Araweelo News Network

 

Hargeysa (ANN)- Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa fariimo kala duwan u diray bulshada Caasimadda, wuxuuna ku hanjabay inay maxkamad saari doonaan cid kasta oo waxyeello u geysata jidadka casriga ah ee dawladda hoose ka hirgelinayso gudaha caasimadda Somaliland.

Maayar Soltelco, wuxuu sidoo kale fariin kale u diray bulshada, isagoo ugu baaqay in ay cashuurta bixiyaan shacabka caasimadda  si ay u helaan waddooyin fiican iyo adeegyada arrimaha bulshada oo horumarsan, wuxuuna arrimahaa ka hadlay mar uu maanta   kormeeray waddada labaad ee magaalada Hargeysa oo uu ka socdo dhisme lagu casriyeynayo.

 

Mar uu ka hadlayay hawsha ka socota wadooyinka, wuxuu sheegay  in aanay shaqaalaha waddooyinka cusub samaynayaa weli qaadan mushaharooyinka bishii la soo dhaafay ee August, sidoo kale waqtiyada ay waddooyinka samaynayaan dadweynaha kala kulmaan tacadiyo kala duwan.
“Weli waxa inoo socda mashruucii lagu dhisayey waddada labaad ee Hargeysa iyo jidadka yaryar ee waddada weyn isku xidhaya, iyadoo maalinba maalinta ka dambaysa ku soo dhowaanayno suuqii dhexe. Waddada Cusbitaalka Guud daba marta ee hadda aannu dhismaheeda wadno waddo hal bawlo ah oo isku xidha dhinaca Idaacadda, dhinaca suuqa iyo Baar Hargeysa ilaa Shacabka,” ayuu yidhi Maayirka Hargeysa.

Waxaannu intaas raaciyey; “Dadweynaha maanta farriin baan ugu dirayaa idinka oo cashuurtii bixin awaadeed shaqaalaha shaqaynayaa laba bilood ayeyna qaadan mushahar, iyagoo taas leh in tacadi lagu sameeyo oo baabuurtu ka istaagi waayaan waa arrin khalad ah. Waxaan leeyahay dadweynaha, qof kasta oo ku sameeya waddadaas tacadi maaxkamad ayaannu la tiigsanaynaa; haddii noqdo qof biyo ku shubo, haddii qof gaadhi wataa iyadoo laga shaqaynayo isku soo qaado iyo cid walba oo dhibaato u geysta.”

“Waxaan leeyahay shacabka caasimadda cashuurta la bixiyo qof kastow is-xisaabi waddooyin fiican baad doonaysaa, inaad si fiican u socoto ayaad doonaysaa, sariibad fiican baad rabtaa, biyo ayaad doonaysaa, markaa isweydii cashuurtii yarayd ee dawladddu kugu lahayd ma bixisay mise maad bixin?” ayuu yidhi Maayar Soltelco oo ku hanjabay inay maxkamad saari doonaan cid kasta oo waxyeello u geysata jidadka casriga ah ee caasimadda.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Injineerka Guud ee Warshadda Dhismaha Waddooyinka Dawladda Hoose ee Hargeysa Eng. Axmed-baashe Maxamed Maxamuud, isaga oo dadweynaha u soo jeediyey inay dulqaadaan muddada gaaban ee ay wadaan casriyeynta jidadka caasimadda.

“Waxaannu wadnaa waddada labaad ee caasimadda Hargeysa. Waxaan dadweynaha leenahay inta waddaada samaynayo ha la noo dulqaato inta aannu waddada ku jirno waa muddo kooban, waxaanuna shaqada wadnaa waa gelin kaliya, markaa waxaannu leenahay gelinkaas ha la noo dulqaato. Haddii la isku dulqaadan waayo waxba kala socon maayaan. Inta badan dadweynuhu waxay nagu canaantaan maxaad habeenkii uga shaqayn waydaan? Habeenkii way dhibaato badan tahay. Mar baannu isku daynay inaannu habeenkii ka shaqaynno. Habeenkii aannu ka shaqaynay waxaannu ku aragnay dhibaato oo waddadii iskuma sinnaanayso, waayo waa habeennimo, sidaa darteed waannu joojinnay in aanu habeen ka shaqaynno. Meelaha qaar bay bood-bood lahayd, marka sidaas ayaanu habeen uga daynay, waxaannu samaynaynaana waa galin keliya uun,” ayuu yidhi Eng. Axmed-baashe.