Araweelo News Network

Eng. Timothy Addigi

Eng. Timothy Addigi


Farsamo-yaqaan u dhashay dalka Nigeria (Nijeeriya), ayaa beeralayda dalkaas u sameeyey gaadiidka loo yaqaan cagacagafta si ay uga faa’iidaystaan dhinaca wax-soo-saarka beerahooda.
Eng. Timothy Addigi Terfa, ayaa koox xirfadlayaal ah la kaashaday samaynta cagafta, taasoo 100% ka samaysaysan biro laga helo gudaha dalka Nigeria, iyadoo aanay jirin wax uu dibadda kala soo degay.
Injineerkan oo tababar samaynta qalabka noocan ah ku soo qaatay dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in cagacagaftiisa ay faa’iido badan u yeelan doonto beeralayda. Qaar ka mid ah cagacagafyadii ugu horreeyey ee uu sameeyey wuu iibiyey, balse Eng. Terfa waxa la soo gudboonaaday carqalad dhaqaale iyo maalgelineed.
Injineerkan oo doonaya inuu dad kale u sii gudbiyo xirfaddan ayaa yidhi; “Hamigayga ugu weyn ee dhiirrigelineed waa in cilmiga la baro qof kale oo uu ku dhiirado samayntooda, taasoo fikraddu tahay in Nijeeriya la wanaajiyo.”