Araweelo News Network.

“Garsoorku waa halbeegga isu-dheelli tirka xidhiidhka bulshada ka dhaxeeya, dhowista xuquuqul iinsaanka” ra’iisal Wasaare Rooble 

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka ee Soomalaiya  Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka qayb galay shir-sanadeedka garsoorka Soomaaliya oo ah madal lagu lafa-guro waxyaabihii Garsoorka u qabsoomay iyo caqabadihii ka hor yimid sanadkii tegay, iyadoo lagu jaangooynayo qorshayaasha sanadka cusub ee 2021.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay hufnaanta hannaanka Caddaaladda iyo sarreynta sharcigu inuu yahay tiir muhiim u ah dowladnimada, laguna gadhi karo xasillooni iyo horumar taaba qaada.

“Garsoorku waa halbeegga isu-dheelli tirka xidhiidhka bulshada ka dhaxeeya, dhowista xuquuqul iinsaanka iyo waajibaadka aas-aasiga ah ee shacabku ay ku leeyihiin dowladdooda, taas oo ay ugu horreyso in aan laga musuqmaasuqin canshuurtooda, looguna adeego si siman oo caddaalad leh”.

Alt: Araweelo News Network

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka ee Soomalaiya  Maxamed Xuseen Rooble oo ka qaybgalay shirka garsoorka Image Araweelo News Network 14 Jan 2021

Eng. Rooble ayaa xusay Dhismaha Golaha adeegga garsoorka marka uu soo dhammaado in ay fududaan doonto dhisidda Maxkamadda Dastuurka ee dalka oo kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee hannaanka Garsoorka.

“Sidoo kale, Gollaha Wasiirada xukuumadda Federaalka iyo Golaha shacabka waxa ay ansiyeen saddex heshiis oo saldhig u ah la dagaalanka musuqmaasuqa, oo kala ah; Heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka musuqmaasuqa, Heshiiska Midowga Afrika ee ka hortagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Heshiiska Carbeed ee la Dagaalanka Musuqmaasuqa”.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay bahda cadaaladda in ay musuqmaasuqa ka fogaadaan, noqdaana kuwa loo soo ordo ee aysan noqon kuwii laga cararayey.

“Waxaan sidoo kale ku guulaysanay in aan dhisno guddigii la dagaalanka musuqmaasuqa, oo qayb weyn ka qaadan doona, maamul-wanaagga iyo xaqiijinta cadaaladda.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa kordhisay miisaaniyadda sanadlaha ah ee Hay’adaha Garsoorka, si kor loogu qaado xuquuqdooda, tanoo looga fogaanayo laaluushka iyo is-dabamarinta xuquuqda muwaadiniinteenna Soomaaliyeed.

AKHRI: Somalia: Ra’iisal Wasaare Rooble Iyo Warbaahintu Maxay Ka Wada Hadleen

Shir-sanadeedka Garsoorka, waxa kale ooka qayb-galay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garsoore Baashe Yuusuf Axmed, Xeerilaaliyaha Guud ee dalka Abukaate Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud, Garsoorrayasha Maxkamadda Sare iyo guud ahaan bahda garsoorka iyo cadaaladda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Xubnaha bulshada rayidka soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.