Araweelo News Network.

Midawga Yurub Oo Ka Cadhaysiiyay Xukuumadda Farmaajo

#Ambassador Nicolás Berlanga Martínez Furitaanka bandhiga Buugaagta Hargeysa ee 12aad 20 July 2019 Image File Araweelo News Network.

Somalia, Muqdishi(ANN)- Midawga Yurub, ayaa ka hadlay heshiiska dawladda Federaalka ee Soomaaliya la gashay Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland, Abdirashid Hassan Abdinur (Janan) oo shalay masuuliyiin ka tusran xukuumadda Farnaajo usoo gacan galay.

Amnesty International calls for trial of Abdirashid Janan

Amb. Nicolas Berlanga oo ah Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ka hadlay heshiiska dowladda iyo Abdirashid Hassan Abdinur (Janan), oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, ayaa duray heshiiskaa.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter, ayuu Nicolas Berlanga kaga horyimid heshiiskaa, wuxuuna ku tilmaamay heshiiskaas mid ku dhisan “guulo muddo kooban ah”.

Sidoo kale waxa uu xusay inuu xasuusan yahay dhibaatada la sheegayo inuu Abdirashid Janan ka geystay gobolka Gedo, wuxuuna soo jeediyay in sharciga loo sinaado oo cadaaladda la marsiiyo, islamarkaana lagu qaado gabood falka uu hore ugu eedeysnaa.

“Waxaan ka fekarayaa dhibanayaasha, dadka la barakiciyey, Soomaalida da’da yar ee ku haminayaya bulsho nabad iyo dhex-dhexaad ah, oo sharciga loo wada siman yahay. Waxaan hubaa in kuwa ka fekaraya guulo deg-deg ah aannay ilaabi doonin bulshada u baahan tiirar adag si loo dhiso mustaqbal,”ayuu yidhi.

Qoraalka Ambassador, Nicolas Berlanga, waxa si cadha ah uga jawaabay Cabdinuur Maxamed Axmed, oo ah ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Villa Somalia, kaas oo sheegay in danjiraha Midawga Yurub, aannu xaq u laheyn inuu arrintan kaga hadlo twitter-ka, balse loo baahnaa in haddii uu ka walaacsan yahay arrintaa qoraalkiisa soo mariyo marinada diblomaasiyadeed ee dowladda.

“Mudane Danjire, waxaan ogahay inaad marino aan xadidnayn aad u haysato marinada diblomaasiyadeed ee ugu haboon, si aad walaacyadaada ugu gudbiso, una hesho xog qiimo badan oo ku saabsan dhacdooyinka noocan ah”.

Dhinaca kale, waxa arrinta Abdirashid Hassan Abdinur (Janan), si weyn u dhaleecaysay Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International, waxayna ku baaqday in Mr. Janan la horgeeyo cadaaladda, isla markaana lagula xisaabtamo gabood-faladii ka dhankaa xuquuqda Aadamaha ee lala xidhiidhiyay.