Khubarada Cuba iyo China ayaa Xaqiijiyay Dawada Coronavirus, waxayna labaduba noqdeen gurmadka ugu weyn xaaladda Cotonavirus

Havana (ANN) -Dalka Cuba waxa laga joojiyay cunaqabateyntii Maraykanka ee dul saarneyd muddo ka badan nus qarni, Cuba waxay abaabushay xilligan xarumo caafimaad oo ay ku leedahay adduunka si ay ugu qeybiso daawo yaab leh oo ay dunida gaadhsiisay, si loogula tacaalo cudurka Cronavirus ee COVID-19.

Daawadan, oo lagu magacaabo Interferon Alpha-2B Recombinant (IFNrec), ayaa waxaa si wada jir ah u soo saaray aqoonyahano ka kala socda Cuba iyo Shiinaha, warbixinta oo lagu daabacay Newsweek oo ah Majalada caalamiga ah ee Maraykanka, ayaa lagu sheegay in Cuba awood leedahay soo saarista dawooyinka oo ay horre a ugu guulaystay Inay samayso Dawooyin wax ka taray cuduro dunidu u caalweyday.

Cuba ,waxay horre a uga hawlgashay Shiinaha ilaa January 2020 ‘ waxayna Guutooyinka Caafimaadka ee Cuba bilaabeen inay u daadgureeyaan tobaneeyo quruumood, iyagoo u fidinaya caawimooyin iyo gargaar shaqaale iyo badeecooyin ay ka mid yihiin Daawada cusub ee ka hortagga Fayriska COVID-19’ si loola dagaallamo cudurka oo haleelay in ka badan 400,000, kuwaas oo ah kiisaska la xaqiijiyay ee adduunka oo dhan.

Sidoo kale, Cuba ayaa markii ugu horraysay isticmaashay farsamooyin horumarsan oo lagu yaqaan, kuwaas oo ay u isticmaashay xannuunkii Sannadkii 1980, kaas oo loo buxiyay Dengue fever, waxayna Isla xiligaa heshay dawooyinka lagula dagaalamo HIV/ADIS, Hepatitis B, Hepatitis C, iyo xannuuna kale oo ay si weyn gacan uga geystay, ayaa lagu yidhi, Warbixinta laga soo sheegay Cuba ee xanbaarsan rajada iyo yididiilada.

Daawadan, oo lagu magacaabo Interferon Alpha-2B (IFNrec)‘ waxay ka hortegaysaa Xumadda iyo dhibaatooyinka ka dhasha ee sababa inay bukaanka gaadhsiiyaan heerkaas oo ugu danbaynta sababi kara dhimasho, sidaa waxa yidhi, Dr. Luis Herrera oo ah Khabiirka cilmiga farsamada ee Cuba Luis Herrera Martinez, wuxuu sidaa ku sheegay muuqaal dhowaan la soo saaray oo kasoo baxay Jaamacadda Yale University .

Warbixintaa oo sidoo kale, lagu daabacay barta internetka ee Jaamacadda Glasgow, ku shaacisay Haweenayda Helen Yaffe, oo xaqiijisay inay oggaatay ugu yaraan 15 dal oo la soo xidhiidhay Cuba si ay u weydiistaan dawadaa, kuwaas oo ay “badhasaabyada maxalliga ah iyo agaasimayaasha cisbitalka kuwaas oo ka walaacsan inuu soo gaadho Fayriska Coronavirus.

Interferon Alpha-2B , looma aqoonsan inay dawayso, Covid-19, laakiin waxaa la caddeeyay inay waxtar u leedahay Fayrisyo la mid ah, warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in dawadan waxa loo xushay ay tahay, iyadoo ay la socdaan 30 daawooyin kale oo lagu daaweynayo Covid-19 oo ay soo saareen Guddiga Caafimaadka Qaranka Shiinaha.

Ururka Caafimaadka Adduunku wuxuu baadhi doonaa interferon-beta, oo ay weheliso saddex daawo oo kale, si loo aamino waxtarkooda ka dhanka ah cudurka Cironavirus, isla markaana loo xaqiijiyo, ayaa lagu sheegay warbixinta.

Cuba himilooyinkeeda ku waajahan la-dagaallanka faafitaanka khatarta Cudurka COVID-19, waa la horjoogsaday, si kastaba ha ahaatee, sannado badan cunaqabatayntii Maraykanka, ayaa sarkaal u dhashay Cuba u sheegay Newsweek “caqabadda ugu weyn ee ma ahan oo keliya in laga jawaabo dhibaatooyinka waaweyn ee caafimaad sida Covid-19, laakiin waa caqabadda ugu weyn ee horumarka dalka oo laga sameeyo dhinac walba.

“Qaadista xanibaada, ama xiyaarada ka dhanka ah Cuba waxay ku yeelanaysaa saamayn aan caadi aheyn, Cuba iyo inta badan waaxda caafimaadka, oo ahayd mid ka mid ah goobihii ay waxyeelladu ka soo gaadhay tan iyo markii la saaray xannibaadda ku dhawaad 60 sano ka hor, iyada oo in kabadan 3 bilyan oo khasaaro dhaqaale ah gashay, ” ayuu raaciyay Sarkaalka uu soo xigtay Newsweek.

In kasta oo xannibaaddaas la joojiyey, dhakhaatiirta Cuba waxay ka shaqeeyaan 59 waddan oo adduunka ah, 37 ka mid ahna waxay xaqiijiyeen kiisaska Covid-19, ”ayuu sarkaal Cuba u sheegay Newsweek.

Wadamadan waxaa kamid ah Latin America iyo Caribbean-ka sida Grenada, Jamaica, Nicaragua, Suriname iyo Venezuela, laakiin sidoo kale Talyaaniga, oo markhaati ka ah cudurka dilaaga ah ee ‘Covid-19’ ilaa iyo hada, ayaa lagu sheegay warbixinta.

Marka guriga la joogo, khibradda Cuba ee Covid-19 ayaa xoogaa dhexdhexaad ah. Wadanka ku dhawaad 11.5 milyan oo qof ayaa ilaa iyo hada la diiwaan galiyay 40 kiis iyo hal dhimasho ah ilaa iyo Talaadadii, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Cuba.