Araweelo News Network

Small boats and old wrecked ships litter the harbor of Berbera, Somaliland, Aug. 16, 2016. (J. Patinkin/VOA)

Small boats and old wrecked ships litter the harbor of Berbera, Somaliland, Aug. 16, 2016. (J. Patinkin/VOA)


Hargeysa (ANN)Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu tilmaamay inuu yahay dal ka iftiinkiisu ka baxayo Gobolka Geeska Afrika oo ah meel wehel u ah colaado, dagaalo xagjirnimo, kalatalisnimo, dimuqraadiyad la’aan iyo xorriyad saxaafadeed oo aan ka jirin.
Warbixin ballaadhan oo wargeys ka soo baxa dalka Koonfur Afrika oo la yidhaa Daily Maverick ka qoray Somaliland oo uu kaga hadlay dawladnimada ka jirta iyo saamaynta togan ee heshiiska casriyeynta dekedda Berbera ee xukuumaddu la gashay shirkadda DP World uu ku yeelan karo dhaqaale ahaan iyo ictiraaf ay beesha caalamka ka hesho iyo weliba kasbashada quwadaha adduunka.
Wargeysku waxa uu warbixintiisa ku bilaabay in Somaliland caan ku tahay dal haddana aan jirin, marka la eego aqoonsi la’aanta, balse rajada laga qabo heshiiska mashruuca cusub ee dekedda Berbera ay shirkadda DP World maamulayso muddo 30-ka sanno ahi inuu ku khasbi karo dalalka xoogga badan ee caalamku inay dib uga fikiraan meeqaamka Somaliland oo iibisa nabad iyo xasillooni ku yar gobolka.
“Somaliland oo madaxbannaani ka heshay 1960-kii kadib markii ay xarriyadeeda ka qaatay Ingiriiska (British) waxay la midowday Soomaaliyadii kale, laakiin waxay dib madaxbannaanideeda ula soo noqotay sannadkii 1991-kii markii dawladdii Soomaaliya burburtay. Muddo 25 sanno ah, ma jiro cid aqoonsatay dalka isku-magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland. Haseyeeshee, gobol lagu yaqaanno kalitalisnimo iyo deganaanshi la’aan ayey Somaliland ku shaqaysaa dimuqraadiyad ay ku qabsatay doorashooyin, iyadoo ay jiraan dhawr xisbi mucaarad iyo saxaafad si ahaan u madaxbannaan,” ayuu yidhi wargeysku.
Waxa kaloo uu xusay in Somaliland leedahay baasaboor lagu tago Afrika, Yurub iyo Maraykan, isla markaana dawladda Somaliland ay dalalka beesha caalamku ula macaamilaan si waddan madaxbannaan, waxaannu wargeysku yidhi, “Somaliland waxay leedahay baasaboor lagu tago Afrika, Yurub iyo Maraykan, waxaanna jira duulimaadyo diyaarado toos ah oo u dhexeeya Hargeysa iyo magaalooyinka Dubai, Nairobi iyo Addis Ababa. Waddankani wuxuu leeyahay boolis iyo ciidan millatari oo u gaar ah, shaqaale iyo adeeg dawladeed, waana mid ka ammaan badan dalalka jaarka la ah sida Itoobiya iyo Soomaaliya.”
Wargeyska Daily Maverick waxa uu si qoto dheer u falanqeeyey saamaynta wanaagsan ee uu Somaliland u horseedi karo heshiiska mashruuca casriyeynta dekedda Berbera ee ay la gashay shirkadda DP World oo uu ku tilmaamay kambani culus oo maamula dekedo kale oo badan oo ay ka mid tahay dekedda Jabuuti, iminkana gacanta ku dhigay Berbera oo ah albaab muhiimad wayn leh oo isku xidha badwaynta Hindiya iyo kanaalka Suez.
“Rajo wanaagsan baa ka jirta caasiamdda Hargeysa in gaadiidka ka soo baxa dekedda Berbera iyo ganacsiga uu horseedo heshiiskani uu keeni karo inuu ka caawiyo helista aqoonsi buuxa, xataa haddii uu meesha ka baxayo xidhiidhka kala dhexeeya Geellaha Jabuuti,” ayuu yidhi.
Haddaba, siday ahaan lahayd haddii la aqoonsan lahaa Somaliland?
Wargeysku waxa uu su’aashaasi kaga jawaabay falaqayn nuxurkeeda uu ku soo ururiyey in Somaliland kasban karto dalalka quwaddaha ah ee isku haya saamaynta ay ku leeyihiin gobolka Geeska Afrika, isagoo si gaar ah u tilmaamay dawladda Maraykanka oo uu sheegay in aannu saldhigga millatari ee ay ku leedahay Jabuuti ahay mid degan marka la eego dimuqraadiyad la’aanta iyo kalitalisnimo uu xusay inay ka jirto Jabuuti.
“Saldhigga millatari ee Maraykanku ku leeyahay Jabuuti waa mid baadhisi ku socoto, iyadoo aqalka Wakiillada ee Kongerisku dhawr jeer ku baaqay in la xidho saldhiggaasi, sababtoo ah taariikh-xumada dhinaca xuquuqda aadamaha ee Jabuuti leedahay,” ayey tidhi warbixintu oo soo qaataday dhacdooyin ka dhacay dalka Jabuuti oo kala ah; rasaas nool oo ciidammada boolisku u adeegsadeen dad mudaharaad ka dhigayey Jabuuti bishii December ee sannadkii hore iyo qorshihii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wax kaga beddelay dastuurka si mar afraad uu xilka u sii hayo oo loo doortay bishii April ee sannadkan, iyadoo natiijadii doorashadaasi uu ku helay 83% ay mucaaradku ku tilmaameen mid lagu shubtay.
Arrimahaasi ka jira Jabuuti ayuu wargeysku barbar-dhigay Somaliland, waxaannu yidhi, “Somaliland kama jiraan dhibaatooyinkaasi ka jira Jabuuti, sidaasi darteed, haddii Wasaaradda Gaashaanshigga Maraykanka ee Pentagon ay samaysanayso saldhig kale, halkani (Somaliland) waxay u tahay kali. Jabuuti waxa saldhigyo millatari ku leh Faransiiska iyo China, sidoo kalena dalal kale oo Ruushku ka mid yahayna ay doonayaan inay sii ballaadhiyaan joogitaankooda gobolka.
Somaliland meeqaamkeedu waa mid sii kordhaya. Maraykanku waxa uu difaacaa Israa’iil, inkastoo Washintong xulafadeeda gobolka oo ay ku jiraan Sucuudiga, Ciraaq iyo xataa Jabuuti aanay aqoonsanayn qaranka Yuhuudda. Sidoo kalena Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanku waxay xidhiidh xoog ah la leedahay Taiwan.”
Wargeysku waxa uu sheegay in aanay jirin safaarado ka furan caasimadda Somaliland, laakiin ay jiraan dhawr waddan oo xafiisyo daneed ku leh Hargeysa, sidoo kalena safiirrada dalalka waawayn u jooga Addis Ababa iyo Nairobi ay ugu yimaadaan wadahadallo dawladda Somaliland.
Ugu dambayntii, warbixintan waxa lagu soo gunnaanaday hano-qaadka dimuqraadiyadda Somaliland iyo fursadda ugu jirta sii wadista doorashooyinka xorta ah, “Wax badani waxay ku xidhnaan doonaan doorashooyinka Somaliland ee sannadka soo socda. Codbixintii doorashadii 2010-kii waxa ku guuldarraystay xisbal-xaakimkii talada hayey, waxaanna si nabadgalyo ah xilka loogu wareejiyey xisbigii guusha helay. Codbixin kale oo xalaal ahina waxay adkaynaysaa in la iska indho-tiro baaqyada ictiraafka Somaliland.
Gobolka Geeska Afrika mustaqbalkiisu maaha mid degan, laakiin Somaliland waxa laga yaabaa inay ka guulaysato ama safka hore ka gasho, sababta oo ah waa guriga ugu wanaagsan ee ku yaal dariiq xun,” ayuu wargeysku ku soo gunnaanaday warbixintiisa.