Xubintii U Horraysay ee Guddida Doorashooyinka Oo Is Casilay

Hawshii diiwaangelinta oo aannu wadnay ayaa sababtay in khilaaf dhexdayada ka bilaabmay , waana sababta keentay,,,,,” Maxamuud Daahir Xubinta Is casilay

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xubntii u horraysay Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa si cad u sheegay inuu iska casilay xubinimadii guddida Sabtidii maanta 14 May 2022.

Kommishiner Maxamuud Daahir Jaamac oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in sababta uu isaga casilay guddida doorashooyinka ay ugu weyn tahay kaddib markii sida uu sheegay khilaaf iyo isqabsi soo kala dhexgalay guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Laxidhiidha: “Waxaan ku talinaynaa in aan maanta la burburin tacabka ay Somaliland Labaatanka sannadoo dhisaysay iyo sumcadii ay ka heshay doorashooyinka” Marwo Kaltuun.

“Doorashadii ugu sucmada weynayd Somaliland ee isku sidkanayd Kommishanka aan ka mid ahaa ayaa qabtay, waxayna ahayd mid magac iyo maamuus baddan usoo hoysay Somaliland, markaa annigoo qarankayga u addeegay laba sannadood iyo Afar bilood ah, maadaama ay timi isqabsi iyo xaallado ka dhex abuurmay kommishanka in aan qarankayga u tudho oo aannan xilka ilaashan.” ayuu yidhi.

Laxidhidiha: Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Ee Dhowaan La Doortay Oo Daadafaysay Guddida Baadhista Ee Madaxweynuhu Magcaabay

Kommishaner Maxamuud Daahir, wuxuu xusay in Kommishanku yahay kalsooni, isla markanaa mar haddii uu soo kala dhexgalay khilaaf xubnaha ay meesha ka baxay cadaaladdii iyo kalsoonidii, sidaa awgeed uu iska casilay xilka si aanu waqti ugu lumin murankoodu qaranka.

Mar uu ka hadlayay sababta khilaafka keentay iyo waxa si dhab ah ugu kalifay inuu xilligan is casilo, wuxuu sheegay in khilaaf dhexdooda ka bilaabmay xilli ay ku jireen hawshii diyaargarawga doorashooyinka, ” Hawshii diiwaangelinta oo aannu wadnay ayaa sababtay in khilaaf dhexdayada ka bilaabmay oo sababay in aannu isbedel samayno“Doorashada Guddoomiyaha cusub”, khilaafkii ayaa dheeraaday oo meelo kale oo aan munaasib ahayn loola kacay, sidaa awgeed annagoo waxaaas oo dhan waxa iisoo baxday in aan iska casilo xilkaa.. ayuu yidhi Maxamuud Daahir.

Laxidhiidha: Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Amray Baadhitaanka Guddida Doorashooyinka

Dhinaca kale, waxay iscasilaadi kusoo beegantay maalmo kaddib markii Madaxweynaha Somaliland u saaray guddid baadha Kommishanka Doorashooyinka oo ay kasoo baxeen khilaaf iyo eeddaymo la xidhiidha maammulka, kuwaas oo dibadda usoo baxay, kaddib markii guddooyihii hore Cabdirashiid Riyaraac xilka laga qaaday, isla markaana guddoomiye xusub loo doortay Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi, 28 April, 2022.

Laxidhiidha: Dareenka Ku Xeeran Khilaafka Guddida Doorashooyinka Iyo Jawaabta Madaxweyne Biixi

Khilaafka Guddida doorashooyinka, ayaa soo ifbaxay xilli ay Somaliland doorashada Madaxtooyadda oo ku beegan 13 November 2022, iyo doorashada Ururada siyaasada iyo axsaabata oo aan weli si cad ugu muuqan in ay qabsoomayaan, balse si weyn daneeyayaasha Somaliland ee ka taageera geedi socodka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka iyo dunnidu in baddan oo ka mid ah idnaha ugu hayso, isla markaana mucaraadku si weyn ugu baaqayaan in aannay xilligoodii dhaafin doorashooyinku, gaar ahaan doorashada madaxtooyadda oo ku beegan November 2022.

axidhiidha: Somaliland: Khilaaf Si Lama Filaan Ah Uga Qarxay Guddida Doorashooyinka

Hase yeeshee dhacdooyinka xilligan ayaa si cad u muujinaya in Somaliland aannay waqtigan diyaar u ahayn in ay sii wado geedigii dimuqraadiyada oo aannay muuqan sansaan doorashooyinku ku qabsoomayaan, iyadoo khilaafka guddida doorashooyinka iyo is casilaada xubintuu u horraysay si dhab ah u ragaadinay rajadii doorashooyinka, gaar ahaan doorashada Madaxtooyadda Somaliland.

Laxidhiidha: Guddoomiye La Doortay Iyo Guddoomiye Riyaraac Oo Beeniyay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com