Araweelo News Network
Engngoma
Nin injineer ah oo la yidhaa Mutoba Ngoma oo cilmiga safarrada hawada (aeronautical Engineering) ku soo bartay dalka Ingiriiska, ayaa ku guulaystay inuu soo saaro shidaal gacanta lagu farsameeyey (biodiesel), kaasoo u horseeday horumar dhinaca nolosha ah.
Eng. Ngoma oo ku laabtay dalkiisa hooyo ee Zambia (Saambiya) oo ku yaal koonfurta qaaradda Afrika, ayaa bilaabay inuu sameeyo shirkad soo saarta shidaalka gacanta, isagoo markiiba hawshan ka bilaabay beer yar oo uu leeyahay.
31 jirkan waxa uu muddo toban sanno ah kadib yeeshay shirkad la yidhaa Tapera Industries, taasoo noqotay shirkad weyn oo shidaalka gacan ku samayska ah iyo saabuun (biofuel and Organic Soap) samaysa, iyadoo ninkan billad sharaf qaali ah la siiyey sannadkan 2016.
Ujeeddada ugu weyn ee uu dalkiisa ugu noqday waxa ay ahayd inuu samaysto ganacsi u waara oo uu horumar ku sameeyo, waayo waxa uu dhibaato kala mutay inuu shaqo ka helo dalka Ingiriiska, maadaama aqoonta uu bartay aad looga yaqaan dalka. Waxa fikradan samaynta shidaalka ku dhiirrigeliyey, kadib markii uu daawaday dukumantari laga diyaariyey dalka Brazil oo ku saabsana dib-u-cusboonaysiinta tamarta, gaar ahaan shidaalka gacan ku samayska ah (Biofuel).
“Waxa aan xaqiiqsaday haddii aan sameeyo wax dunidu u baahan tahay in aan helayo dhaqaale waara,” ayuu yidhi mar uu sharraxayey sababta uu Afrika ugu noqday.
Dalka Zambiya waxa ka jirta shidaal yari, waxayna taasi sababtay in injineerkan iyo shirkaddiisu faa’iido badan ka helaan shidaalka uu soo saaro oo ah mid jaban, isla markaana siyaabo kala duwan looga faa’iidaysan karo.
Sida uu sheegay Eng. Mutoba Ngoma, markii uu ku noqday dalkiisa Zambiya dhammaadkii 2006, waxa uu markiiba bilaabay inuu internetka ka barto sida loo soo saaro shidaal gacanta lagu sameeyo (biodiesel). Waxa uu soo iibsaday alaabta laga samaynayey oo qaydhin sida khudaarta saliidda laga miiro ee hudheellada cuntadu magaalada Lusaka iska tuuraan.
Bishii December 2006 waxa uu soo saaray qaybtii ugu horraysay ee shidaalka uu sameeyey.
“Qofkii ugu horreeyey ee tijaabiyey wuxuu ahaa saaxiibkay. Waxa uu ka soo noqday waxbarasho uu ugu maqnaa dalka Australia, gaadhigiisa ayuuna ku tijaabiyey. Way shaqaysay, aad baannu u faraxnay,” ayuu yidh Ngoma.
Shidaalka gacanta lagu sameeyo (biodiesel) waxa lagu isticmaalaa mishiinno badan, waannu ka jaban yahay shidaalka rasmiga ah ee suuqyada yaal, balse Ngoma waxa uu u baahday dakhli uu hawshiisa ku sii wado, waxaannu shaqo aakhirkii ka helay shirkada diyaaradda ee Zambian Airways oo uu ka noqday farsamo yaqaan diyaaradeed, halkaas oo uu ka helay lacag ku filan uu saxiibbadii iyo qoyskiisa shidaal ugu sameeyo, markii shaqadii ka dhammaatay 2009kii waxa uu isugu biyo shubtay hammigiisii ahaa inuu dhinaca cusboonaysiinta tamarta ka hawlgalo.
“Markii aan shaqada helay waxa aan xidhiidh la sameeyey shirkado tamarta cusboonaysiiya oo Zambiya ku yeela, markii aan si toos ah hawshayda u bilaabay 2009, waxa ii fududaaday inaan si fudud ku heli karo dadkaan la xidhiidhay,” ayuu yidhi.
Mid ka mid ah asaxaabtiisa oo ah dadka ka shaqeeya basaska dadweynaha u adeega ayaa go’aansaday inuu tijaabiyo shidaalkan, waxaannu yidhi; “Waxa aan waydiistay inuu ii keeno qaar ka mid ah darawaladiisa, waannu ku tijaabinay, waannu jeclaaday, taasina waxay keentay inaan helo gaadiidka dadweynaha u adeega suuqooda. Waxa aan shidaalkan siiyey gaadiidlaysa basaska, waxaanan halkaas ka helay suuq ballaadhan.”
Waxa uu sidaa ku noqday ganacsade weyn oo dadweyne badan ku xidhan yihiin shidaalkiisa, isagoo markii hore shaqo la’aan uga soo cararay dalka Ingiriiska, waxaanay dhacdadan ina baraysaa in qofku haddii uu fikrad ganacsi amma hal-abuur ganacsi dalkiisa kula soo noqdo amma ku soo biiriyo inuu noqon karo milyaneer dadkiisa, dalkiisa iyo naftiisaba ku filan.