By: Cumar M. Faarax

Jihayntu “Orientation” waa “Habka qofka shaqaalaha ah ee cusub lagu dhacsiiyo macluumaadka shaqada uu qabanayo, sida saacadaha uu shaqeynayo, heerarka xil-gudashada laga doonayo iyo magacyada masuuliyiinta uu xidhiidhka shaqo ka dhexeeyo.”
Nidaamkan waxaa Somaliland ka adeegsada shirkadaha gaarka loo leeyahay ee tanaaday. Hay’adaha dawliga ahi, waxay qofka ku cusub heer kasta oo uu derajadiisu tahay ay ku soo dhex tuuraan badweynta shaqada, iyadoo ay suurtogal tahay haddii uu hannuunin ama jihayn heli lahaa inuu qof kastaaba masuuliyadda saaran garbihii uu ku qaadi lahaa yeelan lahaa.
Sabtidii toddobaadkan, madaxweynaha cusub ee Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan aqooneed noociisu ugub ku yahay dalka uga furay golihiisa wasiirrada, kaas oo lagaga tashanayo iswaafajinta buug-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE iyo qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (Somaliland National Plan II).
Kulan aqooneedkan oo soconaya muddo afar maalmood ah, waxay wasiirrada cusub loogu laqimayaa duruus ku wajahan nidaamka shaqo ee dawladnimada iyo qaabkii ay wasaaradaha iyo hay’adaha madaxbannaan ee dawladdu u wada jaan-qaadi lahaayeen.
Waxa kaloo cusub in kulankan si aqooneed loogu dejinayo, waxqabadka u horreeya ee wasaarad kastaa ay qaban doonto 120-ka maalmood ee ugu horreeya muddo-xileedka xukuumadda Muuse Biixi gadhwadeenka ka yahay.
Tababarkan oo hadalhayntiisu ku baahday waddanka, waxa ujeeddadiisu caddaatay Sabtidii, waana mid lagu kabayo xirfada maamul, laguna jihaynayo wasiirrada. Natiijada ka soo baxda shirkan Salaasada, waxaa lagu wadaa inay noqoto halbeega lagu miisaami doono la xisaabtanka wasiirrada mustaqbalka. Maadaama oo wasiir kasta madaxweynuhu uu gacanta ka saaray qorshe hawleed muddaysan oo si maalinle ah u qeexaya tallaabooyinka uu wasaaradda ku dhaqayo.
Waa markii u horraysay ee madaxweyne golihiisa wasiirrada u carbiyo dariiqan jihaynta iyo hanuuninta ah, ka hor inta aanay shaqo gelin. Waa calaamad ii shaaraysa in hoggaaminta madaxweyne Muuse Biixi noqon doonto mid la mahadiyo haddii uu jidkaas ku sii taagnaado.
Waxa xusid mudan in madaxweynuhu xoreeyay golihiisa wasiirrada isna iska xakameeyey in lagu harowsado inay xilka uu hayo ay ku dhabar jabeen beelo gaar ahi.
Madaxweyne Biixi, wuxuu u muuqdaa mid u jeellan inuu ka jibo keeno balanqaadyadii uu ummadda axdiga ugu maray, waxaana taas laga dareemayay sidii uu isu dul-taagay filashada shacabka khudbadii uu ka jeediyay furitaankii siminaarkan.
Inkastoo uu xafiiska joogay 12 maalmood oo aan lagu degdegi karin ammaan iyo naqdi labadaba, waxaa laga arkaa inuu dhegihiisa u furay shacabka oo uu si dhow ula socdo faallaynta hoggaamintiisa, waxaannu yidhi; “Kaftanka soo baxay, waxaa la yidhi meeshii askar ayaa qabsatay oo dadka waa loo wada xiirayaa oo waxa laga wada dhigayaa askar, markaa wasiirradii ayaa lagu horreysiiyey oo loo wada xiirayaa.”
Isagoo kaftankiisa sii watay madaxweynuhu wuxuu intaas ku kabay, “Wayna iska wanaagsan tahay haddii madaxa la isku xiirayo iyo haddii hoob-jac la is -ciyaarsiinayaba, waxana ugu horreeya kala dambaynta iyo is-maqalka, waxaan codsanayaa ninowna ha sii xiiran si aan loo odhan nimankii waa loo soo xiiray, qolada bidaarta lehna koofiyado ha qaataan.”
Ugu dambayn, waxaa golaha wasiirrada horyaala inay dhowraan dhegta dawladnimo iyo hab-maamuuskeeda iyo inay waddanka ugu adeegaan si wadareed oo aanay gaagixin himilada madaxweynaha soo cugtay oo ay ka gacan siiyaan hindisihiisa uu doonayo inuu waddanka kaga samato-bixiyo caqabadaha adag ee ay ka mid yihiin saboolnimada, sicir-bararka, musuqmaasuqa,waxtar la’aanta adeegga dawladda iyo khayraadka waddanka oo aan loo sinnayn.
Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmai..com