Araweelo News Network

Nairobi(ANN)- Ambassador Baashe Awil oo Madaxweynaha Somaliland u magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa gebi ahaanba ganfka ku dhuftay xilka loo magcaabay, isagoo ku gacansaydhay magcaabitsa.

“Mudane Madaxweyne anoo xiganaya Wareegtadaada summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 kuna taariikhaysan 02/09/2021, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qoraalkan aan iskaga casilayo xilka aad iigu magacawday Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda  iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Sidoo kale waxaan iska casilay xilkii Wakiilnimada Xafiiska Somaliland Ee Dalka Kenya, kaas oo bishii August 13 2018 aad ii magacowday.”

Ambassador Baashe Awil, ayaa sheegay in ay jirto iscasilaada, isla markaana qoraal arrintaa la xidhiidha uu Madaxweynaha usoo gudbiyay, “Waa sunnaha siyaasida in shaqada qaranku tahay qori isku dhiib, sidaad darteed  sharaf weyn ayay ii ahayd xilka aan  qarankankayga u hayay uguna addeegayay lixdii sanadood ee aan ahaa Wakiilka Somaliland u matalaya UAE iyo Kenya.”Ugu dambayntii waxaan rajaynayaa in aad iga aqbasho codsiga aan halkan kuugu soo gudbiyay, ayuu raaciyay.

Ambassador Baashe Awil, wuxuu xilligan ahaa Safiirka Somaliland ee dalka Kenya, balse Madaxweynaha Somaliland, ayaa magcaabis, isku bedel iyo xil ka qaadis uu shalay soo saaray ku Magcaabay Wasiirka Arrimaha Dibedda oo muddo dhawr Bilood ah bannaanaa, balse Madaxweynaha ayaa Khamiistii xilka Wasiirka u magcabay Dr.  Isse Kayd, sidoo kale Ambassador Baashe Awil, ayuu Madaxweynuhu u magcaabay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibbeda.

Baashe Awil oo ahaa Safiirkii Somaliland ee dalka Imaaraadka xilligii xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ahaa xudunta ibabafurka heshiiska DP Word iyo Somaliland, wuxuuna ku guulaystay in uu xidhiidhka Somaliland ityo dalka Imaaraadka meel fiican gaadho, isagoo sidoo kale xihdiidho dhow la lahaa dalal badan oo dhinaca Carabta iyo kuwa reer galbeedka ah.

Hase yeeshee Ambassador Baashe wuxuu Madaxweyne Muuse Biixi u bedelay markii uu xilka la wareegay dhawr sannadood ka hor dhinaca dalka Kenya, halkaas oo uu ku muujiyay doorkiisa shaqo iyo inuu xidhiidhka Somaliland iyo Kenya si weyn u muujiyo, taas oo sababtay in masuuliyiin dawladda Kenya ah ay soo booqdaan Somaliland, isla markaana marar kala duwan ay masuuliyiinta Somaliland wefdiyo hawlo shaqo ugu tageen dalkaa.

Sidoo kale, wuxuu Ambbassador muddadii uu dalka Kenya joogay dhisay xidhiidhkii diblamaasiyadeed ee sababay in  Madaxwyne Biixi Desember 2020, dalka Kenya ku tago safar casuumadeed, isagoo markaa kaddib kulan toos ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Uhuru kenyata, iyadoo labada Madaxweyne kala saxeexdeen heshiis isfaham oo lagu sheegay in labada dal wax wada qabsanaayan, isla markaana xoojinayaan xidhiidha ganacsi, wallow aan waxyaabihii laysla soo qaaday aan la ogayn meesha ay ka danbeeyeen.

Ambassador Baashe, waxay dadka siyaasada arrimaha dibedda isha ku hayaa saadaalinayeen, ama in badan oo bulshada ka mid ah ay filayeen in loo magcaabi doono wasiirka arrimaha Dibedda, iyadoo ku doodayay inuu yahay qof ku haboon, isla markaana ay bulshadu codkarnimadisia, aqoontiisa iyo waxqabadka raadadkiisa aannay dafari karin, balse markii ay soo baxday magcaabista wareegtada Madaxweynaha ee isku shaandhaynta iyo xil ka qadista, wuxuu noqday masuulka ay inta badan dadku su’aalo iska weydiinayeen sababta xilka uu ku haboonaa loogu magaabi waayay, ama halkiisa loogu deyn waayay, waxaana durbadiiba soo baxday  su’aalo ka dhashay sida uu arrintaa u liqi doono Ambassador Baashe.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com