Araweelo News Network

CabaasidirisHargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya Magaciisa ka Dawladda iyo kan Shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanada, bahda qorayaasha, Dawladda Ingiriiska iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle haw Naxariistee Marxuum Cabbaas Idiris (John Drysdale) oo ku geeriyooday 10.07.2016, Magaalada Hargeysa, iyadoo 12.07.2016, Maalinimada Salaasada lagu aasi-doono Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu ku sifeeyey marxuumka nin hawlo qaran oo culus u soo qabtay dalka iyo dadka Somaliland , kana mid ahayd diiwaangelinta dhinaca beeraha ee degmooyinka dalka, isagoo hoggaamiye ka ahaa mashruuca diiwaangelinta beeraha ee Wasaaradda Beeraha Somaliland ka tirsan laguna magacaabo (Cadastral Survey) kaasoo wax badan ka qabtay muran dhex mari jiray beeralayda. Waxa kale oo uu marxuumku ahaa nin waayo arag ah, aqoon yahan ah, iyo qoraaba oo taariikhda Somaliland hayey, waxna ka qoray ilaa muddadii uu dalka yimid oo ahayd 1940-naadkii, muddooyinkii dambena ahaa la taliyaha wasaaradda beeraha. Marxuumku waxa uu ahaan jiray Sarkaal iyo khamiir dhinaca ciidamada ah.

Marxuumku waxa uu dedaal badan geliyey sidii ay u muuqan lahayd Somaliland, aqoonsi caalamiyana u heli lahayd, taas oo u horseeday inuu qaato diinta Islaamka sanadkii 2009kii, dad badan oo muwaadiniin ahina ay ku farxeen.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanada, bahda qorayaasha, Dawladda Ingiriiska, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” ayaa lagu yidhi dhanbaalka Tacsida ee kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, kaasoo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Dhinaca Dhanbaal Tacsi ah oo kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, oo lagaga hadlay geerida Alle haw Naxariistee Marxuum Cabbaas Idiris (John Drysdale), ayaa u qornaa sidan:-Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha kala duwan ee xisbiga ee kala ah; Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Garabyada xisbiga, laamaha dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland iyo guud ahaan shucuubtooda geerida ku timi Oday Cabbaas Idiris oo hore loo odhan jiray John Drystel oo geeriyooday oo maanta oo taariikhdu tahay 10/07/2016.
Oday Cabbaas Idiris oo ahaa muwaadin u dhashay dalka Ingiriiska, balse ku noolaa Somaliland ilaa sannadkii 1943-dii oo uu yimi isagoo askari ah xilligaas oo Somaliland ahayd maxmiyad uu xukumi jiray Boqortooyada Ingiriiska, isla markaana markii dambe qaatay dhalashada Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena qaatay diinta Islaamka sannadkii 2009-kii, waxa uu ahaa aqoonyahan buugaag badan ka qoray taariikhda Somaliland, waxaannu muddo badan madax ka ahaa hay’ad la odhan jiray Cadastral Survey oo ka shaqayn jirtay dhinaca beeraha.
Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Oday Cabbaas Idiris nin wax badan ka qoray taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland, kaalin wayn ka soo qaatay horumarinta wax-soo-saarka Somaliland, gaar ahaan beeraha oo uu in badan ka shaqaynayey mashaariic lagu taageerayey.

Ugu dambayntii, waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE