Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ku dhaliilay Komishanka Doorashooyinka Qaranka gaabiska xooggan ee ka muuqda nidaamka diwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socota Gobolka Maroodi-jeex.
Guddoomiyaha SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa warsaxaafadeed uu ka soo saaray magaalada Hargeysa shalay, kaga hadlay sababaha keenay in dadweynuhu si buuxda uga qaybqaadan waayaan diwaangelinta codbixiyeyaasha.
“Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu dadweynaha reer Somaliland ugu baaqayaa inay si mug leh uga qaybqaataan ciiwaangalinta Cod-bixiyeyaasha si ay u soo doortaan cidii hoggaamin lahayd, maadaama doorashooyinka soo socdaa ay yihiin fursado kaloo ay u haystaan inay ku soo xushaan hoggaamiyayaashii maamuli lahaa.
Diiwaangalinta Cod-bixiyayaashu waa xuquuq ay muwaaddiniinta reer Somaliland iska leeyihiin, isla markaana Dastuurka dalka iyo xeerarka doorashooyinku xaq u siiyeen inay ku soo dooran karaan hoggaanka ay isleeyihiin wuxuu idin gaadhsiin karaa horumar ka baaxad weyn ka imminka xilka haya, arrintaas oo ay go’aan iska leeyihiin inay ku keenaan kolba ashkhaasta ay u arkaan inay leeyihiin aqoon, waayo-aragnimo iyo karti wax ka tarta baahiyahooda.
Ururka SOLJA waxa uu isha ku hayaa hannaanka ay u socdaan nidaamka diiwaangalinta iyo doorashooyinku, iyagoo door muhiim ah ku leh wax ka qabashada kolba halka ay ku jirto danta codbixiyayaasha iyo danta qaranka Somaliland, maadaama ay yihiin hawlo qaran oo in hareeraha laga istaago ay tahay masuuliyad wada saaran shacbi-weynaha Somaliland.
Ururka SOLJA, isagoo ka duulaya masuuliyadda saaran waxay hore ugu bandhigtay Komishanka Doorashooyinka talooyin ku saabsan caqabadda ka hortimi diiwaangalinta cod-bixiyayaasha, taasoo ay masuuliyadda koowaad iyaga saarnayd inay wax ka qabtaan, hase yeeshee iyagoon tixgalin warbixinihii hore u yaalay xafiiska iyo talooyinkii la siiyey ayey qaadeen waddadii hore ugu keenay caqabadaha diiwaangalimihii fashilmay iyo doorashooyinkii khataraha badnaa ee dirqiga lagaga badbaaday, kuwaas oo ay sabab u ahaayeen wacyigalin la’aanta bulshada kala soo darista hannaanka doorashooyinka.
SOLJA oo qayb ka ah ururrada bulshada rayidka ah, isla markaana xog-ururin rasmi ah ku samaysa hannaanka doorashooyinka iyo diiwaangalinta waxay u aragtaa caqabada ka hor timid diiwaangalinta inay tahay Komishanka oo saxaafadda baal maray, isla markaana aan bulshada gaadhsiin farriimo manfac leh, aan diyaarin agab ku filan oo la mariyey dariiq sax ah.
Sidaa darteed, Ururka SOLJA waxa uu soo koobayaa sababaha uu u arko inay keentay dhibta ka taagan inay dadweynuhu is-diiwaangalin waayaan:
1. Komishanka Doorashooyinka oo aan gacanta ku hayn dhaqaalaha lagu maamulo Diiwaangalinta, isla markaana toosin kari waayey hay’adaha ka caawiyey wacyigalinta, sida IOM iyo komyuunakis.
2. Komishanka oo bilowgii diiwaanglinta si wagash-wagash ah uga bilaabay Gobolka Togdheer, isla markaana qaaday tallaabooyin aan bislayn.
3. Komishanka Doorashooyinka iyo ururrada wacyigalinta la siiyey oo aan isticmaalin culimada, madax-dhaqameedka, xildhibaannada, saxaafadda iyo dadka saamaynta ku leh bulshada dhexdeeda, isla markaana farriimaha warbaahinta la mariyey bilowgii ilaa maanta ay yihiin hal farriin ah oo aan dib loo eegin amma aan la cusboonaysiin.
4. Natiijo ka soo saarid la’aanta gobollada diiwangalintu ka dhacday, taasoo abuuri lahayd tartan gobollada dhexdooda ah, sida Burco iyo Boorama.
5. Adeegsigii Komishanka Doorashooyinku u isticmaaleen xisbiyada xafladihii lagu daah-furayey diiwaangalinta gobollada oo isku beddeshay olole sharci-darro ah, isla markaana markii danbe Komishamku joojiyeen.
6. Komishanka Doorashooyinka oo aan ilaa hadda ka hadal amma caadaystay-ba inaanay bulshada u soo bandhigin caqabadaha ka hor yimid diiwaangalinta amma aan keenin dariiq wax ka taraya inay diiwangalintu si ka xoog badan uga qabsoonto gobollada hadhay.
7. Komishanka Doorashooyinka oo nidaamka ay diiwaangalintan u dhigeen la mid tahay tii maddaniga ahayd ee istaagtay ee ay xukuumaddu maamulaysay, iyada oo aanay bulshadu wada qaadan, taasoo caqabadihii ay dhigtay saamayn ku yeelatay tan Doorashooyinka, maadaama nidaam ahaan, qalab ahaan iyo kaadhadh bixinta oo labadaba dib loo dhigay niyad-jab ku keentay dadweynihii is-diiwaangaliyey, isla markaana Komishanku iyagoon samayn daraasad ka duwan taa hore kala mid dhigay.
8. Baabuurta Wacyigalinta sameeya ee ay adeegsadaan dadka wacyigalinta wada oo aan dadka waxba u sheegin, isla markaana saara heeso aan khusayn Diiwaangalinta, iyadoo aanay dhallinyarada iyo haweenka oo ah dadka ugu badan codeeyayaasha aan loo samayn wacyigalin u gaar ah.
Caqabadaha xukuumadda:-
1. Xukuumadda oo aan wacyigalinta door muhiim ah ka qaadan marka laga reebo taageerada guud ee ay siiso Komishanka, sida dhaqaalaha iyo sugida amniga guud.
2. Warbaahinta dawladdu maamusho iyo shaqaalaha dawladda oo aan si heer qaran ah u galin wacyigalinta.
3. Masuuliyiinta xukuumadda oo aan dadweynaha u qaban adeegyadii ay u baahnaayeen, gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenka, taasoo niyad-jab ku riday bulshada qaarkeed.
Axsaabta siyaasadda:-
1. Khilaafka sisbiyada dhexdooda ka jira iyo qaabka ay u soo doortaan hoggaamiyayaasha oo dadweynaha rajo-xumo ku abuurtay.
2. Xidhiidhka madaxda axsaabta iyo bulshada oo hoosaysa, isla markaana la arko uun marka diiwaangalin amma doorasho jirto.
3. Xisbiyada oo aan la xisaabtamin xukuumadda, gaar ahaan xisbul xaakimka oo aan uba arag in uu doorkaa leeyahay, iyo mucaaradka oo aan dabagal iyo xog ururin dhab ah ka samayn qaladaadka xukuumadda.
4. Axsaabta oo dadweynaha duudsiisa xuquuqdooda, isla markaana uga faa’iidaysata qaab qabyaaladeed amma gobolaysi.
Dadweynaha:-
1. Dadweynaha oo aan fahamsanayn xuquuqda Dastuuriga ah ee ay u leeyihiin hannaanka doorashooyinka, isla markaana qaab aan haboonayn ugu codeeya siyaasiyiinta.
2. Dadweynaha oo cuqdad ka qaaday ballamihii ay axsaabtu kaga baxeen, isla markaana aan meel fog ka eegayn sidii ay ku keeni lahaayeen hoggaanka ay doonayaan.
3. Dadweynaha oo aan dhexdooda is hoga tusaalayn amma u nuglaada kooxaha ku xidhan Axsaabta iyo Xukuumadda si ka baxsan inta sharcigu oggolyahay.
Talo-soo-jeedin:-
Ururka SOLJA waxa talo ku soo jeedin lahaa:-
1. In Komishanku wax ka beddelaan hannaanka ay wacyigalinta u wadaan, bulshadana la socodsiiyaan macluumaadka Doorashooyinka, isla markaana ay casharo ka bartaan caqabadaha ka horyimi amma ka horiman doona.
2. Axsaabtu inay wax ka beddesho nidaamka dhexdooda, hoggaan wanaagsan u soo xulaan dalka, isla markaana ixtiraamaan doonista dadweynaha.
3. Dadweynuhu inay is-diiwaangaliyaan, soona doortaan dadka wanaagsan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka SOLJA.