Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Doorashada Madaxweyneha Soomaaliya ayaa amaankeeda si weyn loo adkeeyay, iyadoo magaaladda Muqdisho xalay la geliyay bandaw.

Alt: Araweelo News Network.
Baarlamaanka 1aad ee Somalia, 12 May 2022, Image Araweelo News Network

Sidoo kale, waxa la xayiray dhammaan isu socodka gaadiidka, taas oo la doonayo in lagu sugo amniga doorashada Madaxweynaha Soomalaiya oo ay ku tartamayaan murrashaxiin ka baddan soddoneeyo.

Laba Golle ayaa fadhiga ku dooranaya Madaxweynaha shanta sannadood ee soo socda la doonayo inuu hoggaamuiyo Soomaaliya oo dhibaatooyin collaado iyo dilal iyo qaraxyo bariinsadeen soddonkii sannadood ee u danbeeyay.

Guddida doorashada oo ka kooban mudanayaasha dhowaan la doortay, ayaa maamulaya doorashada, kuwaas oo ka kala yimi labada golle ee Baarlamaanka aqalka sare iyo Aqalka hoose.

Shuruuraddaha loo daaracayo doorashada iyo qaabka codka loo dhiibanayo ayaa la dejiyay, iyadoo laga mamnuucay gebi ahaan in Mobilo, Laptob iyo qalabka Electarooniga lala galo guddaha xilliga dooraashadu soco, taas oo ay guddidu ku doonayaan in ay ku adkeeyaan amaanka iyo sidoo kale kalsoonida codadka murrashaxiinta.

Murrashaxiinta ayaa labada golle ka horjeediyay qorshayaashooda 12-13 May laba maalmood oo xidhiidh ah, waxaana la siiyay midkiiba 20 daqiiqo oo uu ku sharaxo waxqabadkiisa iyo Ajendayaasha u diyaarsan haddii ku guulleysto Madaxweynaha Soomaaliya.

Maadxweynaha xilligan xilka haya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka mid ah murrashaxiinta, sidoo kale waxa ka mid ah Maadxweynayaal hore iyo ra’iisal wasarayaal xilal soo qabtay rubuc qarni in ka baddan oo ay Soomaaliya ku jirtay jaahwareerka siyaasada iyo xasiloonidarada, sidaa awgeed waxa laga cabsi qabaa in ay uga sii darto doorashadu, maadaama ay si weyn gacan ugu leeyihiin murrashaxiinta dalal shisheeye oo ku loolamaayay siyaasada Soomaaliya soddonkii sanandood ee u danbeeyay iyo kuwo sannadihii u danbeeyay kusoo biiray faragelinta siyaasada Somalia.

Murrashaxiinta oo kaanbayn ay ku kasbanayaan xildhibaanada codadkooda, ayaa sideed iyo afartankii saacadood ee u danbeeyay ku guur guur iyo guura bahalayn, iyagoo dhaqaale baddan ku baayacaya codadka, balse waxa aanay ku calloolsamayn in xildhibaanada ay lacagta siiyaan u coddaynayaan, maadaama aan laysku halayn karin oo jawigu yahay mid daqiiqado isku bedelaya oo ku xidhan dano shaqsi iyo dano dawladdo kale daaha dabadiisa ugu jiraan, isla markaana balanqaado iyo dhaqaale baddan ku bixinayaan codadka ay u doonayaan murrashaxa ay wataan, waxaase la hubaa in dhawr wareeg laysla gaadhi doono., taas oo tartanka ka dhigay mid ka adag doorashooyinkii hore ee ay madaxda xilligan u taagan xilka Madaxweynaha kusoo baxeen.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com