Araweelo News Network

Guddoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe, Iyo Guddoomiyaha WADDANI

Guddoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe, Iyo Guddoomiyaha WADDANI

Hargeysa (ANN)Saddexda xisbi Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland ee xisbiga Muxaafidka KULMIYE iyo labada Xisbi ee mumeteliinta mucaardka UCID iyo WADDDANI, ayaa mowaaqif kaal duwan ka istaagay n go’aanka Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka soo saaray kala qaadista labada doorasho ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyadda kaddib markii uu xal u waayay khilaafka saami-qaybsiga Golaha Wakiillada, isla markaana dib u riixay doorashada Wakiillada.

Guddoomiyaha mid ka mid ah mumeteliinta mucaaradka ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa si deg-deg ku jiro u soo dhaweeyey go’aanka Madaxweynaha soo saaray, waxaannu daba dhigay in la dhammaystiro shuruudo, waxaannu yidhi, “Arrinta laga doodayey xil kordhis may ahayn ee qodobka laga tashanayey wuxuu ahaa saami-qaybsiga kuraasida Golaha Wakiillada, Madaxweynihii haddii uu xal waayey oo uu qaybin kariwaayey sidii aannu annaguba u qaybin kariwaynay, annaguna aannu nidhi taladaada wixii aad goyso waanu raacsanahay, oo uu is yidhi waqti laga tashado sii oo uu ka reebay doorashadii ay is-xambaarsanaayeen, waa arrin dhici karta oo macquul ah, annaguna mar haddii aanu nidhi Madaxweynaha taladaada waanu ogolnahay ee go’aami waanu taageersanahay qodobkiisaa, laakiin shuruudo ayaanu ku xidhaynaa ah in qorshe hawleed la sameeyo oo waqtiga doorashadaasi dhacayso iyo wixii la qaban lahaa oo ay kow ka tahay in Golaha Wakiillada dib-u-habayn lagu sameeyo, wuu ku gaboobay meesha oo nidaamkii iyo shuruucdii wuu ka baxay, waa inuu noqdaa aqal nidaamkii adduunka iyo xeerku ku shaqaynayey ah, laba mushkiladdan maanta taagan ee saami-qaybsiga kuraasidana waa in xalkeedii la keenaa, haddii la iska seexdo oo la yidhaa waa la kordhiyey oo berrina aan la xallin taa 12 sanno la xallin kariwaayey haddana kordhis bay tagi doontaa.”
Eng. Faysal waxa uu soo jeediyey in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI banneeyo xilka uu aqalkaasi ka hayo oo uu ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan, “Markaa annagu si taxadir leh baanu u soo dhawaynaynaa, laakiin waa in Madaxweynuhu na tusaa waqtiga la kordhiyey inay mid macquul ah tahay iyo in dib-u-habayn lagu sameeyo oo guddoomiye xisbi mucaarad inuu guddoomiye ka noqdo Golaha Wakiillada meel ay kaga jirto taariikhda iyo distoorka ma jirto, waa in Guddoomiyaha murrashaxa ah ee WADDANI uu ka baxaa meesha, laakiin haddii uu sidaa qaska kaga jiro bilaa sharciga ah iyo distoorka la jabiyey wax la aqbali karo maaha,” ayuu yidhi.
Haseyeeshee, waxa uu xusay in go’aankan Madaxweynuhu soo saaray ay diidi doonaan beesha caalamka ee Somaliland ka taageerta arrimaha doorashooyinku, waxaannu yidhi, “Beesha caalamku arrintan way diidaysaa oo waxa laga yaabaa in aanay dhaqaalaha bixin, markaa in loo diyaar garoobaa dhibaatada ka iman doonta.”
Diidmada xisbiga WADDANI kaga soo horjeedo kala qaadista labada doorasho
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo isna shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa shalay, ayaa ku gacan-saydhay qaraarka ka soo baxay Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku macneeyey inuu yahay qayrul-sharci ka soo horjeeda wixii laga sugayey.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Dalka tabasho saami-qaybsiga Golaha Wakiillada ah baa jirtay, annagu haddaanu nahay xisbiyada qaranka waxaannu ku nidhi waxaannu diyaar u nahay oo aannu si cad ugu nidhi wax alla iyo wixii aad go’aan ka gaadho saami-qaybsigaa, haddana diyaar baanu u nahay, meel uu isagu rabay oo xukuumadda iyo KULMIYE ay rabeen oo ahayd in muddada la korodhsado oo ahayd in Golaha Wakiillada muddada loo kordhiyo ayey mareen, meel ay ummaddan kaga wakiil ahaayeena maaha, waxay ummaddan kaga wakiil ahaayeen in Madaxweynuhu fuliyo digreetadiisii golayaasha qaranku go’aankii ay gaadheen ee xisbiyada Qaranku ay ku raaceen, Maxkamadda Sarena ay ansixisay, taasi haddii uu maanta si toos ah u jabiyo annagu waxaannu u aragnaa inay tahay qayrul-distoori aan meelna loo marin iyadoo la doonayo sabab dib loogu dhigo doorashooyinka, runtii waa nasiib-darro dalka ku dhacday.”
Xoghayaha WADDANI waxa uu ku eedeeyey xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo inay ku guuldarraysatay hirgelinta doorashooyinkii ka dhici lahaa dalka, isagoo barbradhigay heerkii ay gaadhsiisay xukuumadda Daahir Rayaale, “Somaliland waxay ku iibsamaysaa sidii horeba loo yidhi waa doorashooyin, Rayaale intii uu joogay wuxuu qabtay laba doorasho Madaxtooyo, wuxuu qabtay tii Golaha Wakiillada iyo tii golihii degaanka, afartaa doorasho ayuu is raaciyey muddadii uu joogay, maanta xukuumaddani doorashadii aad ogaydeen dhibtii ka dhacday, sharciga maanta Golaha Wakiilladu ku fadhiyo Rayaale ayaa ka badheedhay oo sameeyey, haddaad tidhaahdo wixii hore ee la sameeyeyna yeelimaayo, wax cusubna keenimaayo macquul maaha. Markaa waxaannu u aragnaa in aanay xal ahayn muddo la kordhiyaa,” ayuu yidhi Xoghaye Uurcadde.
Guddoomiye Muuse Biixi iyo mawqifka KULMIYE
Geesta kale, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey go’aanka Madaxweynuhu soo saaray ee uu ku kala qaaday labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo uu ku tilmaamay ka ugu saxsan ee lagu xallin karo khilaafka saami-qaybsiga kuraasta Wakiillada.
“Waxaan ku heshiinay in qaraarka Madaxweynuhu soo saaro aannu u hoggaansanno, Madaxweynuhu markuu dhan walba ka eegay wuxuu talo mooday oo ay ila tahay inay sax tahay marka loo eego duruufaha gobollada bari ee Sanaag-bari, Sool iyo Buuhoodle, marka la eego cabashada Awdal waxay ila tahay inay waaqici iyo in danta Qaranku ku jirto in arrintaa si mug leh oo loo wada dhan yahay loo wada gorfeeyo,” ayuu yidhi Muuse Biixi oo waraysi khadka telefoonka ku siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da xalay.
Guddoomiyaha KULMIYE oo la waydiiyey inuu wax damaanad ah u hayo in doorashada Madaxtooyadu ku qabsoomayso xilligeeda 27 March 2017, maadaama xisbiga WADDANI sheegeen in aanay ku kalsoonayn xukuumaddu inay waqtigaasi ku qabanayso, waxa uu kaga jawaabay, “Qadar Ilaahay iyo wax innaga wayn oo ah awood ka baxsan gacanteenna mooyee, laakiin anigu waxaan hubaa xisbi ahaan iyo xukuumad ahaan iyo Madaxweynahaba inay ka go’antahay doorashada Madaxweynuhu inay maalinteeda ku dhacdo.”
“Xisbiga WADDANI muu hadal murrashaxoodii ama guddoomiyahoodii oo halkaa war baa ku laaban, haseyeeshee Xoghayihii Guud baa hadlay oo waanu tixgelinaynaa oo waanu dhegaysanaynaa, haddii aannu nidhi Madaxweynaha ayaanu kalsooni siinay wixii uu dan moodo qaranka oo qoraal ku bixinay oo uu ra’yigii keenay, ka dabahadalkaa WADDANI uu maanta ka dabahadlay aniga ilama hagaagsana.
Ta kale, haddii aannu doonaynay Qaran ahaan in aannu labada doorasho wada qabanno oo duruufaha naga horyimi oo macquul ah oo ay ugu wayn tahay beelahaa Sanaag-bari iyo Sool iyo cabashada Awdal in loo joojiyo oo dhulka loo dhigo ay ta gu wayn oo sax ah anigu u arko, haddii labadii doorasho mid aannu helnay waa boqolkiiba 50% halkii aannu doonaynay, waxaan ku talinayaa in aannu ku wada mididno oo isugu tagno hagar la’aan in aannu taa madaxweynaha wada qabanno oo boqolkiiba 50% aynu hirgelinno ujeeddadeenii,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.