Araweelo News Network
abdirashiidxiirHargeysa(ANN)Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir), ayaa soo dhoweeyay guusha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka gaadhay in kooxda Khaatumo ee Cali Khaliif Galaydh ugu danbayntii aqbasho baaqyo marar badan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u jeediyay oo la xidhiidhay in wixii tabasho ah miiska lala fadhiisto, balse aanu xal ahayn qorigu.
Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo, wuxuu sidaa u sheegay Shebekaddaha wararka ee Araweelo News Network, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), wuxuu markii uu xilka la wareegay ee ku guulaystay doorashadii 26 Jun 2010, geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu arrinta gobolka Sool iyo dadka deegaankaa u gaadhsiin lahaa siyaasadiisa ku waajahan deganaanshaha iyo nabada, wuxuuna marar badan baaqyo nabadeed iyo gogol u fidiyay siyaasiyiinta u dhashay deegaankaa, wuxuu ku guulaystay in qaar ka mid ah raggaa oo Wasiirka Caafimaadka Somaliland ee maanta Dr. Saleebaan Xaglatoosiye ka mid yahay ay aqbalaan dhawaaqyadii Madaxweynaha, kuna qancaan inay dadkooda iyo dalkooda u shaqeeyaan oo wax la qaybsadaan Somaliland.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdirashiid Xiir.
Hase yeeshee, wuxuu sheegay in Cali Khaliif Galaydh iyo ragga uu hoggaaminayay oo aan marnaba Xukuumadda Somaliland kala hadhin baaqyada nabada iyo gogoshii ay u fidinaysay oo ugu danbayntii ay aqbleen, taasoo uu sheegay inay tahay farxad iyo guul usoo hoyatay Somaliland, isla markaana meesha ka saaraysa kala qaybsanaantii bulshada Sool, Buuhoodle iyo Xaysimo ee aragtida siyaasadeed lagu kala duwanaa oo sida uu sheegay dib u dhac weyn ku keentay dadka deegaanada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle.
“Markii uu Madaxweynuhu magcaabay Gobolka Xaysimo, waxay ahayd siyaasad fiican, waxaynu ognahay in Ciyaaraha oo door weyn ka qaata usoo soo dhowaanshaha iyo is dhexgalka Bulshadda markii Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland la qabtay , waxa markii u horaysay kasoo qaybgalay Koox ka socotay Gobolka Xaysimo oo weliba usoo baxay faynalkii Koobka, waxay arrintaasi si weyn wax uga bedeshay aragtidii dadka deegaanka, waxa sidoo kale la xusi karaa gurmadkii mar walba xukuumaddu u fidinaysay dadka Sool, Buuhoodle iyo Xaysimo oo dareenka iyo shucuurta bulshada soo jiitay, isla markaana tusay inay dalka wax ku leeyihiin oo la wada leeyahay, waxa kale oo tusaale fiican ahaa Magcaabistii Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali jaamac oo suurta geliyay shirarkii Adhi-cadeeye iyo shirkii uu ugu danbeeyay ee Awr-boogays oo ahaa mid soo afjaray siyaasadii iyo afkaartii kala qaybsanaanta bulshada, dhamaan arrimahaa ayaa qayb weyn ka qaatay in maanta siyaasiyiintii u dhashay deegaankaa ay bedelaan fekerkoodii hore oo aqbalaan baaqyadii nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland mararka badan u fidiyay, waana ku hanbalyaynayaa Madaxweynaha inuu ka dhabeeyo siyaasadiisii uu dadka isugu soo jiidayay ee ku waajahnayd deegamadaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xaysimo oo u waranmay Araweelo News Network
Guddoomiyaha Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir), waxa kale oo uu sheegay inuu soo dhowaynayo go’aanka Baarlamaanka Somaliland ku ansixiyay heshiiska Dekedda Berebera oo uu sheegay inuu yahay mid guul iyo horumar u horseedaya Somaliland.