Casuumaddaha Aan Midha-dhalin Ee Hogaamiyaha Mucaaradka Ee Kenya Mr., Odinga Iyo Somaliland
Warbixin: By. Carraale M. Jama
Araweelo News Network
odingaiyosacadHargeysa (ANN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan martiqaad u fidinayaan Ra’iisal-wasaarihii hore ee dalka Kenya Mr. Raila Odinga oo si cad fagaare uga sheegay in Somaliland tahay dal buuxa oo xaq u leh in la aqoonsado.
Ra’iisal-wasaarihii hore ee Kenya Mr. Raila Odinga, haddana ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ugu wayn dalkaasi ee loo soo gaabiyo ODM, ayaa khudbad uu ka jeediyey kulan lagaga hadlayey dimuqraadiyadda iyo horumarka Afrika oo lagu qabtay mac-hadka caalamiga ah ee lagu falanqeeyo siyaasadda ee magaciisu yahay Chatham House oo ku yaal magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxa uu sheegay in Somaliland tahay dal buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa oo xaq ugu leh beesha caalamka inay aqoonsato, isla markaana ay ka jirto dimuqraadiyad inta badan aan ka hano-qaadin qaaradda, sidaas darteedna uu isagu u yahay taageero wayn.
Haddaba, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo warbaahinta qaarkeed u warramay shalay, ayaa soo dhaweeyey hadalka Ra’iisal-wasaaraha hore ee Kenya, waxaannu xusay inay la xidhiidhayaan si ay ugu martiqaadaan Somaliland.
“Ra’iisal-wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga arrintaa wuu asiibay oo xaq buu ku hadlay, in la ina ictiraafaa waa wax aynu xaq u leenahay, waayo waynu buuxinay shuruudihii la inooga baahnaa oo dhan, runta fanto maaha, in la isku ceebsadana maaha, ciddii ku ceebsataana way khaldantahay,” ayuu yidhi Dr. Sacad, waxaannu intaa ku daray, “Waanu soo dhawaynaynaa, waanuna uga mahadcelinaynaa, waanu la xidhiidhaynaa, waanu u mahadcelinaynaa, waanuna martiqaadaynaa.”
Waxa kaloo uu ugu baaqay beesha caalamka inay ku daydaan siyaasiyan reer Kenya oo ay ka badheedhaan xuquuqda Jamhuuriyadda Somaliland leedahay, waxaannu yidhi, “Dawladda Kenya iyo dawladaha kalena waxaannu jecelnahay inay sidaas oo kale ugu dhawaaqaan in Somaliland xaq iyo garba u leedahay in la ictiraafo. Somaliland inay tahay waddan jira oo soo jiri jiray ee aanay ahayn gobol ka go’aya waddan way u caddahay oo way ictiraafsan yihiin, iminkaba sidii waddan baa la inoola dhaqmaa, waxa keliya ee inoo hadhay waxa weeye in madaxbannaanideeda la aqoonsado iyo in aynu fadhiisanno kuraastii aynu xaqa u lahayn ee AU-da iyo UN-ta, taana rajo wayn baanu ka qabnaa Insha Allaah waanu dadaali doonaa.” Ayuu yidhi Wasiir Sacad.
Hase yeeshee marar baddan oo hore ayaa la maqlay in xukuumadda Somaliland martiqaad u fidisay Mr Odinga, iyadoo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sheegtay in Raysal wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga booqasho ku imanayo Somaliland Oct, 2010. Sida uu xiliggaa xaqiijiyay Ilyaas Barre Shiil oo ahaa xiligaa u qaybsanaha Ra’iisal wasaaraha Kenya ee arrimaha Somaliland iyo Somalia.
Sidoo kale Ra’iisal wasaarihii hore ee Dalka Kenya, Raila Odinga, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay horaantii June 2012 , laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Somaliland oo safar shaqo u joogay halkaa. xubnaha wefdiga oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda, Xirsi Cali X. Xasan, kuwaas oo iyaguna xiligaa sheegay in Odinga oo waqtigaa ahaa Ra’iisal wasaare Odinga booqasho ku imanayo Somaliland, waxayna markan noqonaysaa markii sadexaad ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo laga maqlo sheekooyinka noocaas ah, sida laga soo xigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo fagaare ka sheegay arrintaa, iyadoo Mr Odinga waqtigan aanu ahayn Ra’iisal wasaaraha Kenya, balse uu hoggaamiyo Xisbiga Mucaaradka ugu weyn. Sidaa awgeed waxa su’aasha lays weydiinayaa tahay casuumadaha aan midha dhalin ee soo noq-noqday ma kuwo faal qabtay ayaa mise waa sheekooyin iyo filimo aanay ka madhnayn maaweelo, waxaynu jawaabta su’aashaa ku ogaanaynaa halka ay casuumada Odinga ku danbayso inay noqoto mid midha dhasha, ama aan waxba ka duwanayan sheekooyinka casuumadaha iyo martiqaadkii hore aynu marar baddan u maqlay.

Safiirkaii hore ee Somaliland u joogay  Kenya Maxamed Jaamac Sifir, Wasiirkii hore ee  Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda, Xirsi Cali X. Xasan iyo Ra’iisal-wasaarihii hore ee Kenya Mr. Raila Odinga. Photo file By. Araweelonews.com

Safiirkaii hore ee Somaliland u joogay Kenya Maxamed Jaamac Sifir, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda, Xirsi Cali X. Xasan iyo Ra’iisal-wasaarihii hore ee Kenya Mr. Raila Odinga. Photo file By. Araweelonews.com


Halkan ka akhri faallo Afar sanadood ka hor uu qoray Carraale M. Jama Thursday, 07 June 2012, oo ciwaankeedu ahaa, “Booqashooyinka Iyo Casuumadaha Aan Midha-dhalin EeHogaamiyayaasha Somaliland Iyo Kenya”