Boorama(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan loogu soo dhoweeyay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kadib markii uû xalay kusii hakaday  Magaalada Gebilay.

Madaxweynaha, ayaa markii uu gaadhay Magaalada Dilla dadweynaha deegaankaa oo sugayay soo dhowaynta Madaxweynaha Iyo wefdigiisa, waxa ay ku qaabileen farxad iyo damaashaad, kuwaas oo ruxayay caleemo qoyan, Isla markaana ku sugayay. Wadooyinka.

Wefdiga Madaxweyna oo ku hakaday magaalada, wuxuu Madaxweynuhu fagaare kala hadlay dadkii soo dhoweeyay, isagoo uga mahad celiyay sida ay dareenkooda ugu muujiyeen ee usoo dhoweeyeen.