Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Shirkadda Somtel, ayaa daah-furtay adeegyo casri ah oo kala ah; 4G Plus iyo Bushqadda 4G Plus, adeeggan oo ah kii u dambeeyay ee dunida casriga laga isticmaalo waqtigan.
Madaxa Waaxda Suuq-gaynta ee Shirkadda Somtel Mr. Khadar Cabdiraxmaan Cabdillaahi oo hadal ka jeediyey xafladda daah-furka ah oo Hargeysa ka qabsoontay shalay, ayaa faahfaahin ka bixiyay adeeggan cusub ee Shirkadda Somtel soo bandhigtay, waxaannu yidhi; “Waxa aan aad ugu mahadcelinayaa dhammaanba macaamiisha shirkadda Somtel meel kasta oo ay joogaan, waxaanan ugu bushaaraynaynaa maanta adeeg casri ah oo ay muddo badan tabayeen oo ah 4G plus, adeegan waxa aannu ugu talagalnay macaamiishayadu in ku raaxaystaan, si fududna ugu isticmaalaan dhammaanba baahiyaha kala duwan ee ay u qabaan adeegga internet ka, waxaana intaas u dheer adeeggan waxa uu macaamiisha Somtel u sahlayaa in ay hal mar ku wada isticmaali karaan moobilka Qaybta hadalka iyo Qaybta Isticmaalka internet ka 4G Plus oo ah Version (noocii) u dambeeyay ee hadda dunida casriga ah laga isticmaalo, waana adeeg xawaarihiisu aad u sareeyo marka loo eego 4G-gii caadiga ahaa ee hore loo isticmaali jiray, Adeeggan cusub waxa aad ku isticmaali kartaa guud ahaan Moobilada casriga ah ee loo yaqaan Smartphone iyada oo dhawaanna aanu macaamiisha somtel u keenidoono moobilo jaban oo casri ah oo suurtagalinaaya isticmaalka Adeegga 4G plus.
Adeeggan 4G Plus waxa ay macaamiisha somtel ku isticmaali karaan Qiimo jaban bisha oo dhan isaga oo aan kaa dhamaanayn.”
Waxa kaloo xafladda daah-furka ka hadlay Madaxa Waaxda Ganacsiga Somtel Mr. Maxamed Rooble oo macaamiisha Somtel ugu bushaareeyay in ay dhammaan xarumaha Somtel ka heli karaan adeegga cusub ee Bushqadda 4G plus oo ka koobaan xidhmooyin kala duwan oo loogu talagalay in ay dhammaan macaamiisha kala duwan ee Somtel ay ku isticmaali karaan goob kasta iyo goor kasta.
“Xidhmooyinka Bushqadda 4G plus waxa ay ka koobantahay 2GB/Day, 4GB/Day, 10GB/Day iyo waliba Unlimited oo la siin doono macaamiisha u baahata amma aadka u isticmaala Adeegga Internet-ka, sida oo kale waxa aannu macaamiisha Somtel ugu bushaaraynaynaa in loo diyaariyay xidhmooyinka 3G plus oo aad ka heli doontaan dhammaan xarumaha Somtel gobolada iyo degmooyinkaba.
Madaxa Waaxda Suuqgaynta Shirkaddaha Dahabshiil Group Mr. Cawil Saalax oo halkaas ka hadlay, ayaa isna faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay Adeegyada Dahabshiil Group ay bixiso, gaar ahaana sida ay Somtel markasta ugu dedaasho in ay la jaanqaado, isla markaana hoggaamiso tignoolajiyada koraysa ee maalin kasta isbeddelaysa.
“Adeeggan 4G plus waxa uu sahli doonaa macaamisha in ay jaamacadaha wax kaga baran karaan amma ay kala socon doonaan isbeddelka suuqyada Ganacsiga oo daqiiqad kasta wax ku soo kordhaan, isla markaana Adeegyada cusub ee aannu soo kordhinayno waxa aannu ku jaangoynaa hadba baahida nooga timaad macaamisha Dahabshiil Group,” ayuu yidhi Cawil Saalax.