Araweelo News Network

wasiiradadibaddamasariyosomalilandQaahira (ANN)- Dawladaha Somaliland iyo Masar, ayaa yeeshay wadahadallo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya labada dal, iyadoo sidoo kale ay kala saxeexdeen heshiisyo khuseeya dhinaca waxbarashada.
Sida ay faafisey Wakaaladda Wararka ee Bariga Dhexe ee MENA (Middle East News Agency) oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Mr.Sameh Shoukry oo kulan kula yeeshay magaalada Qaahira dhiggiisa Somaliland Dr. Sacad Cali Shire maalintii Axadda, ayaa sheegay in dalkiisu sare u qaadayo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay la leeyihiin Somaliland.
“Sida uu xaqiijiyey afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar Mr. Ahmed Abu Zeid, Wasiirka Khaarajiga Somaliland, ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkiisa Masar ay la xidhiidho sidii sare loogu qaadi lahaa xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Masar. Waxa kaloo Wasiir Sacad Cali Shire tilmaamay inay heshiis la saxeexdeen Wasiirka Waxbarashada Masar, kaasoo khuseeya in la kordhiyo macallimiinta Masaarida ee wax ka dhiga dugsiyada dawliga ah ee Somaliland oo tiradoodu hadda tahay 50 macallin, laguna kordhiyo tiro kale oo intaas le’eg si ay u noqdaan 100 macallin, halka sidoo kale lagu heshiiyey in 50 arday oo reer Somaliland ay deeq waxbarasho (Scholarship) ku qaataan dalka Masar sannad walba,” ayaa lagu yidhi warka wakaaladda wararka ee MENA.

Waxa kale oo ay wasiirrada Khaarajiga Somaliland iyo Masar ka wadahadleen sidii labada dal isaga kaashan lahaayeen arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhinacyada caafimaadka, ganacsiga iyo dhaqanka.
Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, ayaa sheegay wasiirkooda Khaarajigu bogaadiyey xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland, isagoo sidoo kale caddeeyey in dawladda Masar ay u bogtay dedaalka Somaliland ka samaysay dhinacyada deganaanshaha iyo horumarka.
Dhinaca kale, telefishanka ON TV ee dalka Masar, ayaa baahiyey war ay ka diyaariyeen kulanka dhexmaray Wasiirrada Arrimaha Dibadda Masar iyo Somaliland, isagoo Wasiir Sacad Cali Shire kulankaas kaga hadlay sooyaalka taariikheed ee Somaliland soo martay iyo guulaha ay ku tallaabsadeen ee dhinacyada nabadgelyada, dib-u-heshiisiinta iyo qorshayaasha horumarinta qaranka.
Waxa kale oo Wasiirka Khaarajiga Somaliland dib u xasuusiyey wasiirka dhiggiisa ee Masar xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal oo soo taxnaa ilaa waqtigii ay dhulka Masaarida ka talin jirtay boqoraddii Xiibsadshuud (Queen Hepsetshut oo xukunka qabatay 1478 ka hor dhalashadii Nebi Ciise-CS), xidhiidhkaas oo uu xusay inuu tixgelin u noqdo iskaashi diblomaasiyadeed oo hadda dhexmara Somaliland iyo Masar.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Mr. Mr.Sameh Shoukry, ayaa isna kulankaas ka sheegay in dawladdiisu kor u qaadi doonto xidhiidhka dhinaca diblomaasiyadeed ee ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland.