Araweelo News Network
Hargeysa(ANNN)Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in la soo afmeeray wejigii koowaad ee hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socotay degaannada Gobolka Maroodi-jeex, loona gudbay wejiga labaad shalay.
Xubnaha Guddiga Doorashooyinka iyo masuuliyiin ka kala socday xisbi qaran oo shir-jaraa’id wadajir ugu qabtay xarunta Komishanka shalay, ayaa wargeliyey shacabka ku dhaqan degaannada Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan degmooyinka Hargeysa iyo Sallaxlay in uu dhammaaday wejigii hore ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo socday muddo toddobaad ah, una gudbi doonto wejiga labaad.
Warsaxaafadeed Komishanka Doorashooyinku ka soo saareen nuxurka waxyaabaha lagaga wadahadlay kulanka lagaga dhawaaqay dhammaadka wejigii hore ee hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha Gobolka Hargeysa iyo bilowga wejiga cusub waxa uu u qornaa sidan:
“Shir-jaraa’id oo ay si wadajir ah Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo saddexda xisbi qaran ugu qabteen xarunta Komishanka maanta oo bishu tahay 07/05/2016 [shalay] waxa lagu wargalinayay bulshada ku dhaqan Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan labada degmo ee Hargeysa iyo Sallaxlay in wejigii kowaad ee diiwaangalintu soo afmeerantay, lana guda galay wajiga labaad ee diiwaangalinta.
Komishanka iyo saddexda xisbi qaranba waxay si qoto dheer u dul istaageen dhiirrigalinta bulshada ku nool Somaliland, gaar ahaan shacabka degmooyinka Hargeysa oo ah caasimadda dalka in ay si buuxda uga qeybqaataan diiwaangalinta, una soo baxaan, kana faa’iideystaan waqtiga kooban ee ay haystaan.
Guddoomiyaha Komishanka Qaranka, ayaa u soo jeediyay bulshada ku dhaqan caasimadda Somaliland in ay isdiiwaangaliyaan, xaqooda diiwaangalineedna aanay dayicin,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka.