Araweelo News Network

muse biixiBurco (ANN)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxiisa jagada Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku tilmaamay heer dimuqraadiyadeed murankii lagu kala qaybsanaa mashruuca casriyenta Dekedda Berbera iyo ansixintii xildhibaannada Golaha Wakiilladu ku meelmariyeen heshiiskiisa.
Guddoomiye Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey gunnaanadka shir qayb ka mid ah deegaanka bariga Burco uga socday deegaanka Beer ee Gobolka Togdheer oo uu ka qaybgalay shalay, waxa uu ka sheegay in doodihii iyo aragtiyihii kala duwanaa ee la isku hayey mashruuca dekedda Berbera ay yihiin fikrado cid waliba si gooni ah wanaag iyo inay wax hagaagaan ku doonayeen, isla markaana aan la isku colaadsanayn.
“Waxaan shirka u sheegayaa in Golihii Wakiilladu codeeyey saaka (shalay) oo 69 xildhibaan taageereen mashruuca dekedda Berbera, dhawr ilaa afar baa diiday, waa dimuqraadiyad, maalmahan oo dhan arrintaasi way socotay oo warbaahinta ayaa laga doodayey oo fikradaha laga dhiibanayey, nin waliba waa Somaliland oo wanaag buu doonayey, taladaa la iswaydaarsanayey ee la iskuma qoonsado, Somaliland maanta si xoog ah waxay u muujisay in mashruucaasi dan iyo horumar yahay, waynu ku hambalyeynaynaa Golaha Wakiillada, Guddoomiyahooda iyo Shirguddoonkooda, waxa kaloo aynu hambalyeynayaa saddex xisbi qaran xildhibaannadii ka matalayey oo si isku dhafan oo qaranimo ah u codeeyey diidmada iyo ogolaanshahaba, taasina waxay sheegaysaa qaranimada,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.
Waxa kaloo uu ka hadlay xaaladda magaalada Berbera iyo shirka lagu muransanyahay ee qaybo ka mid ah dadka reer Saaxil doonayaan inay ku qabsadaan deegaanka Baxarsaafka, waxaannu yidhi, “Beryahan warar aan siday yihiin u jirin oo haddii dhan loo eego dhiillo leh ayaa soo baxayey oo leh Berberaa cidi haysataa, reer baa cunnaha iskaga duubay, wax baa la diidanyahay, waxaan idiin caddaynayaa warkaasi in aannu sidaas ahayn, una jirin, sababta oo ah saddexdii habeen ee u dambaysay waxaannu la shiraynay beel ka mid ah beelaha Saaxil oo farta lagu godayey waxgaradkooda hadday salaadiin tahay, cuqaal, siyaasiyiin, waxgaradooda iyo dhallinyaraba ee Suldaan Maxamuud innagala joogo waxay dhammaantood ka midaysanaayeen oo yidhaahdeen ‘Berbera waa deked qaran, wanaagga dalkaanu doonaynaa, mashruuca hirgelintiisa waanu doonaynaa, waxa qudha ee aannu ku talinaynaa oo qof walba ra’yigiisa ka dhiibanayaa siduu wax inoogu hagaagayo ee waxyaabaha warbaahinta ama qof aan xilkas ahayn leeyahay yaan la inoo nisbayn.”
“Suldaan Maxamuud shirkooda waynu soo dhawaynaynaa, shir iyagoo dhan ay wada qabsadaan, danta qaranka ay kaga hadlayaan oo aan hubo go’aamo kuwan oo kale ah (shirka Beer) iyo qaar ka wanaagsani inay ka soo baxayaan iyo shirarka danta qaranka dhisayaba waanu soo dhawaynaynaa,” ayuu yidhi.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu soo bandhigay aragtidiisa shirarka ay qabsadaan beelaha Somaliland oo qaybo ka mid ah ku tilmaamay in qaran dhiska iyo wanaagga Somaliland ku jiro, “Waxa aad looga cawdaa qabyaaladda iyo shirarka beelaha, horta qaran waliba si buu u dhisanyahay, innaga dhaqankeennaa sidan ah, shirarka reeraha haddaynu nidhi qaranka hoosta ha laga soo dhiso oo reeruhu ha is-afgartaan, kadibna xiga is-afgartaan oo gobolladu ha is-afgartaan, dabadeedna qarankii sare aynu dhisno, waa waddo wax dhis ah oo dhibaato malaha, laakiin qaybaaladdu waxay xumaanaysaa dhibaato wayn tahay markay qolo iyo difaac tahay. Markaa shirarkaa aynu qabsanayno iyo kuwa kale ee qaranka dhisayana waanu soo dhawaynaynaa,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Muuse Biixi Cabdi.