Araweelo News Network.

“Hablaha yar yar  Sri Lanka lagama keenin waa Hablahayagii, Ilaahayna annaguu nagala xisaabtamayaa fawaaxishka”Maayarka Burco.

#Burco(ANN)-Maayarka Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad), ayaa ku hanjabay inuu gacan bir ah ku qabanayo Huteelo uu sheegay in ay dhaqan-xumo wadaan.

Maayar muraad, wuxuu dhaar ku maray in aannay dhacayn in Huteelo uu sheegay in dadka dhalinyarada laysugu xereeyo si ay ugu tuntaan aannay u dulqaadanayn oo ay gacan wax kaga qabanayaan.

“Hablaha yar yar  Sri Lanka lagama keenin waa Hablahayagii, Ilaahayna annaguu nagala xisaabtamayaa fawaaxishka, markaa cidna ugu hambarnmayno mana dhici doonto caawa laga bilaabo, caruurka laysu xeraynayo ee Muusiga loo tumayaa.” ayuu yidhi, Maayar Muraad oo maanta Magaalada Burco ku qabtay shir-saxaafadeed .

 

Halkan Ka Daawo Hanjabaada Maayarka Burco.