Araweelo News Network.

 

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Wefdiga #Amassador #Kate@Foster Iyo Arrimaha Laga Wada Hadlay

#Somaliland, Hargeysa (ANN)- Ambassador#Ms Kate Foster oo ah haweenayda cusub ee Britain usoo magcawday Soomaaliya oo bedeshay Ben Fender oo ah safiirkii hore ee Britain u joogay Soomaaliya, ayaa booqashadii u horaysay ku timi dalka Somaliland tan iyo markii Jan 2021 xafiiska loo magcaabay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta Ambassador Ms Kate Foster iyo diblamaasiyiin kale oo ku weheliya booqashadeeda Somaliland, iyadoo  Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Britain ee Somaliland ku weheliyay kulanaka Madaxweynaha iyo  Safiirka Britain.

Kulamadaa oo waqti qaatay, ayaa ahaa kuwo albaabada loo xidhay oo aannay saxaafadu goob joog ka ahayn, balse qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo baxay markaa kadib qasriga Madaxtooyadda Somaliland, ayaa lagu sheegay  in lagaga wada hadlay guud ahaan xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Britain.

Sida lagu sheegay qoraalka kooban ee Madaxwtooyadda, madaxwweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu safiirka cusub xog-warramay hannaanka Dimuqraaddiyadeed ee ha kana qaaday Somaliland intii ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii burburtay ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Somaliland ay ka gaadhay horumar dhinac walba ah oo sababtay inay tusaale u noqoto dalal badan oo ka mid ah geeska Afrika. Sidaa awgeed ay Somaliland buuxisay shuruudihii qaran oo dunida ka sugayso waxay xaq u leeyihiin.

Ms #Kate@Foster OBE Safiir Maamuuska Somalia.

Qoraalka Madaxtooyadda, ayaa lagu xusay in sidoo kale, waxayaabaha kulanka Madaxweynaha Somalialnd iyo wefdiga Britain lagaga wada hadlay ay ka mdi ahaayeen arrimaha diyaar garowga doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee gollayaasha wakiillada iyo deegaanka oo maalmo koobani inaga xigaan.

Sidoo kale, lagu lafo-guray deeqaha dalka Britain ku taageero dhinaca mashaariicda horumarineed ee arrimaha bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo dhinaca kale lagu soo qaaday arrimaha amniga ee ka jira gobolka, balse qoraalka laguma sheegin waxyaabo layskula qaatay qodobadaa oo ay labada dhinac ee Madaxtooyadda Somaliland iyo wefdiga Britain ee ay hoggaaminay Ambassador . Ambassador Ms Kate Foster wada jir usoo saareen.

Haweenayda Danjiraha Britain Usoo Magcawday Soomaaliya Waa Tuma?

Dhankeeda ayay amaantay Safiirka cusub horumarka iyo guulaha ay Somaliland gaadhay, waxayna Madaxweynaha iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland u rajaysay horumarka, Dimuquraaddiyadda iyo nabadgelyada buuxda ee ay gaadheen muddadaa soddonka sanno ah inay sii wataan, sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyadda.

Ambassador Ms Kate Foster, ayaa xustay sida ay ugu faraxsan tahay booqashada ay ku timid dalka, isla markaana ay dawlad ahaan ay dardar-gelin doonto hawlaha wada shaqayneed ee labada dhinac hore uga dhexeeyey, ayaa la raaciyay qoraalka Madaxtooyadda Somaliland.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com