Araweelo News Network

Galaydh1Hargeysa (ANN)-Horjoogaha kooxda la baxday Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay in ay waayeen dariiq kale oo aan ahayn inay wadahadal la furaan dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo la doonayo in si buuxda loogu soo afjaro shaqaaqooyinkii ka taagnaa degaanno ka mid ah Sool iyo Buuhoodle.
Prof. Cali Khaliif oo hadal u jeediyey dad reer Buuhoodle ah, habeenkii Axadda, waxa uu ugu baaqay taageerayaasha kooxdiisa Khaatumo inay isu yimaadaan oo si buuxda uga tashadaan waxyaabaha ay la tagayaan wadahadalka ay la fureen Somaliland oo uu ku tilmaamay in ay waayeen wax kaloo dhaama.
“Khaatumo waxaannu hadda bilownay wadahadallo, hadda dhan walba waanu ka rognay oo sidaas si ay dhaantaanu garanwaynay, waar ciddii hadda haysa sidaas si dhaanta hadda weli tareenkii ama dhaankii ma dhaqaaqin, aynu dib isugu noqonno oo tashanno, idinkama lihin talada, isimmada kama lihin, culimaa’udiinka kama lihin, shacabka kama lihin, waxaan leeyahay waar marxalad adag baynu maraynaa, degannaansho iyo wadatashi ayey inoogu badinaysaa.
Waar dadkaa aynu deriska nahay (Somaliland) ee colaadda xumi inna dhextaalo, in aynu wadahadalno si ay ku dhaanto ayaanu garanwaynay, waar hooy koox-kooxda iyo qof qof dhaqaaqaya oo raba inuu danaysto innagu guul kuma gaadhi karno, waxaynu xaq u leenahay ma goosan karno haddaynaan isu dhammayn oo aynaan is wada raacin, wixii aynu isku hayno waynu isaga iman karnaa oo waynu isu baahannahay, haddii aynu isugu imanayno Qudhacaa Buuhoodle annagu diyaar baanu u nahay, intaynaan heshiis la galin ciddaa in la isaga yimaado diyaar baanu u nahay,” ayuu yidhi Cali Khaliif.
Waxa kaloo uu xusay in dawladda Somaliland isku dayeyso wax kastoo ay ku soo xerogaliso dadka kooxdiisa taageersan, balse waxa uu sheegay in aanay Somaliland danaynayn reero iyo kooxo kala duwan inay la hadasho, sidaasi darteedna loo baahan yahay inay talo midaysan ka yeeshaan arrintan, isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Qoladaasi (dawladda Somaliland) hadda waxay leeyihiin oo Madaxweynuhu khudbaddiisa ku akhriyey oo ninka Maxamuud Xaashi la yidhaa ee Wasiirka ka ah Madaxtooyadu isagoo reer reer ula shiraya dadkeenna uu yidhi ‘reer-reernimadii iyo wadahadalladii aannu la lahayn albaabkaanu u xidhnay.’ Waxay yidhaahdeen reer-reer nama anfacdo oo kharash badan baa nagaga baxda, reerkii aannu isnaa Somaliland way iimaansadeen haddana Gaaladu waxay tidhaa Shabeelku baladi ma noqdo.”
Cali Khaliif waxa uu ku faanay in Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xaglo-toosiye uu diiwaangelintii codbixinta ka fulinkariwaayey Buuhoodle oo uu ku tilmaamay meesha keliya ee Somaliland loodinkariwayday, “Saleebaan Axmed Ciise (Xaglo-toosiye caawa xaggeed ku ogtihiin? Wuxuu joogaa Ceerigaabo, wuxuu Saleebaan yeelikariwaayey ee u suurtoobiwayday nin kaloo yeeli karaana ma jiro,” ayuu yidhi.
Ugu dambayntii, waxa uu tilmaamay in xaqa ay ka rabaan Somaliland yahay mid siyaasi ah, kaasna siday ku heli karaan yahay isku-duubni iyo wadatashi kooxdiisa laga helo.
“Innagu aynu isu nimaadno oo waxaynu ka badin wayno ee aynu la hortagayno ee aynu rabno in aynu wax ku goosanno, hadda ogaada siyaasadda waxaad xaq u leedahay ayaa lagaa faro-maroojiyaa, meel xaqaagiiba mar hore la qaatay sidaad u soo dhacsataa arrin sahlan ma noqonayso, markani waa markii talada la qaadan jiray, markan innagaa talada u baahan, in aannu talo wadaag noqonno oo aanaan luqunta iskaga duubina waanu idinka ballanqaadaynaa,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Prof. Cali Khaliif Galaydh.