Araweelo News Network

Lydon B. Johnson

Madaxweyne Lyndon B. Johnson Waxa uu Hibbo u Lahaa Aqoonsiga Shakhsiyada soo horjeeda

Madaxweyne Lydon B. Johnson oo ahaa madaxweynihii 2aad ee ugu dheera dherar ahaan Madaxweynayaasha soo mara taariikhda dalka Marayka. Dheerarkiisu wuxuu ahaa 192 cm (6ft ½ in). Madaxweynaha ugu dheera Maraykanku wuxuu ahaa Abraham Lincol oo 6 ft 3 ¾ in (192.4 cm) ahaa.
Madaxweyne Johson waxa uu yaqaanay dherarkiisa, waxaannu inta badan ugu faani jiray, uguna hanjabi jiray siyaasiyiinta ka soo horjeeda amma la xulafada ah, qof kasta oo uu soo ag istaagana wuu shiikhin jiray, taasina waxay siin jirtay kalsooni dheeraad ah.
Madaxweyne Johnson waxa uu caan ku ahaa oo hibo Alle ugu deeqay ahayd inuu si toos ah u ogaado xaqiiqo kasta oo qofka uu la joogo ku saabsan, tusaale ahaan sida uu qofkaas siyaasad ahaan dareemaayo, waxaannu awood u lahaa inuu qof kasta ku qanciyo waxa uu doonaayo inuu sameeyo. Waxa ay arrimahan keeneen muddadii uu Madaxweynaha ahaa marka mucaaridku ka soo horjeestaan aragtiyihiisa siyaasiga ah inuu daqiiqado yar ku qanciyo in ay la qataan, isagoo marka hore ogaan jiray aqoonta ay siyaasada u leeyihiin, firkadahooda iyo habka ay u dhaqmaan intaba.

John F. Kennedy

Madaxweyne John F. Kennedy waxa uu Dadka ku Sixri Jiray Salaan Gacanqaadka ah

Madaxweyne John F. Kennedy waxa aad loogu eedeeya inuu ahaa nin tumasho badna oo aad u jeclaa dumarka, maadaama uu ahaa nin soo jiidasho badan, waxaannu aad ugu caan ahaa inuu saamayn ku yeesho dadka dunida ugu saamaynta fiican.
Tusaale ahaan, Madaxweyne Kennedy waxa xoggo badan iyo daraasado lagu sameeyey sheegeen inuu aad u yaqaanay cilmiga salaanta gacan qaadka ah (The art of Shaking hands), taasina ay keeni jirtay inuu xidhiidh fiican oo dhaw la yeesho qof kasta oo uu gacan qaado.
Waxa uu caan ku ahaa inuu dadka u gacan qaado hab qurux iyo diiranaan kalgacal ka muuqdo leh, gaar ahaan waqtiyada uu la kulmo dadka uu doonaayo inuu soo jiito. Waxa ay ugu yeedheen inuu lahaa gacan cajiib ah.
Sidoo kale, Madaxweyne JFK marka uu dadka la hadlaayo waxa uu awood u lahaa in shacabka uu u khudbadaynaya sacabkoodu kala joogsan waayo, isaguna uu dhoola caddayn ku qaabilo inta badan. Xilliyada warraysiyadana waxa uu awood u lahaa in aanu wax cadho ah muujin, taasina waxay keentay inuu qof kasta ku qanciyo, kuna saameeyo habka uu u fikirayo, xataa haddii aanay dadku ogolayn inta uu la joogo waxa ay ka mid ahaayeen dadka u sacabiya oo aad moodayso inuu sixray… la soco….