“Ciidkii weynaa 18 May ayaa innagu soo socda golluhuna waa fasax.”

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)_Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku wargeliyay in marka loo qaybiyo Ajandaha  kalfadhiga 78aad ee gollaha inuu fasaxgelayo golluhu, maadaama aynu u diyaargaroobayno ayuu yidhi, dabaaldega ciida sannad-guuradii 31aad ee 18 May oo si weyn loogu dabaaldegayo sannadkan 2022.

Alt: Araweelo News Network
Gollaha Guurtoda Somaliland, Image file, Araweelo News Network.

Hase yeeshee Guddoomiye Saleebaan ayaa intii la qaybonayay ajandaha, wuxuu mudanayaasha u sheegay in loo soo gudbiyay Is casilaada Xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo la doonayo in golluhu ka aqbalo Odaygaa oo hawlgab noqday soona gudbiyay dalabkaa.

Xildhibaanada gollaha ayaa markii codka koo weydiiyay waxa aqbalay dalabkiisa 45 , kuwaas oo cod aqlabiyad ah ku oggolaaday dalabka is casilaada Xidlhibaan Muxumed Aw Axmed oo ka mid ahaa Odayaasha ugu tunka weyn gollaha Guurtida, isla marakana door muhiim ah kasoo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka.

Laba muddane ayaa diiday, mana jirin cid ka aamustay, waxaana sidaa codka ganactaaga golluhu kaga aqbalay xildhibaan Muxumed Aw Axmed inuu ka fadhiisto hawshii xildhibaanimada gollaha guurtida ee uu soo waday tan sagaashanaadkii.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhiga guddoominayay ayaa markaa kaddib xiildhibaanada kula kaftamay in isaga laftiisu uu hawlgab noqonayo oo deegaanka Qorilugud oo ah halka uu kasoo jeedo ku qaadanayo hawlgabnimada.

“Waar anniga qudhaydu waa taagdareeyee, hebel iyo heheb maye, ayuu yidhi, Guddoomiye Saleebaan oo magacdhabay laba xidhibaan oo ka mid ah Odayaashii ugu da’ada weynaa ee muddada dheer soo shaqaynayay,  “waa jiifsadeen ayaa loogu jawaabay, “Hawlgab”  waar markaa ma haddii aad wada jiifsaten anniguna Qorilugud ayaan isaka tegeyaa” ayuu si kaftana ugu dhawaaqay, iyadoo xildhibaanada gollaah fadhiyay aad ugu qosleen kaftankaa.

Guddoomiye Saleebaan ayaa markaa kaddib duco  uu Allah kaga baryayo Roob ka jeediyay maddasha, wuxuuna ku wargeliyay mudanayaasha in golluhu fasax yahay, isagoo yidhi, “Ciidkii weynaa 18 May ayaa innagu soo socda golluhuna waa fasax.”ayuu yidhi, Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com