ismail omar gele

London(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti md Ismaaciil Cumar Geele ayaa waraysi gaara oo uu siiyey wargeyska sharqal awsat ee ka soo baxa carrigga Ingiriiska wuxuu kaga hadlay arimo badan oo khuseeya amaanka gobolka,xidhiidhka Jabuuti iyo Sucuudiga,Saldhigyada Ciidan ee ay marti geliyaan,kaalintooda geeska afrika,arrimaha soomaliya iyo waxqabadkiisa mudadii uu xilka hayay.Qaybo ka mid ah waraysigaa oo Shabkada Qurbejoog.com soo xigtay waa sidan;
S:Dhawaan waxad booqatay Riyaad maxaa ugu muhiimsanaa arrimihii aad halkaa kaga wada hadasheen,sideese u aragtaa xidhiidhka Sucuudiga iyo Jabuuti gaar ahaan dhinacyada Siyaasada iyo Dhaqaalaha?
J:Ugu horayn waxan jecelahay inaan kuu cadeeyo xidhiidhka siyaasadeed ee Jabuuti iyo Sucuudigu waa mid soo jireen ah cago adag ku taagan isla markaana wanaagsan,waxa kale oo jira is faham ku dhisan iskaashi sareeya oo ku socda horuu-mar joogta ah,anaguna raali baanu ku nahay,Dhinaca dhaqaalaha waxanu ka wada shaqaynaynaa sidii kor loogu qaadi lahaa ilaa heer siyaasadeed oo wanaagsan,tan iyo booqashadaydii Riyaad xili hada ku siman bil,anigoo la kulmay adeegaha labada xaram Boqor Salmaan Bin Cabdilcasiis,Dhaxal Sugaha Amiir Maxamed Bin Naaif iyo Dhaxal Sugaha Labaad Amiir Maxamed Bin Salmaan xidhiidhkayagu wuxuu u gudbey heer soo dhoweyn leh,waxanuna hada eegaynaa sadaal wanaagsan tiiyoo aanu xaqiijinay ka hogaan siyaasi ahaan kulmadan dhexdooda sida loogu baahan yahay in kor loogu qaado xidhiidhkeena ilaa heer Istaraatijyadeed,dhab ahaantiina Sucuudigu wuxuu ahaa welina yahay mid taagan dhinacayaga heerar kala duwan,waxayna ku bixisay waddankayaga taageerooyin aan la koobi karin,anaguna waa tix gelinaynaa arinkaa.
S:Maxaad ku qiimayn lahayd kaalinta Jabuuti kaga jirti xaqiijinta nabada,dhaqaalaha , xasiloonida iyo siyaasada Gobolka Geeska iyo Barriga Afrika?
J:Waxanu marti gelinaa Xarunta urur Goboleedka IGAD oo ah mid kulmisa dawladdaha Bariga Afrika dhinaca horumarinta kuwaas oo ka kooban; Jabuuti,Suudaan,Erteriya,Soomaliya,Itoobiya,Kiiniya,Yugaandha iyo Koonfurta Suudaan.Ururkan oo kaalin wax ku oola ku leh u adeegista Dawladahaa ee dhinaca siyaasada iyo dhaqaalahaba,anaguna ururkan dhexdiisa waxanu qaadanaa kaalintayada wax ku oolnimo sida ugu haboon oo lagu daray ka qayb galka Jabuuti ee ururada kale ee Afrika sida Midowga Afrika(AU) waxa kale oo aanu ku jiraa kuwa kale sida Suuqa wax is dhaaf-siga ganacsiga xorta ah ee u dhexeeya Dawladaha Koonfurta iyo Bariga Afrika(COMESA) iyo kuwa kale.Dhinaca Siyaasada waxanu dedaalkayga ku bixinaa xaqiijinta nabada iyo xasiloonida si ay ugu bedesho wax wanaagsan dhamays tirka wadjirka dhaqaale oo ah jidka loo marayo hirgelinta fursadaha nolosha wanaagsan ee bulshooyinka Gobolka tiiyoo lala dagaalamyo Jahliga,Faqriga iyo Cuduradda.
Dhinaca Dhaqaalaha waxanu haysanaa tiro dekado muhiim u ah dhaqaale ahaan Jabuuti kuwaas oo ka dhigay dhaqaale ahaan inay gudato kaalin ganacsi oo wax ku ool u ah Dawladaha Gobolka haday tahay Bariga Afrka ama kuwa kulaalaya Koonfurta Badda Cas,Mustaqbalka dhowna anakoo ka duulayna xidhiidhkayaga istaraatiii ee naga dhexeeya walaaladayo Sucuudiga dhanka dhaqaalaha waxanu isla eegi doonaa sidii loo horumarin lahaa iskaashi dhaqaale oo wax ku ool ah kaas oo dhex mara waddamada gacanka,jasiirada carabta iyo Dawladdaha Bariga iyo Geeska Afrika.
S:Soomaaliya waxay ku jirtaa xasilooni daro dhinaca amaanka ah taas oo ka dhalatay hawlgalada kooxaha hubaysan oo lagu daray budhcad badeed iyo wax la mid ah,maxay Jabuuti ka qabatay arintan,maxaadse ku qiimayn kartaa mowqifka carbeed iyo ka dunida ee arimahn ku aadan?
J:Walaalaha Soomaliya waxay la il daran yihiin dagaalo sokeeye iyo nabad gelyo daro xili ku siman tobanaan sano,sidaas oo ay tahayna hada waxa ku soo noqonaya waddankaa nabadii oo loo baahan yahay in wax badan laga qabto si dalkaasi loogu soo celiyo xaaladiisii hore,Soomaliyana anaga waxay noola mid tahay sida Yemen,dawlad Jaara oo aanu walaala nahay uuna isku kaaya xidho xidhiidh sokeeyanimo oo taariikhi ah,sidaas darteed waxanu garab istaaganay walaalahayo tan iyo markii dhibaatadoodu bilaabantay xili ku siman 23 sano,waxanu marti gelinay Afar shir dib u heshiisiin soomaliyeed dhamaantood waanu ku guulaysanay iyadoo aanu isku soo dhawaynay kal duwanaantii argtiyaha lagu qaybsanaa xiligaa,kamaanuna hadhin ilaa maanta taageerada walaalahayo soomalida dhinaca siyaasada ee fagaarayaasha caalamiga ah iyo kuwa goboleedba,waxa kale oo aanu taageeraa xaqiijinta nabadgelyadda iyo xasiloonida soomaliya iyadoo ay halkaa naga joogaan laba guuto oo ciidan ah kuwaas oo gaadhaya ilaa laba kun oo askari qaybna ka hawlgalka AMISOM oo ah ciidamo afrikaan ah,anagoo ah Dawladda keliya ee Carbeed Muslim ah ee ciidankoodu ka qayb qaataan sugida nabad gelyada Gobolka Hiiraan ee Koonfurta Soomaliya oo ah dhul balaadhan,adag isla markaana khatar ah,waxayna ku guuleysteen ciidamadeenu gudashada waajibaadkooda ciidan iyo baniaadanimo,arintan oo ay sahashay afka dhaqanka iyo diinta isku kaaya xidha walaalahayo soomaliyeed,guud ahaan Jabuuti waxay dedaal ugu jirtaa soo noqoshada nabada xasiloonidii gebi ahaan walaaladeen Soomaliya iyo soo laabashada awoodii dawladda dhexe ilaa laga helo Soomaliya xoogan oo caafimaad qabta taageerta Ummadda Carbeed iyo Islaamka ka qayb gasha ilaalinta gobolkeena xasiloonidiisa kobociisa dhaqaale iyo bulshoba,Soomaliya waa inay isu taagtaa mar labaad kaalinteedii Istraartijiyadeed sidii ay ahayd ka hor dhibaatada.Hadii aynu ka hadalo kaalinta Carbeed waxa jirtey welina taagan isku dayo inta soo hadhay walaalda carbeed ay ku doonayaan xaqiijinta xasiloonida soomaaliya,hase ahaatee mowqifka carabtu kuma midaysana arimo badan oo la jaan qaadi kari dhibaatada Soomaliya,hase ahaatee arinkani ma diidayo mana tuurayo sida ay lagama maar-maan u tahay is garb taag xoogan oo la siiyo xukuumadda dhexe ee soomaliya iyo taagerideeda Siyaasada Milateriga Nabad-sugida iyo Dhaqaalahaba si ay u soo ceshato gacan ku haynteedii Dawlad dhamaystiran,Si gaara waxa jira natiijooyin wax ku ool ah oo laga gaadhay sugida nabadgelyada caasimadda Muqdisho iyo hareeraheeda,Mowqifka dunida ma aha mid wax ku ool ah oo ku filan wax ka qabashada xalinta arrimaha Soomaliya,sidaas oo ay tahay hadana lama yaraysan karo kaalinta dawladdaha qaarkood ay kaga shaqaynayaan xasilinta soomaliya kuwaas oo taageero xoogan ku caawiya Dawllada Soomaliya inakoo ka xusi kara Midawga Afrika oo ciidamada AMISOM ka joogaan,Jamhuuriyadda Turkiga oo Xukuumadda taageerta iyo Walaalaha Sacuudiga oo weligooda caawimo la garab taagnaa Soomaliya.
Xigasho Wargayska Afka Carabiga ee Sharqal Awsat