Araweelo News Network

qoraalIn kastoo lacagtu aanay ahayn wax goyn kara shay kasta, balse ashyaa’da qaarkood waxa ay gooyaan lacagta, kuwaasoo dadka tujaarta ah ay aad u yaqaanaan. Xaqiiqadii dadka hantiilayaasha ah waxa ay leeyihiin caadooyin iyo dabeecado ay sameeyaan maalin kasta si ay u noqdaan kuwo horumarkooda u taagnaada, tamartooda ku xoojiya, kuna dhiirigeliya naftooda si ay u sii kordhiyaan dhaqaalaha iyo horumarkooda nololeed.
Sidaa darteed, haddii aad doonayso inaad ka mid noqoto kuwa dunida guudkeeda tujaarta ku noqday waxa aad ka barataa toddobadan dhaqan oo wargeyska Jamhuuriya idiin soo bandhigayo, waana kuwan toddobada shay ee ugu horreeya ee ay qabtaan;
1. Degenaansho badan
Haddii aad doonayso in aad milyaneer noqoto waxa ay u baahan thay in aad naftaada barto sida la isu dejiyo xaalada qalafsan ee adag markay ku soo maraan. Buugga Cilmiga guusha (Science of Success) oo uu qoray Nepolean Hill, waxa lagu ururiyey qoraalo ka warramaya caadooyinka 500 qof oo dunida hanti u yeeshay, balse waxa ugu muhiimsan caadooyinka uu soo qaatay degenaanshaha oo macnaheedu tahay in qofku degnaado xaalad kasta oo qalafsan oo soo martay.
Waxa uu tallo ahaan u soo jeedinayaa in qofku aannu cadhoon amma aannu is dhiibin wax kasta oo ku adkaada, aamusnaantuna ay ka awood badan tahay in qofku kelmado cadho leh ku jawaabo. Tusaale, ahaan nin la yidhaa CPA Tom Corley oo aad caan uga ahaa qorshayaasha maaliyadeed, ayaa muddo shan sanno ah daraasad ku sameeyey 233 qof oo tujaar ah iyo 128 qof oo sabool ah si uu u qoro buug la yidhaa ‘Caadooyinka Tujaarnimo’ (Rich Habits).
“Waxa ay u muuqataa in dadka saboolka ah aanay xakamayn karin caadiifadooda. 33% dadka saboolka ah waxa ay ogolaadeen in ay ku guul darraystaan xakamaynta cadhadooda ugu yaraan hal mar bishii soo dhaaftay, halka 19% dadka tujaarta ah ay ka noqdeen sidaas,” ayuu yidhi Corley oo qoraal ku faafiyey buuggiisa Rich Habits sannadkii 2013.

2. Waxa ay dejiyaan, kuna shaqeeyaan hadafyo
In hadafyo la dejisto, laguna taagnaado ku hawlgelidooda waxa tusaale u ahaa nin la yidhaa Idan Shpzear oo $3,000 uu haystay ka dhigay in ay u noqoto hanti ganacsisyeed dhan $27 milyan, waxaannu sheegay in hadafka oo la dejistaa uu sameeyo farqiga u dhaxeeya in qofku uu noqdo qaadaa-ma-dherge iyo kuwa guulaysta.
“Dad badan ayaa toos u noqda ganacsadayaal, balse ma laha hiigsi, istaraatiji amma hadafyo, haddii aad maalin walba hadaf ku shaqayso noloshaadu way guulaysanaysaa,” ayuu yidhi Idan… la soco…