Araweelo News Network

muse biixiHargeysa (ANN) Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa masuuliyiin cusub oo xisbigiisa ah u magacaabay gobollada Maroodi-jeex iyo Salal.
Laba digreeto oo Guddoomiye Biixi soo saaray shalay, waxa uu ku magacaabay guddoomiyaha iyo ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex ee KULMIYE iyo sidoo kale shan xubnood oo noqon doona guddiga fulinta xisbiga ee Gobolka Salal.
“Magacaabista Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal:
Kadib markii aan arkay muhiimadda Guddida Fulinta ee heer gobol u leedahay habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal, laga bilaabo maanta oo bishu tahay October 24, 2016:
1. Axmed Yaasiin Muxumed Barkhadle – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.
2. Cawaale Xasan Aadan – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.
3. Maxamed Xaamud Cismaan – in maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.
4. Cali Isaaq Ibraahim – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.
5. Mako Cilmi Sheer – in maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.”
“Magacaabista Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex:
Kadib markii aan shirar iyo wada-tashiyo ka yeeshay dhammaystirka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.
Kadib markii aan arkay muhiimadda xilalkan heer gobol u leeyihiin habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran noqdaan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex, laga bilaabo maanta oo bishu tahay October 24, 2016 [shalay]:
1. Maxamed Iid Dhimbiil – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex.
2. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Hadhiye – in maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex.
Fiiro-gaar ah: Dhammaan xilalka kale ee Gobolka Maroodi-jeex waxa ay ahaanayaan sidoodii,” ayuu Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ku yidhi digteeda magacaabista masuuliyiinta cusub ee xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa.