Araweelo News Network

London(ANN)-Xukuumadda Dalka Britain, ayaa wada qorshe ay doonayso Inay ku baadho sida ay dadka Maalqabeenada shisheeye ee aan u dhalan dalkooda ay ku heleen hantida ay haystaan.

Arrintan, ayaa cabsi Iyo wer wer ku beertay Hantiilayaasha shisheeye ee ku nool waddanka Britain, kuwaas oo looga shaki qabo inay ku kacaan falal musuqmaasuq ah, waxayna Ka shaki qabaan in lagu qasbo  inay sharaxaad ka bixiyaan sida ay ku heleen hantidooda kuna noqdeen taajiriin, waxa kale oo olalaha xukuumadda  ee qorshahaa lagu macneeyay mid ay kaga hortageyso dambiyada abaabulan ee Ka dhaca dalkeeda, amma meelo kale oo dunida ah.

Tallaabooyin cusub ayaa loo fasixi doonaa inay qaadan saraakiisha dowladda si ay u xayiraan hantida haddii aanay mil kiilayaashu sharaxaad ka bixin sida ay ku heleen hantida ay haystaan.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa rumeysan in boqol iyo labaatan bilyan oo doolar oo lacago sharci darro ah sanad walba lasoo mariyo dalka Britain.
Wasiirka ammniga ee Britain Ben Wallace, ayaa sheegay in maalqabeenada u dhashay Ruushka iyo siyaasiyiinta musuqmaasuqa ku kaca ay sida ugu dhaqsiyaha badan u waajihi doonaan awoodda sharciyadda dowladda.

Sharciyaddii hore ee Britain ayaa siinayay dowladda Britain awood kooban oo ay tallaabo uga qaadaan hantiilayaasha laga shakiyo, marka laga reebo kuwa laga soo dacweeyo dalalkooda.

Dhinaca kale Xukuumadda Boqortooyadda Sucuudiga, ayaa sidan oo kale qorshe ay ku macnaysay baadhitaan musuqmaasuq Xabsiga ku dhigtay November 2017′, ganacsato u dhashay Dalkeeda waxayna Xabsiga dhigtay Amiiro Qoyska Boqortooyadda Ka tirsan kuwaas oo Balaayiin Lacag ah oo Madax-furasho ah laga qaaday markii Xabsiga la dhigay.