Hyderabad(ANN)- Allah ha u naxariistee  Abwaan Cabdillaahi Xirsi Ibraahim, oo ku magac dheeraa Baarleex, isla markaana ahaa sugaanyahannada ay sida weyn u yaqaanaan guud ahaan geyiga Soomaalida, ayaa ku geeriyooday shalay cusbitaal ku yaal magaalada Hyderabad ee dalka India.


Marxuumka, ayaa ahaa halyey Soomaaliyeed oo taariikh aan la ilaawi Karin iyo suugaan ku lahaa fanka, wuxuuna xaqu u yimi Abwaan Baarleex, isagoo  65 ilaa 66 jir ah.

Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed, oo ah guddoomiye ku xigeenka golaha Abwaannada Soomaaliyeed, ayaa isagoo ku sugan magaalada Muqdisho  Idaacada  BBC-da uga warramay waxa uu ka garanayay taariikhdii Abwaan Baarleex, uxuuna yidhi,  “Suugaanta Soomaalida wuxuu kaga jiray door shariif ah. Abwaannadu way kala yihiin oo qof wuxuu soo qortaa soona diyaarsadaa suugaantiisa, midna waa gole ka yedh, oo wax walba isla goobta uu kula kulmo ayuu ku allifaa suugaantiisa. Marka Abwaan Baarleex wuxuu ahaa nin gole ka yeedh ah oo gabayada dusha ka tiriya, hibo gaar ahna uu Alle siiyay”.

Abwaan Baarleex, wuxuu ku dhashay magaalada Qorraxay ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, wuxuuna muddadii ka danbaysay markii ay burburtay dawladii dhexe ee Soomaaliya ku noolaa Deegaanno ka tirsan dhulka Soomaalida Ethiopia, Somaliland, gaar ahaan Magaalada Hargeysa iyo qeybo ka mid ah Puntland, balse dhowr bilood ka hor,  ayuu dhinaca Muqdisho u wareegay, halkaas oo uu dhinaca India dhakhtar uga tegey markii xaalad caafimaad soo waajahday. Sida uu sheegay Abwaan Xirsi Dhuux.

.Dhinaca kale Abwaan Baarleex, wuxuu lahaa door suugaan waddaniyad ah, mid madadaalo ah, iyadoo si gaar ah uu ugu soo caan baxay gabayada waddaniga ah, saarka iyo dhaantada oo uu ku cabiri jiray xaaladaha taagan iyo majaajilada, wuxuuna 1970-meeyadii  ku biiray ciidamadii qalabka siday ee Soomaaliya, isagoo ula tagay xirfaddiisa hal abuurnimo ee uu Eebe hibada u siiyay.

Waxaana si weyn loogu xasuustaa inuu gabayo badan oo guubaabo ah ku taageeray ciidamadii qaranka Soomaaliya ee ka qeyb qaatay dagaalkii dhex maray xiligaa Soomaaliya iyo Ethiopia sannadkii 1977-kii.

“Harar iyo hawaas Allahayow la helo” ayaa ka mid ahayd suugaantii wadaniyaddu ku dheehneyd ee sida weyn loogu xasuusto abwaan Baarleex.

Sidoo kale dad badan ayaa xasuusta dhaantadiisii uu kusoo hooriyay: “Qarsho weeyee qalbigu armuu nagu qarxaa?” Daawasho iyo Dalxiis, Afrikaan iyo dhaantooyin kale oo cajiib ah, kuwaas oo marka uu ku luuqeeyo soo jeedinayay dhegaha maqla.

 Allah ha u naxariistee Abwaan Cabdullaahi Xirsi Baarleex, wuxuu Ifka kaga tegey 11 Caruur ah iyo waxay sii dhaleen oo kala ah Lix Wiil iyo Shan Gabdhood.