Araweelo News Network.

 

#Deni Iyo Cutubyo Ilaaladiisa Ah Oo Ka Degey Muqdisho

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha maamul gobolleedka Soomaaliya ee  Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta gelinkii danbe ka degey garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni, ayaa ka qaybgelaya shirka la doonayo in lagu qabto Xerada Xallane ee uu ku baaqay Madaxweynaha Xilligiisu dhammaaday ee Soomaaliya Madaxamed Cabdullaahi Farmaajo si xal looga gaadho khilaafka cakiran ee doorashadda Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Deni, waxa Garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ,Xildhibaanada labada aqal iyo siyaasiyiin kala duwan.

Dhinaca kale, Cutubyo ka tirsan ciidanka amaanka Puntland ayaa saacado ka hor gaadhay Magaalada Muqdhiso, kuwaas oo ka mid ah Ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne Deni.

Marar badan ayuu Madaxweynaha Puntland ku cel-celiyay in shirkaa ay ka qaybgelayaan haddii lagu qabanayo meel amaan ah, waxayna isaga iyo Madaxweynaha Jubaland ku xidheen ka qaybgalka shirka shuruudo adag oo la xidhiidha dhanka amaanka.

Gagaroonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdusho, waxa kasoo degtay diyaarad siday ciidamada ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kuwaas oo ku qalabaysan hub kala duwan ay ku jiraan kuwa garbaha laga rido sida baasuukaha iyo qoryaha boobayaasha.

Madaxda labada maamul gobolleed ee Soomaaliya, Puntland iyo Jubbaland ayaa shirarkii ugu danbeeyay ee Dhuusamareeb la imanayay ciidamo ilaalo khaas u ah, iyagoo sidoo kele inta badan marka ay tegayaan nMuqdisho la yimaada ilaalo gaar ah.

Balse ciidamada xilligan, ayaa ka badan kuwii hore loogu arki jiray, iyadoo Madaxda kale ee maamul gobolleedyada Soomaaliya ay inta badan ilaaliyaan ciidanada Dowladda Federaalka.

Dhinaca kale, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Maadxweynaha Jubaland, ayaa hore usii joogay Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomalaiya, isagoo halakaa gaadhay 9 March 2021, si uu uga qaybgalo shirka la doonayo in xal lagag gaadho muranka doorashooyinka Soomaaliya.

Axmed Madoobe, wuxuu mudadii uu ku sugnaa Muqdisho wuxuu kulan la yeeshay Madaxweynaha dadban ee Somalia, isla markaana  ah wakiilka khaaska ah ee ergeyga Qaramada Midoobay ee Somalia, Amb. James Swan.

 

Sidoo kale, wuxuu kulamo la yeeshay Diblamaasiyiin iyo safiiro kala duwan oo ay ka mid yihiin Wakiilka Midawga Yurub, Amb Nicolas Berlanga, Safiirka Marayknaka, Amb Donald Yamamoto, Safiirka cusub ee UK, Ambassador, Kate Foster. Safiirka Dawladda Djibouti, Danjire Aadan Xasan Aadan iyo diblamaasiyiin kale.