Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Mudanayaasha Gollaha Wakiillada Somaliland oo saaka waajahay jawi siyaasadeed oo kacsan iyo buuq sababay gacan ka hadal ay Boolisku u adeegsadeen tacshiirado rasaas ah, ayaa ku guuldaraystay xalka xeerka furashada ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka.

Fadhiga Gollaha Wakiillada oo duruufaha siyaasadeed ee hadheeyay sababeen in su’aalo ka dhasheen fadhiga iyo qaabkii guddoomiyuhu u maamulay, iyadoo koox ka mid ah xildhibaanadu saluugeen qaabka golluhu u waajahayo xeerka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi usoo gudbiyay, kaas oo markii la horkeenay gollaha dhaliyay jawi siyaasadeed oo kacsan.

Shirguddoonka oo doonaya in ay dejinayaan jawiga siyaasadeed ee kacsan iyo kala qaybsanaanta mudanayaasha, ayaa fadhiga oo ay hadheeyeen xaaladdo murugsan oo sababay in qaar ka mid ah mudanayaashu gacanta isula tagaan kusoo bandhigay asbaabihii Madaxweynuhu u cuskaday inuu xeerka furashada ururada siyaasada kusoo celiyo gollaha.

Xoghayaha gollaha wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa ka akhriyay fadhiga, isagoo tixraacaya qoraalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku sababeeyay inuu xeerka kusoo celiyo gollaha.

Sidoo kale, Xoghaye Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, wuxuu gollaha u akhriyay nuqul ka mid ah qoraal ay la taliyayaasha sharciga ee golluhu ku sharaxeen mooshin ay koox xildhibaano ah ku dalbanayeen in xeerka aannu golluhu taaban ee sidaa ku yahay dhaqan gal.

Muuqaalka Xoghayuhu Ku Sharaxayo Asbaabaha Madaxweynu u cuskaday soo celinta xeerka halkan ka daawo.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com