Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Shirkadda HEMA books, ayaa xarun cusub ka furatay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taasoo laga heli doono noocyada kala duwan ee buggaagta waxbarashada.
Xaflad si heer sare ah loo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta cusub ee Shirkadda Buugaagta Hema Books oo ku taal dhismaha Indho-birta (xaruntii hore ee Wasaaradda Duulista Somaliland) shalay, waxaanna ka qaybgalay maamulka sare ee shirkadda HEMA, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland, Agaasimaha Manaahiijta ee Wasaaradda Waxbarashada, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka, masuuliyiinta dugsiyada waxbarashada, aqoonyahanno iyo marti-sharaf kala duwan.
Maamulaha guud ee shirkadda Hema Books Mr. Cabdiraxmaan Nuur Cigaal oo halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada loo aasaasay iyo waxay kaga duwan tahay shirkadaha kale.
“Haddii warbixin kooban idinka siinno shirkadda HEMA Books, waa shirkad iibisa dhammaan qalabka dugsiyada iyo jaamacadaha, waana shirkadii ugu horeysay ee nooceeda ah ee laga furo Somaliland.
Shirkadan HEMA waxa loo asaasay in ay ka qaybqaadato tayeynta waxbarashada Somaliland, waxaannu keenay oo aannu iibinaa dhammaan agabka waxbarashada sida:
a. Buuggaagta dugsiyada hoose, Dugsiyadda dhexe iyo sare, iyo kuwa jaamacadaha oo aannu ku iibin doono qiimo aad u jaban si qofkasta oo Somaliland jooga caruurtiisa buugaag ugu helo, taas oo kor u qaadi doonta tayada waxbarashada dugsiyadda iyo ardayda Somaliland.
b. Sidoo kale, waxaanu keenay buugaagta akhriska guud “general reading books” taas oo aanu ugu tallo-galnay in dadka waaweyn iyo ardayduba iibsadaan oo akhristaan si aqoontoodu kor ugu kacdo.
c. Waxa kale oo aanu xaruntan u diyaariney dhamaan qorayaasha Af Soomaaliga wax ku qora, guddo iyo dibadba, si aanu kor ugu qaadno dhaqanka iyo luuqada Afkeeno Hooyo. Waxaanu ku dhiiri-gelinaynaa dhamaan qorayaasha in shirkadani diyaar u tahay in ay kala shaqayso diyaarinta, suuq-gaynta iyo iibinta buugaagta ay rabaan inay qoraan ama kuwa ay hore usoo qoreen. Waxa iminka idiin diyaara ah goob buugaagta lagu Kaydiyo (book store) oo aad kusoo bandhigtaan buugaagta aad qorteen ama qori doontaan Insha Allah.
d. Waxa kale, oo Bushaaro weyn ah, Maadaama oo aynu nahay umad 100% muslim ah, waxaanu xoogga saarnay buugaagta cilmiga shareecada islaamka iyo kuwo af-carabiga ku qoran si aanu kor ugu qaadno aqoonta diinta iyo saqaafada carabiga ee dalkeena.
e. Shirkadda HEMA waxay keentay dhamaan agabkii shaybaadhka dugsiyada sare (science labs) ee maadooyinka Chemistry, Biology and Physics. Aduunka casriga ahna waa laga baxay ardaygii hadal uun wax ku baran jirey ama macalinku casharka uun u akhri jiray (theory), waxaana loo baahan si uu ardaygu fahamkiisu kor ugu qaadmo in shaykasta oo la dhiganayo ardaygu helo (Practical) , iyadoo si toos ah loo qabanayo, sidaa darted, waxaanu u suurto-galin doonaa iskuul kasta inuu yeesho xaruntii tijaabadda ardaygu ku gali lahaayeen “science lab” oo uu ardaygu practicalka ku samayn lahaa.
f. Intaas kuma koobnaa ganacsiga aanu samayney, ee waxaanu keenay agabkii kale ee ardayda iyo macalimiinta ka caawin lahaa waxbarashada sida buugaagtii wax lagu qorayey, qalimaantii, ciyaarihii waxbarashada (educational games and toys) iyo agab kale oo aad u badan oo Ardayda fahankiisa kor u qaadaya.
g. Intaas waxaa dheer, waxaanu talooyin iyo tababar siinaa iskuulada, macalimiinta iyo waalidiinta sidii kor ugu qaadi lahaayeen tayada waxbarashada ardayda, macalimiinta iyo iskuuladooda,” ayuu yidhi Mr. Cabdiraxmaan Nuur Cigaal.
Waxaannu intaas ku daray; “HEMA Book store wuxuu furnaan doonaa 7:00 subaxnimo ilaa 8:00 habeenimo, waxaana jooga shaqaale u tababaran iibinta buuggaagta. Waxa kaloo aannu ugu bushaaraynayaa macaamiisha HEMA in ay buuggaagta ku iibsan karaan online, iyagoo guryahooda iyo xafiisyadooda fadhiya. Annagoo ka faa’iidaysanayna tignoolojiga casriga ah, shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka ka jira, iyo baannanka casriga ah ee dalka ka hirgaley, waxaannu dhowaan soo bandhigi doonaa siduu u shaqayn doono barnaamijkan E-commerce (online shopping) oo ah sidii aad Internet-ka uga iibsan lahayd buug kasta oo aad u baahantahay, taasoo fududeynaysa inaad si dhakhso ah u hesho buuggaagta aad u baahan tahay, waxaanna uga dan leenahay sidii macaamiisha HEMA uga faa’iidaystaan. Waana fursad kaloo waalidka, macalimiinta iyo arayda u soo korodhay.
Waxaan kaloo macaamiisha ugu bushaaraynaa in aannu halkan ku daah-furayno barnaamijka jumlada oo shirkaddu ay bilowday in qofkii jumlad wax ku iibsanaya buuggaagta iyo qalabka kale laga iibinayo.
Shirkaddu waxay xarumo sidan oo kale ah ka furaynaa magaalooyinka waaweyn ee Somaliland inta aannu sannad-dugsiyeedka dambe dhamaan. Meelaha aanu gaadhi kari wayno, waxaannu samayn doonaa wakiilo dadka gaadhsiiya buuggaagta iyo agabka kaleba. Waxaan si gaar ah ugu bushaaraynaa bookshops badan ee ka jira magaalooyinka waaweyn inay ka faa’iidaystaan fursadan oo ay la soo xidhiidhaan xarunta guud ee shirkadda HEMA.”
Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Yuusuf Cismaan Garas, ayaa soo dhoweeyey shirkadda cusub ee dalka keentay buuggaagta iyo agabka waxbarashada, isagoo tilmaamay in aanay waddanka hore uga jirin buuggaag ay ardayda iyo macalimiintu akhristaan, sidaa darteed, ay shirkaddan HEMA Books qayb ka qaadan doonto tayeynta waxbarashada Somaliland.
“Waxa aan soo soo dhoweynayaa shirkadda HEMA Books oo dalka keentay adeeg loo baahan yahay oo ay ka mid yihiin buuggaagta waxbarashada iyo agabkeedii oo dhammaystiran, anniga waxay ii tahay maalin farxad ah mar haddii aan ka qaybgalay xarun lagu tayeynayo ardayda reer Somaliland, hore umay jirin meel ardaygu wax ku akhristo iyo buuggaag uu akhristo toona, waxaan ka mid ahaa ardaydii wax ku baratay, iyadoo aanay jirin buuggaag iyo xarumo sidan oo kale ah oo laga korodhsado aqoonta, runtii xaruntan waxa taal dhammaan agabkii waxbarashada dugsiyad hoose ilaa kuwii jaamacadaha, waa xarun loo baahan yahay oo ardayda waxbarata ka faa’iidaysan doonaan, inta badan waxaannu ka hadalnaa tayadda waxbarashada oo waxa la yidhaa waxbarashada Somaliland tayadeedda kor ha loo qaado, arrintaasi waa loo baahan yahay, laakiin marka aad rabtid arday tayo waxbarasho leh waa in aad is waydiisaa ardaygan ma u dhammaystiran yihiin agabkii waxbarashaddiisa fududeynayey, ardaydeena ma haystaan buuggaag ay wax ka akhristaan iyo buug macallinku raaco wax ka dhigo,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenku.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) oo soo dhaweeyey shirkadan dalka Somaliland keentay buuggaagta waxbarashada, waxaannu sheegay inuu ku faraxsan yahay in ardaydu helaan buuggaag jaban oo ay wax ka bartaan.
“Qaran waxa uu ku dhismaa laba shay waa aqoonta iyo hogaan toosan, shirkadda Hema Books waxay soo bandhigtay daabacaad iyo buuggaag jaban oo la jaan-qaadaya dhaqaalaha Somaliland, dalkeenna waxa waxbarasho aroortii u kalaha in ka badan shan boqol oo kun oo arday, laga bilaabo dugsiga hoose ilaa heer Jaamacadeed, ardaydaasi may haysan buuggaag waxbarasho iyo agab waxbarasho, waxaase Ilaahay mahaddii ah mar haddii shirkadan HEMA dalka keentay buuggaag caalamka la jaan qaadaya oo waxbarashada kor u qaadaya. Dhallinyarada dalka ku nooli waa 70%, waxay u baahan yihiin waxbarasho tayo leh iyo buugaagtii ay wax ka akhrisan lahaayeen, aad baan ugu faraxsanahay in aynu helno xarun lagu iibiyo buuggaagta waxbarashada iyo agabkeedda,waxa loo baahan yahay dalkan in la maalgashado, qof waliba kartidiisa waa inuu qarankan galiyo,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Md. Cabdirashiid Axmed Guuleed oo halkaas ka hadlay, ayaa adeegyada shirkadan cusub ku sifeeyey inay wax ka tari doonaan baahiyaha la xidhiidha dhinaca buuggaagta aqoonta ah.
“Waxa ay wax weyn ka tari doontaa baahidii loo qabay tayeynta aqoonta, wax badan ayey ka beddeli doontaa aqoonta bulshadeena, waxay mudan yihiin in la dhiirigaliyo, waana ku mahadsan tihiin in ardaydeenii helaan buuggaag ay ka akhristaan casharadda iyo buuggaag ay tixgaliyaan, xarumaha noocan oo kale waa kuwo loo baahan yahay oo faa’iido badan u leh bulshadeena waana soo dhoweynayaa shirkadda HEMA Books,” ayuu yidhi Cabdirashiid Axmed Guuleed.