IMG_20150720_134717Boorama(ANN)koox dablay aan la aqoonsan ayaa weerar ku miray xalay sadqii-dhexe guriga Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxaana weerarkaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Sidaana waxa Shebekadda warar Araweelo News Network u xaqiiiyay warar kala duwan oo ay ka heshay gudaha magaalada Boorama, Badhaabka oo aanu la xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino khasaaraha iyo sababta keentay weerarkaa ayaanay noo suurta gelin, balse wararka aanu ka helay gobolka ayaa sheegaya in koox aan la aqoonsan oo hubaysi xalay saqdii dhexe weerartay guriga uu deganyahay badhasaabku, isla markaana weerarka ayaa sababay in laba ka mid ah Askarta Ilaalada badhasaabka ay ku dhinteen halkaa.

Sidoo kale laba kale ayaa dhaawacyo soo gaadheen, iyadoo aan la sheegin wax khasaare ah oo loo geystay dablaydii weerarka soo qaaday oo ka baxsaday goobtaa. Lama oga ujeedad weerarkaa iyo cidda ay ahaayeen kuwa fuliyay, balse waxa jira warar shebekadda wararka ee Araweelo News Network heshay oo sheegaya in maalmahan guryaha magaalada qaarkood baadhitaan lagu sameeyay, iyadoo looga shakiyay in lagu qarinayo hub.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xili qayb ka mid ah tartanka Ciyaaraha Kubadda Cagtu ka socdo halkaa, isla markalana magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal si weyn u camirantay.

Dhinaca kale hawlgal saaka lagu waaberiisiyay magaalada ayaa lagu xidhay Odayaal iyo waxgarad lala xidhiidhiyay inay kuwa weeraka fuliyay kasoo jeedaan deegaamadooda, isla markaana ay ka war qabeen arrintaa weerarka iyo ciddii ka danbaysay, ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana is bedeshay xaalada Boorama oo weerarka xalay dhacay saamayn ku yeedhay deganaanshihii magaalada.

Dhowaan ayay koox dablay hubaysan meherad ku taal badhatamaha magaalada Boorama boobeen goor habeen ah, balse lama ogga inay dhacdooyinka soo noqnoqnaya ee Boorama yihiin kuwo xidhiidh ka dhexeeyo iyo inay kala ujeedooyin yihiin.

Wixii kasoo kordha kala soco
Araweelo News Network