Araweelo News Network

wadanishirkaHargeysa (ANN)Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa ku tilmaamay in Wasiirkii hore ee Madaxtooyada, waqtigana ka mid ah xisbiga WADDANI Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan uu kelidii sheegto guulaha Xukuumadda KULMIYE gaadhay muddada ay xilka haysay, gaar ahaan dhismaha jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco.
Wasiir Caddaani oo saxaafadda kula hadlay caasimadda Hargey, waxa uu tilmaamay in guulaha qaranka uu leeyahay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), balse aanay ahayn wax Xirsi Cali Xaaji Xasan kelidii sheegan karo.
“Waxa uu sheegtay inuu isagu qabtay waxkasta oo uu dalka ka qabtay xisbiga KULMIYE iyo Madaxweynaha Somaliland, saaxiibkay Xirsi waxa aan leeyahay; ‘nin is faanshay waa ri’ isnuugtay.’
“Golahayaga Wasiirradu waxa aannu nahay kaaliyeyaasha gacanta midig ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa aannu nahay ragga iyo dumarka fuliya qorshaha iyo himilada Madaxweynaha, wax walibana waxa ay ku shaqeeyaan waa qorshihiisa, amarkiisa iyo himilada uu keenay,” ayuu yidhi

Waxaannu intaas ku daray; “Dhinaca waddooyinka, gaar ahaan waddada ku taal wadnahayga ee Ceerigaabo, waxa uu Siilaanyo maskaxda ku hayey Xirsi oo aan saaxadda ku jirin. Dawladdii Siyaad Barre markii ay jirtay ee Axmed Siilaanyo uu ahaa Wasiirkii Qorshaynta Soomaaliya, waxa uu qorshihii dawladda soo geliyey, lana wada garanayaa in la sameeyo waddada Ceerigaabo, in badan ayuuna Madaxweyne Siilaanyo ka sheekeeyey waddadaas oo uu yidhi; ‘qorshihii iyo wax walba markii aannu dhammaynay ayuun baa waxa waddadii noqotay ta isku xidha Boosaaso iyo Garoowe oo xagaas ayaa loo beddelay.’
Markaa waqtiga uu Madaxweynaha Somaliland maskaxda ku hayey waddada Ceerigaabo u malayn maayo inuu Xirsi jiray (noolaa), iskaba daa inuu talo ka ogaaye, haddii uu jirayna waxa aan leeyahay wax badan ma jirin, waana laga yaabaa in aannu sidaa u da’yarayn oo Ilaahay u xil-qariyaye, laakiin waxa hubaal ah in markii uu Axmed Siilaanyo ka hadlayey waddada Ceerigaabo aanay jirin in badan oo ka mid ah bulshada reer Somaliland, waddooyinka kalena himilooyinkoodu waxay ka unkameen waa fikirka Madaxweynaha.”
“Maalintii (16 September 2013) aannu Madaxweynaha, anniga iyo Xirsi dhagax-dhigaynay waddada Ceerigaabo waa la arkayey oo waan ku yara qiirooday oo isma aan lahayn noloshaada waxa aad arki doonaa waddada Ceerigaabo oo dhismaysa.”
Waxa uu sheegay in waqtigii xisbiga KULMIYE mucaaridka ahaa uu mar walba kala hadli jiray Madaxweyne Siilaanyo sidii loo dhisi lahaa waddada Ceerigaabo, haddii KULMIYE ku guulaysto doorashooyinka, isagoo sidoo kale xusay in ballanqaadka dhismaha jidka isku xidhaya Burco iyo Ceerigaabo uu ku jiray barnaamijkii ay ku galeen ololaha, kaasoo hadda la fuliyey, laguna guulaystay.

Waxa kaloo Md. Cismaan Caddaani ku eedeeyey murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro inuu neceb yahay dadka askarta ah, isagoo xusay in khudbad uu ka jeediyey Shirkii Golaha Dhexe ee WADDANI ku iftiimiyey nacaybka uu u hayo askarta.

Jawaabta Hoggaamiyaha iyo Guddoomiyaha WADDANI

Dhinaca kale, murrashaxa jagada Madaxweynenimo ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo hoggaamiyaha xisbigaas Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa jawaabo ka bixiyey hadalka dhaliilaha xambaarsan ee Wasiirka Warfaafintu u jeediyey.
Ugu horayn Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka jawaabay hadalka Wasiir Caddaani, waxa uu yidhi; “Horta waa nasiib-wanaag haddii uu ka jawaabay Caddaani oo ila socday markii aan ololaha waddada ku jiray markii aan safarka ku tagtay dalalka Maraykanka iyo Canada ee weliba ila tagay Ceerigaabo, igalana shaqaynayey oo gacan-yare iiga ahaa ee waddooyinka aan dhisayo ka dul ooyayey haddii uu isagu ka hadlayo waa nasiib-wanaag, nin kale oo aan war hayn, ayaa maanta la odhan lahaa wuu war la’yahay, laakiin dadka reer Somaliland ayaa marag ah, cidda go’aan ka gaadhaysa ee ka garsooraysaana waa bulshada. Waxa aan ahaa qofkii hirgeliyey waddada Ceerigaabo, qof igula murmi karaana ma jiro.”
Waxa kale oo uu intaas ku daray; “Anniga oo aan Madaxweynaha ka dafirayn in uu lahaa himaladan, anniguna kii fuliyey ayaan ahaa, haddii uu dafiro Caddaani bulshada ayaanu iskula tagi doonaa oo waa waxa Ceerigaabo ka soo raaca.
Caddaani waa Wasiirka Warfaafinta ee wax uu ku faano amma uu dadka iyo dalka gashaday ha sameeyo oo bal dadka ha hor keeno, wasiir walibana wasaaradda uu joogo wax uu ku faano ha fuliyo. Guul walba oo Wasiir ka gaadho Wasaaradiisa Madaxweynuhu libteeda ayuu leeyahay, wasiirkii fuliyeyna libteeda wuu la leeyahay.”
“Askarta reer Somaliland ayaa la waydiin doonaa in aan col la ahay iyo in aan ahay mid dhiirigaliya ee weliba kala shaqeeyey darajooyinka, mushaharka loo kordhiyey, anniga oo mucaarid ahna waan ka hadlayey horumarinta askarta, anniga oo wasiir ahaana waan ka hadlayey ee haddii uu askarta u jeedo Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin waxaan leeyahay iyagana ma necbi ee waan loolamaynaa oo waxaan u arkaa in aanay hoggaanka dalka sax ku ahayn,” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Geesta kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa jawaab ka bixiyey eedda loo jeediyey ee ah inuu neceb yahay dadka askarta ah.
“Anniga aabbahay askari ayuu ahaa, guri askari ayaanan ku soo koray, barmaamijka siyaasadeed ee Xisbigana way ku cad yihiin ciidammada, daryeelkooda, xannaanayntooda iyo in loo hagaajiyo tayadooda, qalabkooda iyo in loo sameeyo cusbitaalo, in mushaharka loo kordhiyo, intuba waxay ku cad yihiin barnaamijka siyaasiga ah ee Xisbiga WADDANI, odayga kumaan aqoon beenta meesha uu ka keenay isaga ayaa sheegi doona, haddalkaasin hadal aan idhi maaha, mana ah hadal iga soo baxay,” ayuu yidhi Md. Cirro.