gwakiiladasomaliland

Hargeysa (ANN)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiiska maalgashiga dekedda Berbera ee xukuumaddu la gashay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo guddoominayey fadhiga shalay, isla markaana dhinacyada ka fadhiyeen labada guddoomiye-ku-xigeen, waxa ka qaybgalay 74 mudane, iyagoo xildhibaanno u diwaangashanaa inay ka qaybgalaan doodda heshiiska ay caddeeyeen inay ka noqdeen doodooda, taas beddelkeedana codsadeen in loo codeeyo mabaadii’da nuxurka heshiisku ka kooban yahay ee xukuumaddu u gudbisay golahooda Sabtidii toddobaadkan.
Waxa kaloo mudanayaasha loo qaybiyey hadal-qoraalka xildhibaannada ka qaybgalay dooddii golaha ee maalintii Isniinta, taasoo ay ka soo baxeen laba qodob oo kala ah;
• In aannu heshiiskan ahayn kii saxda ahaa, sidaa darteedna dib loogu celiyo xukuumadda, Golaha Wakiillada-na la horkeeno heshiiska rasmiga ah
• Iyo in sidiisa lagu ansixiyo heshiiska xukuumaddu keentay.
Guddoomiye Cirro, ayaa ku wargeliyey mudanayaasha in labadaas qodob loo kala codeeyo, waxana cod gacan taag ah ku ogolaaday heshiiskaas 69 mudane, waxa diiday 4, waxaanna sidaas ku ansaxay in xukuumadda Somaliland heshiiska maalgashiga dekedda Berbera ay la gasho shirkadda DP World.
Magacyada 69-ka mudane ee gacanta u taagay ansixinta heshiiskaas oo lagu baahiyey website-ka Golaha Wakiillada oo Jamhuuriya soo xigtay, waxay kala yihiin sidan:-
1. Baashe Maxamed Faarax
2. Dr. Cali Yuusuf Axmed
3. Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac)
4. Cali Maxamed Aadan (Cali-barre)
5. Saleeban Cawad Cali (Bukhaari)
6. Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe)
7. Maxamed Cali Xirsi (Obama)
8. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin
9. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
10. Ibraahim Carraale Cabdi (Ruush)
11. Baar Siciid Faarax
12. Ibraahim Jaamac Cali (Reyte)
13. Ibraahim Mahdi Buubaa
14. Naasir Xaaji Cali Shire
15. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle
16. Cabdi Maxamuud Jaamac (Gaagaale)
17. Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale
18. Saleebaan Yuusuf Cali (Koorre)
19. Siciid Maxamed Cilmi
20. Xaashi Xuseen Caabbi
21. Cabdikarim Abubakar Good
22. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac
23. Cabdiqaadir Jibriil Tukaale
24. Axmed Barkhad Obiisye
25. Cali Sheekh Ibraahim Aareeye
26. Siciid Warsame Ismaaciil
27. Farxaan Maxamed Cali
28. Faarax Maxamuud Cabdulle
29. Maxamuud Dhunkaal Guutaale
30. Xamse Maxamed Gaadaweyne
31. Axmed Jaamac Warfaa (Wadka)
32. Maxamuud Xaaji Maxamed Cumar Xaashi
33. Cabdikariin Aw Cali Shabeel
34. Cabdillaahi Xuseen Cige (Blacky)
35. Axmed Faarax Jooge
36. Xuseen Ismaaciil Yuusuf
37. Cabdiqaadir Jaamac Xaamud
38. Axmed Maxamed Nuur
39. Maxamed Cismaan Bulqaas
40. Cali Xaaji Maxamed Muuse
41. Maxamed Cumar Aadam (Jiir)
42. Maxamuud Axmed Obsiiye
43. Axmed Ducaale Bullaale
44. Axmed Cabdi Kaahin
45. Maxamed Saalax Cige
46. Weli Axmed Xaawo
47. Maxamed Axmed Maxamed (Dhakool)
48. Cabdi Hiirad Warfaa Faahiye
49. Yuusuf Liibaan Cumar
50. Cali Obsiiye Diiriye (Gabiley)
51. Maxamed Jaamac Cabdi
52. Maxamed Jaamac Cali
53. Maxamed Baaruud Shide
54. Aadan Xaji Diiriye Dirir
55. Cabdiraxmaan Jaamac Muuse
56. Axmed-yaasiin Shekh Cali Ayaanle
57.
58. Xuseen Maxamed Cige
59. Cabdillaahi Axmed Yuusuf (Madar)
60. Ibraahim Axmed Reygal
61. Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeyo)
62. Maxamed Xuseen Xaaji Ciise
63. Mahdi Xuseen Cadare
64. Mahdi Cabdillaahi Maxamuud
65. Xasan Cawaale Caynaan
66. Xasan Muuse Hufane
67. Cabdiqaadir Askar Xasan
68. Muuse Maxamed Ismaaciil (Hoos-u-jeed)
69. Ismaaciil Maxamed Xasan.
Magacyada 4 mudane oo diiday in heshiiska la ansixiyo:
1. Siciid Cilmi Roole
2. Siciid Cartan Cismaan
3. Xaamud Cismaan Cigaal
4. Axmed Xasan Aadan (Weyso-cadde).
Mudanayaasha ka maqnaa fadhiga lagu ansixiyey heshiiska maalgashiga Dekedda Berbera:
Fadhigii Wakiillada ee shalay, waxa ka maqnaa 9 mudane oo qaarkood fasax ku maqan yihiin iyo qayb ka dareeray golaha intii aan codka la qaadin, waxayna kala yihiin;
1. Cumar Axmed Saleebaan (Sanweyne)
2. Maxamuud Jaamac Cilmi (Dable)
3. Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde
4. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw-xoog)
5. Ibraahim Axmed Haybe
6. Aadan Muxumed Hoorri (Mataan)
7. Jaamac Xasan Aadan
8. Maxamed Faarax Qabille
9. Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale.
xigasho: Jamhuuriya