Araweelo News Network

Murrashaxa KULMIYE Muuse Biixi

 

Wajaale (ANN)- Murrashaxa Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa usoo jeediyay Dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia ee xaruntoodu tahay magaalada Jigjiga in ay noqdaan walaalo nolosha wada qaybsada oo ka shaqeeya nabada, isla markana aanu dhibaato ku abuurin xadka isticmaarkii dhigay ee Afrika oo dhammi ku dhibban tahay, balse xuduudku noqdo mid sida Yurub oo kale ah oo horumarka iyo baayac-mushtarka laga wadaago,

Muuse Biixi, wuxuu sidaa ka sheegay khudbad uu maanta u jeediyay Dadweynaha ku dhaqan degmada Tog-wajaale ee Gobolka Gabiley, kuwaas taageero u muuqaal eeg mahrajaan ku soo dhaweeyey  wefti uu hoggaaminayo oo maalmahan socdaal ku maraya gobollada gableed ee dalka.

 

Weftiga Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo isugu jira masuuliyiin sarsare oo xisbiga ah, hoggaanka garabka Haweenka xisbiga, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo saraakiil iyo siyaasiyiin kale u hoyday xalay magaalada Gabiley, ayaa socdaal ku ay ku tageen magaalada Wajaale ee ku taal xuduudka Somaliland iyo Itoobiya kala kulmay soo dhawayn aad u ballaadhan oo shacabka ku dhaqani aanay u kala hadhin rag iyo dumar.

 

 

Boqolaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo si wayn ugu diyaariyey soo dhawaynta weftiga, ayaa masuuliyiinta kaga hortagay dariiqa laamida ah ee dhinaca Bari magaalada Wajaale,  halkaas oo ay ku qaabileen fardo, caleemo-qoyan iyo calanka xisbiga KULMIYE oo ay ku muujinayeen baaxadda taageerada ay u hayaan xisbul-xaakimka, kadibna socod lug ah ugu soo galbiyey gugdaha magaalada oo lagu wareejiyey waddooyinkeeda ilaa fagaaraha khayriyada oo iyadana ay horeba u sii buux-dhaafiyeen kumanaan qof oo taageerayaasha xisbiga ahi, waxaanna halkaasi laga jeediyey khudbado ay madaxdu kula hadleen shacabka.

Maamulka degmada Wajaale ee xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda, cuqaal, salaadiin iyo xubno kale oo waxgaradka deegaanka ka tirsan oo halkaasi ka hadlay, ayaa si weyn uga mahadceliyey dadweynaha reer Wajaale sida diiran ee ay u soo dhawaysay weftiga KULMIYE, waxaanay sheegeen in shacabka degmadu taageero buuxda u hayaan xisbiga iyo xukuumaddiisa, isla markaana dhammaantood diyaar u yihiin inay codkooda la garab galaan murrashaxiinta xisbiga.

Guddoomiyaha Garabka Haweenka heer Qaran ee xisbiga KULMIYE marwo Canab Cumar Ileeye, ayaa shacabka degmada Wajaale kula dardaarantay inay murrashaxiinta KULMIYE ku qiimeeyaan kartidooda iyo waxqabadka xukuumadda KULMIYE dalka ka hirgelisay muddadii ay talada haysay.

Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse iyo weliba siyaasiyiinta kala ah; Cabdicasiis Maxamed Samaale, Axmed Muumin Seed, Ambassador Axmed Xasan Cigaal iyo Abiib Xasan Filfil, ayaa iyaguna u mahadnaqay dadweynaha soo dhaweynta ay ku qaabileen weftiga oo ay ku tilmaameen mid hiil ah oo ay horeba uga filayeen, isla markaana waxay ku adkeeyeen in taageeradaasi ay si buuxda uga midho-dhaliyaan maalinta codbixinta ee doorashada.

Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Mustafe Faarax Abraar oo isna hadal u jeediyey dadweynaha reer Wajaale, ayaa tilmaamay waxqabadyo kala duwan oo xukuumadda uu ka tirsan yahay ee xisbiga KULMIYE ka hirgelisay degaannada magaalo-xuduudeedda Tog-wajaale ee Gobolka Gabilay iyo guud ahaan dalka.

“Waxaan mahad weyn u soo jeedinayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmada Wajaale sida ballaadhan ee ay noogu soo baxeen. Walaalayaal, degmada Wajaale waa xaruntii ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland, waa xaruntii wax-soo-saarka beeraha oo waxay qaranka ugu fadhidaa ahmiyad weyn. Su’aashu waxa weeye, maxaa xisbgiga KULMIYE labadii xisbi qaran ee kale ay Reer Wajaale uga doorteen? Waa laba qodob uun:

Qodobka koowaad waxa weeye, xisbiga KULMIYE waxa uu iibinayaa waxqabadkiisii oo ay kaw ka tahay; bari iyo galbeed, waddada Wajaale iyo Kalabaydh, Dila ilaa Boorama, Ceerigaabo ilaa Burco, intii uu waxqabad qabtay ayuu iibinayaa.

Qodobka labaad, KULMIYE waxa ka sharraxan mujaahidkeenii weynaa oo dalkan iyo dadkanba ku leh xaq weyn, oo dib-u-dhiskii iyo qarankan hadday noqoto wax-u-taray, waa Muuse Biixi Cabdi ee xisbiga ka sharraxan oo aynu dooranaynaa.”

“Walaalayaal, waxaan mar labaad iyo mar saddexaad idiinka mahad-celinayaa sida ballaadhan ee aad xisbiga ugu soo baxdeen weftiga ballaadhan ee uu hoggaaminayo murrashaxa Muuse Biixi Cabdi, haddii aad codkiina na siisaan oo aad doorataan, waxaad ku maydhan doontaan labada gacmood, waxqabadka inta hadhayna xisbiga KULMIYE wuu dhammeyn doona,a biyihiina wuu soo gelin doonaa,” ayuu yidhi Wasiir Abraar.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad miisaan leh u jeediyey shacabka degmada Wajaale ee sida weyn u soo dhaweeyey, ayaa ku boorriyey inay muhiimad gaar ah siiyaan wadajirka iyo wax wada lahaansha guud ee Somaliland, waxaannu sharraxay qoddobada aasaasiga ah ee xisbiga KULMIYE tiir-dhexaadka u ah, kuwaas oo salka ku haya sidii horumarka dalka looga wada shaqayn lahaa.

“Haddii aynu xisbiga KULMIYE ku bahownay bariga ilaa galbeedka Somaliland, waxa aynu ku hammiyeynaa oo aynu xisbiga isugu nimi inaynu dalkeena horumarino oo aynu dadkeena u fikirno oo aynu u habayno nolosha ay maanta ku jiraan mid ka wanaagsan oo aynu kor u qaadno Diinteena Islaamka ah, saddexdaas qodob baana inoo aasaas ah, waana inaynu dalkeena mustaqbalkiisa ku fikirnaa, haddii aad maanta shaqo la’dahayna ku shaqee mushahar la’aan si uu ubadkaagu dhakhtar u helo, haddii aad shaqo la’dahay ka shaqee waddada si uu ubadkaagu waddo u helo oo waxaad ka fikirtaa dhibaatada ku haysataa in aanay ubadkaaga ku dhicin, waana sida qaranku hore ugu maro,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kaloo uu murrashaxa KULMIYE intaas ku daray; “Ku horumarimayno hay’aduhu hanna caawiyaan oo hannala taageero. 26 sanno ayeynu taas ku soo jirnay, meelna kumaynu gaadhin oo Ilaahay baynu isku xidhaynaa, innaguna waynu tashanaynaa rag iyo dumar, dalkeenana innagaa dhisanayna.”

Murrashax Muuse Biixi, ayaa ka hadlay xidhiidhka toolmoon ee u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya, waxaannu sheegay in loo baahan yahay sidii uu xidhiidhkaasi u noqon lahaa mid labada dhinac ka wada faa’iidaystaan.

“Dawladda Itoobiya ee aynu jaarka nahay waxaynu u haynaa nabad, saaxiibtinimo wanaagsan, is-kaashi iyo inaynu noqonno walaalo wadajira oo wax wada qabsada, gaar ahaan Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo xaruntoodu tahay magaalada Jigjiga, dadka ku noolna waxaannu jecelnahay in aynu noqonno walaalo nolosha wada qaybsada, nabadna ku wada noolaada oo aannu dhibaato ku abuurin xadka isticmaarkii dhigay oo Afrika oo dhammi ku dhibban tahay, waxaannu leenahay waa inay xuduudaheenu noqdaan qaar sida Yurub oo kale ah oo horumarka iyo baayac-mushtarka laga wadaago,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

“Dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia Waxaan Leenahay Waa In Xuduudaheenu Noqdaan Qaar Sida Yurub Ee Aanay Noqon Kuwo Dhibaato Abuura…”Murrashaxa KULMIYE

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey heshiiska laga gaadhay utuntii u dhaxaysay beelaha walaalaha ee ku dhaqan degmada Ceel Af-weyn ee gobolka Sanaag, waxaannu sheegay in arrintaasi tahay tallaabo hore loo qaaday.