Araweelo News Network

wefdigaoolakulmayboqorkarasalkhayma
Raysal Khayma(ANN)Weftigii Jamhuuriyadda Somaliland, kuna sugnaa Dubai, ayaa martiqaad rasmi ah ka helay boqorka xukuma Raysal Khayma oo kulan balaadhan la yeeshay weftigii Somaliland ee halkaa u joogay meelmarinta heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay kala saxeexdeen 05/09/2016, Somaliland iyo Shirkada DP World, weftigaasi oo ka kooban Wasiirada Arrimaha Dibeda, Qorshaynta Qaranka, madaxtooyada, Maaliyada, Maayarka Magaalada Berbera, Maareeyaha Dekeda Berbera iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta.

Kulankaas oo daarnaa dardar gelinta iyo dhiirigelinta hawlaha maalgashi ee ka socda dalka Somaliland, iyadoo uu boqorku ka mid yahay dadka sida gaarka ah ugu xidhan Somaliland, kuna dhiiraday inuu maalgashi ka sameeyo gudaha Somaliland, hadday noqoto shirkada sahaminta shidaalka ee RASGAS, kuna sugan Somaliland, hadday noqoto arrimaha dhoofka xoolaha oo uu sheekhu ka mid yahay masuuliyiinta maxjarka Al-jaabiri ee xaruntiisu tahay Berbera, iyo isagoo sheekhu marwalba la barbartaagan taakulo iyo dedaal dheeriya jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan halkaasi.

Arrimahaas oo ay weftigu uga mahadnaqeen ka dib waxa ay weftiga Somaliland uga warameen arrimaha la xidhiidha heshiiskii DP World ee ay ku maalgelinayso dekeda Berbera iyagoo u soo jeediyey una taabtay in ay shirkadaha Raysal Khayma ay u furayso inay dhankooda ka qaybqaataan haday tahay kuwa bangiyada, macdanta, arrimaha caafimaadka, iyo waxbarashada ee degen raysal khayma ay yimaadaan Somaliland oo ay maalgashadaan dalka.

Ugu dambayntii weftiga Somaliland waxay uga mahadceliyeen sheekha sida uu u barbartaagan yahay arrimaha maalgashiga ee ka socda Somaliland, waxaanay sheekha ku hambalyeeyeen kuna dhiirigeliyeen inuu halkaa ka sii wado hawlaha, isla markaana uu fursado siiyo ardayda ka qalinjebisa Jaamacadaha Somaliland, siiyana fursado ay ugu shaqo tagaan Raysal Khayma iyo inay sii wataan aqoontooda waxbarasho intii u baahani, kulankaasi oo ahaa mid ku soo dhamaaday is fahan iyo guul labada dhinacba ay isla garteen arrimahaa kala duwan.

Xubnaha Weftiga ee la kulmay boqorka ayaa ka koobnaa Wasiirka Arrimaha Dibeda, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Mudane Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Maayarka Magaalada Berbera, Mudane Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) Maareeyaha Dekeda Berbera, Axmed Yuusuf Dirir iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Amb. Baashe Cawil Cumar.