“Lix bilood haddad doorasho ku qabanay waxad haystaa fursad, laakiin fursad aad nagu khasabto ma haysatid ” Guddoomiye Xirsi.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Labada Guddoomiye ee labada Xisbi mucaarad, ayaa ka digay xaaladda dalku kusii socdo oo ay sheegeen in ay meesha ka saaray rajadii laga qabay doorashooyinka iyo hawshii diiwaangelinta oo ay sheegeen in ay guddida doorashooyinka u qorshaysnayd in 20 May la bilaabo diiwaangilintii.

Laxidhiidha: Somaliland: Khilaafka Guddida Doorashooyinka Waa Markhaatiga Ragaadka Ku Fogaynaya Rajada Doorashada

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xisri Cali Xaaji Xasan oo ay hareera jooggaan guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta warbaahinta kula hadlay magaalada hargeysa, waxayna si adag uga hadleen marxalada xilligan, waxayna Madaxweynaha ku eeddeeyeen in uu faragelin qaawan oo aan sharci ahayn ku samyeeyay Kommishanka.

“Diiwaangelintu waxay ahayd in ay bilaabanto 20 bishan, balse buuqan oo Madaxweynuhu ula badheedhay ayaa laga horaysiiyay si loogu gogolxaadho korodhsiimda uu doonayo inuu kursiga kusii joogo, sharcdaro, waqtigii doorashada loo diyaargaroobayay ayaa Kommishanka la farageliyay.”ayuu yidhi.

Guddoomiye Xirsi, wuxuu yidhi, “haaddii buuq yimaado idinkaa sabab u ah dadkuna xaq ayuu u leyahay dastuuriya in ay usoo baxaan, waxaanu dadka u sheegaynaa waxa aannu ka cabanayno ee dhalinyaradu usoo baxay ee dadku hadal hayaa ee mucaaradku diidanyahay waa Madaxweyne shantiisii sannadood dhammaatay oo markii uu qaban lahaa doorashada Kommishankii carqaladeeyay oo ka kari weynay kaalay nala tartan.” ayuu yidhi.

Laxidhiidha: Xubintii U Horraysay ee Guddida Doorashooyinka Oo Is Casilay

“Dareenka aaanu gudbinaynaa in sharcigii, nidaamkii iyo dastuurkii dalka u yaalay meel layska dhigay, waxaan leenahay dalkan digtaytarnimo ka suurtagelimayso, Muusoow malaah waxaad ku riyootay Boqortooyo inaad fadhido, ma fadhidid boqortooyo ee waqtigii wuu kaa dhamamaday, iimaanso waxa kuu hadhay Lix bilood haddad doorasho ku qabanay waxad haystaa fursad, laakiin fursad aad nagu khasabto ma haysatid”

Guddoomiye Xisri, wuxuu sheegay in aannay marnaba aqbalayn guddida Madaxweyne Biixi u magcaabay oo sheegay in annaay meelna sharciga kaga jirin oo aannay ahayn guddi qaran, isagoo ku tilmaamay kuwo aan dhex ahayn oo KULMIYE ah, sidaa awgeed haddii Kommishanka loo daayo guddoomiyihii hore iyo hadday mid kale doortaanba waanu ayidsanahay ayuu yidhi.

Laxidhiidha: Hawshii diiwaangelinta oo aannu wadnay ayaa sababtay in khilaaf dhexdayada ka bilaabmay , waana sababta keentay,,,,,” Maxamuud Daahir Xubinta Is casilay

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in xafladdaha xuska dabaaldega ay labada Xisbi si gaar ah gobollada ugu qabanayaan si wadajir ah, isagoo sheegay in aannu jirin sharci u diidayaa, “Muuse ugu tegimayno halkuu joogo, maadaama uu na ixtiraami waayay, Muuse maalin Ina Riyaale uguma tegein oo kalama qaybgelin intii uu mucaardka ahaa, mana jiro sharci noo diidaya in aannu 18 May xusno oo ay labada Xisbi si gaar ah u qabtaan xafladdo.” ayuu yidhi.

Guddoomiye Faysal Cali waraabe, ayaa dhankiisa ku hanjabay in aan marnaba aannay ka aqbalayn in Madaxweyne Muuse uu hirgeliyo wuxuu ku tilmaamay qorshe uu ku baabinayo axsaabta, balse waxa uu sheegay in aannay marnaba aqabalayn, “Haddii aad sharciga ka tagto Madaxweyne iima noqonaysid. ” ayuu yidhi. Gudoomiye Faysal isagoo dhaliilo baddan iyo eeddaymo u jeediyay Madaxweyne Biixi iyo wasiirka arrimaha Arrimaha guddaha Maxamed kaahin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com