Zukerberg

Mulkiilaha Facebook Mr. Zukerberg

Aasaasaha shirkadda Facebook Mr. Mark Zuckerberg, ayaa sheegay in luqado badan oo Afrika lagaga hado lagu soo kordhin doono baraha bulshada, gaar ahaan bartiisa si loogu fududeeyo dadka Afrikaanka ah in ay isticmaali karaan mareegaha internetka ee dadku ku wada xidhiidhaan (Social Media).
Waqtigan waxa facebook lagu kordhiyey luqadda Soomaaliga oo qofkii u baahda uu isticmaali karo, halka warbaahinta dalka Nayjeeriya sheegtay in Mr. Zuckerberg u ballanqaaday inuu luqaddooda ku dari doono Facebook.
Ballanqaadka mulkiilaha Facebook waxa uu yimi kadib markii uu muddooyinkii u dambeeyey booqasho ku marayey Afrika, waxana la hirgeliyey hadda in luqadda Xawsaha (Hausa) lagu isticmaali karo, taasoo caan ka ah Nayjeeriya iyo dalalka ku yaal galbeedka qaaradda Afrika.
“Aad baan ugu faraxsanahay in aan taageerno Xawsaha, waxaanuna qorshanaynaa in luqado badan sida ugu dhakhsaha badan lagu daro,” ayuu yidhi Zuckerberg oo la hadlayey wargeyska Premium Times oo Jamhuuriya soo xigtay.
Mareegta Facebook waxa ay hadda aad u taageertaa oo laga heli karaa afafka Xawsaha, Kiswahili, Somali iyo Carabi. Tiro ka badan 125 milyan oo qof oo Afrikaan ah ayaa internet-ka Afrika ku isticmaala, kuwaasoo da’doodu u dhexayso 15 ilaa 25 jir, waana kuwa ugu badan ee shirkadaha tiknoolajiyaddu doonayaan in ay ganacsigooda ku fidiyaan.