Araweelo News Network

 

LaTaliyaha Arimaha Dibada ee xisbiga Waddani, Marwo Faadumo Siciid Ibraahim

Hargeysa(ANN)- La-Taliyaha Arimaha Dibada ee xisbiga Waddani, Marwo Faadumo Siciid Ibraahim,  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warar been abuur ah oo ay baahiyeen Xukuumada Kulmiye oo sheegay in Faadumo Siciid ka baxayso xisbiga Waddani.

Marwo Faadumo Siciid waxa ay sheegtay in xiligii doorashada ay ka hadhay lixdan maalmood oo kaliya, sidaa awgeed aannay  jirin sabab ay uga tagto xisbiga Waddani oo ay ka tirsan tahay, iyadoo sheegtay in wararkaasina yihiin kuwo riqiis ah oo ay baahiyeen Warbaahinta Kulmiye.

Marwo Faadumo Siciid oo u waramaysay maanta qaar ka mid ah Warbaahinta maxaliga ah,  waxa kale oo ay ka hadashay xaalada sicir-bararka, Dekedda Berbera iyo arrimo kale, iyadoo  dhaliilo u jeedisay Wasaarada Maaliyada, waxayna sheegtay in Wasaaradaasi aanu joogeen xiligan qof damiir lihi oo uu iscasili lahaa kadib markii ay ku fashilantay inay wax qabto sicir-bararka oo gadhay halkii u saraysay, waxayna tilmaantay in halkii dollar uu maanta marayo toban kun oo shilinka Somaliland ah.

Lataliyaha Arrimaha dibada ee xisbiga Waddani, Marwo Faadumo Siciid oo arrimahaa ka hadlaysa waxa ay tidhi, “Walaahi Wasaaradaasi Maaliyada Qof Damiir Lihi wuu is-casili lahaa, Samsam waa inan inaadeertay ah, waa inan aanu saaxiib ahayn, laakiin marka aad shaqada ka soo bixi kari waydid naftaada runtaa loo sheegaa, dabadeed waxa la doonaa in qof kale oo shaqadii qaban karaya, wakhtigaas oo kale waa laga degaa kursiga oo waxa la yidhaa qof aniga igu dhaama bal inuu yimaado, laakiin may noqon dee waxa weeyaan uun sicir-bararku ha iska sii socdo, Ilaa dawlad cusub oo hagaagsan oo u tudhaysa dadkeeda ay timaado.

Halkee lagu arkay halkii dollar oo maraaya toban kun oo Shilling, macquul maaha, markaa waxa weeyaan waa lagu fashilmay, runtiina waa la soo dajin kari waayey, hadii la soo dajin kari lahaana waa la soo dajin lahaa, hadaanad waxaa khibrad u lahayna waxa la keenaa qof kale oo waxaa khibrad u leh, xataa hadii aad si kale u garan waydid qof international ah ayaa dibada laga keensadaa, markaa waxa weeyaan talada waa la badiyaa. Xataa hadaad wax kale garan waydid mucaaridku waa qof reer Somalilander ah oo waxa la yidhaahdaa waar heedhe dadkii way bakhtiyayaane maxaynu samaynaa.

Maantana iyadoo wasaaradii maaliyadu ay halkaa marayso ayay hadana leedahay cashuur kale ayaan dhakada ka sii saarayaa, dee taasi waxa weeyi dadkii way dhinteen laakiin waanu sii aasaynaa, si malaha labadaa bilood ee doorashada ka hadhay aan meesha cidba loogu iman.

Markaa dawladda maanta joogta ee Kulmiye waa mid ma naxdo ah oo xurmo daran, waxa weeye dadkeeda umma tudho oo umma tudhayso, waxa mid aan waligeen iyo abidkeen aan ina soo marin.” ayay tidhi Faadumo Siciid Ibraahim oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Waddani.

“Muuse waa nin inaadeerkay oo qiimo farabadan aan u hayo, Cabdiraxmaan Cirro-na waa qof wanaagsan oo aanu is leenahay mashaakilo farabadan muu soo galin, dagaal muu soo galin, markaa waxa laga yaabaa wakhtigan in aynu u baahanahay qof diplomacy-ga yaqaana oo Ambassador soo noqday, qof dibadaha soo maray oo Ambassador u noqon karayaa wadankiisa iyo dalkiisa, markaa waxa weeyaan waa la rogrogaa waligaa meel kaliya uun lama eego, anaguna waxaanu door bidnayba in laynkii qabyaaladaba aannu jabinay oo qabyaalada ka dooranay oo ka jecelaanay qaranimada.

Gobolka Saaxil waa gobolka kaliya ee Somaliland la balanbaliyey runtii, waxa weeye dadkii deganaa cid ala cid wax weydiisay ma jirto, waxa la yidhi DP World marka ay timaado shaqo ayay abuuraysaa, reer Saaxil shaqo ayay badhaadhayaan balse anagu runtaanu ogayn waanu sheegnay oo waxaanu nidhi waxaasi wax ka suurtoobaysaa ma jirto, xaqiiqatana sidii aanu anagu nidhi ayay noqotay.” Ayay tidhi Faadumo Siciid.