Somalia, Sh/Hoose (ANN)-Taliska Milateriga Maraykanka ee Qaarada Afrika oo loo soo gaabiyo (AFRICOM) , ayaa sheegay in Afar duqaymood oo cusub ay ka gaysteen Soomaaliya 23-kii bishan February. Marayanku waxa uu sheegay in laba ka mid ah afarta duqyamood ay ka dhaceen nawaaxiga Kuunyo Barrow, halka duqayn kale ay ka dhacday agagaarka Jannaale, iyagoo duqaynta  afraadna  sheegay inay ka dhacday Awdheegle.

Deeggaamada laga fuliyay duqaynta, ayaa dhamaantood ka tirsan  Gobolka Shabbeelaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, waxayna Taliska Milateriga Maraykanka ee Afrika sheegeen in lagu dilay duqaymahaa  laba ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab, isla markaana lagu burburiyey baro kontorool iyo adeegyo kale oo Al-Shabab ay canshuuraha ku qaataan.

Dhinaca kale Al-Shabaab,  ayaa sheegtay in laba qof ay ku dhinteen duqaynta ka dhacday Kunyo Barrow, sida Maraykanku sheegay, iyagoo dadka ku dhintay weerarka duqanta Maraykanka sheegay  ee labada qof ah ay ahaayeen Ilama yar oo dhashay oo labaatan habeen jiray iyo Macalin Quraan, sidoo kale Al-shabaab waxay warbaahinta ka sheegtay in Maraykanku qaaday duqaymo saacado baddan socday habeen hore, kuwaas oo sida ay sheegeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan lagu xasuuqay  hase yeeshee milatariga Maraykanku waxay dhinacooda sheegeen in dad rayid ahi aanay ku dhiman kuna dhaawacmin weerarkaa.

Dhinaca kale wararka ka imanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka dawladda uu ku dhintay iska horimaad dhexmaray ciidanka iyo maleeshiyada Al-Shabab. Maleeshiyada Al-Shabab ayaa la sheegay inay ciidanka weerareen iyaga oo kusii jeeda Daynuunay.

Sidoo kale Magaalada Muqdisho  waxaa maanta lagu aasay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre, kadib markii shalay lagu dilay magaalada Muqdishu. Xildhibaanka waxaa dilkiisa sheegtay maleeshiyada Al-Shabaab. Mas’uuliyiinta dawladda iyo xildhibaannada ayaa cambaareeyey dilkaa, iyadoo magaalada Muqdisho shirqoolaha dilalka ee lagu ugaadhsado Xildhibaanada, masuuliyiinta dawladda Federaalka iyo Hay’addaha qaramada midoobay aanay ahayn wax ku cusub ee ay maalin walba ka dhacaan weerarada  iyo qaraxyada inta baddan lala beegsado xarumaha Dawladda iyo Ciimadda huwanta ah ee AMISOM ee ilaaliya, waxaana falalka qaraxyadaa iyo weerarada sheegata Al-shabaab.

.