Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Mon, Feb 24th, 2020

#Coronavirus Oo Isaga Gudbay Qaaradaha, Xukuumadda Iraan Oo Shaacisay Tirada Dadka U Dhintay, Dalalka Gacanka Iyo Afrika Ee Lagu Arkay

Warbixin: by Carraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist

Tehran(ANN)-#Coronavirus, ayaa isaga gudbay dacalada dunida, Xukuumadda Dalka Iraan, ayaa shaacisay tirada dadka ilaa hadda ku dhintay dalkeeda ee uu haleelay Cudurka Coronavirus, Wasaaradda caafimaadka ee Iiraan ayaa sheegtay in tirada dhimashada cudurka coronavirus ee ka dhacday dalka ay gaadhay 12 qof, halka tirada la xaqiijiyey in cudurka haleelay gaadhayaan 64.


Afhayeenka wasaaradda Iraj Harirchi ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu Tehran ku qabtay Isniintii isaga iyo Ali Rabiei, oo ah afhayeenka xukuumadda Iraan.

Harirchi wuxuu beeniyay tirada dhimashada ee Xildhibaan matalaya deegaanka Qom ka sheegay Baarlamaanka dhexdiisa, isagoo ku sheegay inay dadka dhintay gaadhayaan 50, Magaalada Qom, ayaa ah meeshii kiiskii ugu horreeyay ee dhimashada fayraska lagu arkay.


“Haddii la xaqiijiyo in xitaa nus ka mid ah tiradani ay run tahay, waan iska casili doonaa,” ayuu yidhi, Iraj Harirchi, Afhayeenka wasaaradda Caafimaadka Iraan.

Sarkaalka wasaaradda Caafimaadka, ayaa ku booriyay Jamhuuriyadda Islaamiga ah sidii looga hortegi lahaa dhibaatada. ayuu yidhi, wuxuu sheegay inay bilaabeen wacyigelinta qaabka loo kala qaadayo Cudurka iyo taxadirka loo baahanyhay ee lagama maarmaanka ah ka dib markii uu cudurku ka dillaacay dalka Shiinaha.


“Xilligan, xaaladdu waxay ku dhowdahay inay xasiliso waddanka, waxaanan ku guuleysanay inaan yarayno dhibaatada illaa inta ugu yar,” ayuu yidhi, Harirchi.

Tirada dhimashada ee ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan waxay muujinaysaa korodhka tirada dhimashada oo ahaa sideed qof oo la sheegay Axadii.

Afhayeenka wasaaradda ayaa sheegay in gobolka Gilan ee waqooyiga Iraan ay ka dhacday tirada ugu badan ee cudurrada ka dib magaalada Qom.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sarkaalka u hadlay Wasaaradda Caafimaadka Iraan si cad meesha uga saaray suuragalnimada “xannibaaddu” inay tahay tallaabo lagaga hortegayo cudurka dillaaca, isagoo sheegay in cabirku yahay mid ku habboon duruufaha dagaalkii labaad ee Adduunka ka dib, sidaa awgeed loo isticmaali doono sida xakamaynta daacuunka.
Balse waxa uu sheegay inay kasoo horjeedaan xaannibaada “Qufulka ayaa leh natiijooyin. Waana kasoo horjeednaa,” ayuu yidhi, isagoo u jeeda qaar ka mid ah Dalalka Aduunka oo xayiray safarada dadkoodu ku tagaan Dalka Iraan iyo kuwa ka imanaya.


Harirchi wuxuu canaantay waddamada qaarkood inay diidaan inay si hufan uga hadlaan tirada dhimashada ee fayraska. Kuwaas oo ay ka mi yihiin dalalka dariska kala ah Iraan dhanka Koonfureed, halkaas oo warbixinnada aan rasmiga ahayn ay tilmaamayaan inay Cudurka ugu dhinteen dalka Iraan 18, laakiin ma jiraan caddaymo rasmi ah oo la soo bandhigay, ayuu yidhi, ka hor inta aan la sheegin.


Dalalka Turkiga, Pakistan aiyo Armenia, ayaa gebi ahaanba xidhay xuduudaha ay wadaagaan dalka Iraan, kadib markii ay Xukuumadda Tehran xaqiijisay dhimashada dadka la xaqiijiyay inay u dhinteen Cudurka Coronavirus.


Cudurka Coronavirus, ayaa ka bilaabatay magaalada Wuhan ee bdhrtamaha Shiinaha bishii Diseembar. Tirakoobyadii ugu dambeeyay ee ay soo saartay Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa muujinaya inay ku dhinteen in kabadan 2,627 gudaha Shiinaha, halkaasoo in kabadan 79,737 qof oo uu haleelay Cudurka, kuwaas oo lala tacaalayo caafimaadkooda, 25,285 ka mid ah ay kasoo kabteen Cudurka Coronavirus.


Fayriska Cudurka Coronavirus, ayaa markaa kadib u talaabay Yurub iyo Aasiya, waxaana dalka Talyaaniga lagu arkay cudurkaa oo galaaftay, waxaana xuukamadda Talyaanigu ay sheegtay inay Cudurkaa u dhinteen ilaa 50 qof, waxaana la karantiimeeyay deegaamada lagu arkay Cudurka.

Qiyaastii 50,000 oo ka mid ah dadka ku nool magaalooyinka ay xayiraada saartay Xukuumadda Talyaaniga, ayaa lagu war geliyay inay joogaan guryahooda oo ay ka fogaadaan xidhiidha ay la samaynayaan Bulshada, sidoo kale, waxa la joojiyay Iskuullada, dukaammada iyo ganacsiyada – marka laga reebo xarumaha Caafimaadka. waxaana sidoo kale la xayiray xaflado iyo munaasabado dhanka Ciyaaraha oo si wey Dalka Talyaaniga looga xiiseeyo, Ciyaaraha kubadda Cagta ee Serie A, ayaa la hakiyay labadii maalmood ee u danbeeyay.


Xukuumadda Talyaaniga, ayaa si weyn uga wer-wersan dhibaatada soo food saartay, waxayna si weyn uga cabsi qabaan saamaynta ay arrintan ku yeelanay dhaaalaha dalka oo awalba aan wanaagsanayn.


Dhinaca kale, dalalka South Korea, ayaa xaqiijiyay in tiro gaadhay 833 qof lagu arkay Cudurka, kuwaas oo 7 ka mid ah ay u dhinteen, sidoo kale, dalalka Afghanistan, Kuwait, Iraq iyo Bahrain, ayaa la xaqiijiyay in lagu arkay Cudurka Coronavirus, halka dhanka Qaarada Afrika 14 February lagu arkay dalka Masar.


Sidoo kale Dalka Ethiopia, ayaa lagu arkay Cudurka Coronavirus, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka oo sheeacisay horaantii bishan February in 29-ka qof oo cudurka looga shakiyay lasoo gaadhsiiyay xarunta caafimaadka, kuwaas sida ay Wasaradda Caafimaadku sheegtay dabagal iyo hubin dheeraad ah lagu sameeyay, kuwaas oo 14 ka mid ahaa tirada lasoo gaadhsiiyay xarunta laga helay calaamado muujinaya inay qabaan cudurka #Coronavirus. balse warka Wasaradda Caafimaadka, waxay xustay in dadkaa lagu karantiimeeyay meel gar ah, si loola socdo xaalladooda, ilaa inta si rasmi ah loo oggaanayo inay cudurkaasi qabaan iyo in kale.


Diyaaradaha Dalka Ethiopia, ayaa diiday inay joojiyaan duulimaadyada dalka China, markii uu ka dilaacay Cudurkan.


Wasaaradda Caafimaadka ee Ethiopia, waxay xilligaa sheegtay in dheecaano laga qaaday dadkaa loo diray dalka oo Koonfur Afrika, si baadhitaan dheeraad ah loogu smaeeyo, isla markaana natiijada baadhitanaada danbe ayaa jawaabtooda lagu oggaaday 8 ka mid ah ay cudurka ka bad qabaan, halka 3-da qof ee soo hadhay natiijada baadhitaankooda weli laga sugayo sheybaadhka loo diray ee Dalka Koonfur Afrika.

AKHRI: #Coronavirus Ku Dhowaad 30 qof Oo Looga Shakiyay Cudurkaa
Dalalka Sudan, Angola, Tanzania, Ghana iyo Kenya, ayaa la xaqiijiyay inay khatar ugu jiraan Cudurkaa, marka loo eego daryeelka Caafimaadka oo awlaba aad u liitay iyo qalabka lagu ogaankaro oo aan lagu kalsoonaan karin, Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee (WHO), waxay sidoo kale sheegtay in 13 dal oo Afrika ah ay daaqayaan halis Caafimaad, kuwaas oo si weyn looga baqayo inuu ku faafo cudurka, waxayna arrintaa sabab u dhigtay WHO, xidhiidhka iyo isu socodka weli u dhexeeya dalalkaa iyo China, kuwaas oo aan muujin wax taxadar ah tan iyo markii sida loogu arkay Coronavirus dalka China oo xidhiidh ganacsi oo weyn la leh qaarada Afrika.


Cudurka oo hada isaga gudbay qaaradaha, ayaa muuqda helis weyn oo dunidu ku firdhay, wuxuuna fayriska Coronavirus, durba kala qoqobay xidhiidhka iyo macaamilka dunida, isla markaana, wuxuu sababay inay dalalka qaarkood mamnuucaan safarada dadka ka imanaya dalalka lagu arkay iyo kuwa doonaya inay u sadcaalaan.

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp