Araweelo News Network

muuminseedHargeysa (ANN) Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo ka cadhooday shirkii Golaha Dhexe ee xisbigu ku qabtay Hargeysa toddobaadkan oo u tartamayey jagada Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa soo bandhigay ceebaha sababta u ahaa caddaalad-darro uu sheegay inay ka dhacday shirka.
Axmed Muumin Seed oo hadal ka jeediyey xaflad ay qabsadeen shalay siyaasiyiin badan oo ka soo horjeestay hannaankii loo maamulay shirkii Golaha Dhexe ee WADDANI, kuwaas oo la baxay Garabka Toosinta Caddaaladda xisbiga oo guddoomiye loogu doortay isaga, ayaa waxa uu ku faahfaahiyey arrimo xasaasi ah oo la xidhiidha habkii uu u dhacay shirka iyo natiijadii ka soo baxday oo uu ku sifeeyey inqilaab lagu sameeyey kursigiisa.
Ugu horreyn, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee WADDANI waxa uu tilmaamay in isaga uu shaki ku abuurmay kadib markii shirka oo laba maalmood ka socday huteelka Maansoor maalintii doorashada loo raray huteelka Ambassador, taas oo sababta keentay uu Guddoomiyaha xisbigu jawaab waafi ah ka siinwaayey.
“Anigu Guddoomiyaha xisbiga ku-xigeenkiisa kowaad baan ahaa oo talada xisbiga mar walba ragga goynayey ayaan ahaa ee ugu horreeya dadka tacabkiisa lahaa, laakiin 24-kii saacadood ee ugu dambaysay shirweynaha xisbiga ayaa waxa kala go’ay xidhiidhkii aniga iyo guddoomiyahayga noo dhexeeyey oo xataa habeenkii u dambaysay aannu isku waynay khadka telefoonka ilaa aan intaas oo farriimood (massages) u diray oo uu ii soo jawaabi waayey, kadibna ilaa 2:00 habeenimo gurigiisa ayaan horjoogay oo askartuna igu wargelinaysay inuu maqanyahay, wixii intaa ka dambeeyeyna waxaannu ku kulanay huteelka shirku ka dhacayey ee Ambassador, waxaannan waydiiyey ‘guddoomiye waxaynu galaynaa doorashadii ee waxaan kaa dalbanayaa in doorashadaasi si xor oo xalaal ah inoogu dhacdo,’ waayo waan karayey sidii Guddoomiyuhu doorashadiisa kootada ugu xidhay in anna aan kagay ugu xidho, laakiin waxaan door-biday maadaama aan ahay nin dhallinyaro ah in aanan odhan kan iga reeba ee aan ku tartamo kursiga madaxweyne-ku-xigeenka aan helo ama aan waayee,” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
Waxa kaloo uu sharraxay tallaabooyinkii u yaalay ilaalinta caddaaladda doorashada iyo sidii wax isu beddeleen, waxaannu yidhi, “Waxaannu shubnay oo murrashaxiinta laga qaaday lacag xaddigeedu yahay $50,000,000 (konton kun oo dollar), waxaannu saxeexaynay in aanay lacagtaasi celis ahayn, annagana waxay guddigu noo ballanqaadeen in ay doorashadaasi si caddaalad ah u dhacayso, waxaannu annagu saxeexnay in aannu kii soo baxa hambalyeynayno, laakiin wixii dhan waxa isku fuuqsaday, markii subaxii waagu beryey waxay tartamayaashu xaq u lahaayeen inay gudaha u galaan hoolka shirka lagu qabanayey kadibna aannu tirsanno kuraasta oo aannu tiradoodu ku qanacno, nasiib-darradu waxay noqotay in aannu waynay dhinacay wax u socdaan, markaan guddoomiyaha waydiiyey liiska golaha dhexe saddexdii casho ee u dambaysay wuxuu iigu jawaabayey wuu iska furan yahay. Liiska Golaha Dhexe ee WADDANI wuxuu ahaa 251, dabadeedna waxaannu ku kordhinay 200 kale, markaa tirada golaha dhexe wuxuu ahaa 451 xubnood, laakiin waxa lagu daray oo 378 kale oo wuxuu golihii dhexe noqday 809, waxa wax lala yaabo in gole dhexe 809 xubnood ah uu xisbi leeyahay, taasi waxay ku tusaysay in inqilaab kursigayga ku saabsan uu meesha ka dhacay oo ay marag ka ahayd 400 ka mid ah waxa la siiyey kaadhadh cadcad oo ka duwan kuwa kale oo wajahadda hore ay kaga qorantahay Somaliland xaga dambena ay kaga taal shaambadda xisbigu, waxaanna la siiyey qof kasta oo aniga iga soo horjeeda si uu hoolka shirka ugu galo, waa waxyaabaha musuqmaasuqa iyo caddaalad-darrada ah. Waxa kaloo dibadda lagu reebay oo la waayey kaadhadkoodii dhammaan taageerayaashii aniga ii codayn lahaa oo aan hoolka galin.”
“Waxa kaloo iyaduna nasiib-darro noqotay markii hoolka fadhiisanay ayaan is arkay in dhanka aan ka fadhiyo guddoomiyaha uu khaldanyahay baratakool ahaan oo dhinaca kalena uu fadhiyo walaalkay Maxamed oo ila tartamayey, halkaa dareen badan baa igaga dhashay, laakiin waxaan go’aansaday si Somaliland marag iigu noqoto cidda caddaalad-darrada wada in aan kursigaa fadhiisto,” ayuu yidhi.
Guddoomiye Seed waxa uu sheegay in xeer-hoosaadka xisbigoodu caddaynayo habka loogu codaynayo xubnaha madaxda ee xisbiga waqtiga doorashada oo marka gacanta loo taago guddoomiyaha cidda ku xigaysaa tahay guddoomiye-ku-xigeenkiisa.
“Reer Somaliland way ka dheregsan yihiin tacabka iyo culayskaan xisbiga WADDANI aan ku lahaa, mana aqbalayaan guddoomiye-ku-xigeenkii ayaa 44 golaha dhexe ahi u codeeyeen, xataa in la sheegaa ceeb bay ahayd, waayo ma gayo anigu taa.”
Ugu dambayntii, Guddoomiye-ku-xigeenka WADDANI waxa uu ku goodiyey in aannu marnaba aqbali doonin natiijadii shirkii golaha dhexe, isla markaana isaga iyo garabkiisu ay dacwad gayn doonaan maxkamadda.
“Waxaan aaminsanahay caddaalad-darro tii u waynayd baa dhacday, sidaasi darteed, guddoomiye-ku-xigeen ahaan anigu marnaba aqbali maayo natiijada shirkaa Golaha Dhexe ee lagu qabtay Ambassador oo ahaa inqilaab, waxaannan cod dheer ku sheegayaa in aan hay’adaha garsoorka ee Maxkamadda gayn doono dacwad ka dhan ah iyo in lagu soo dabbaalo golaha dhexe liiskii sharciga ahaa, ilaa inta aannu ka gun-gaadhi doonana waanu wadi doonaa,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Axmed Muumin Seed.