Araweelo News Network

Ben Wallace

Ben Wallace

London (ANN)- Dawladda Ingiriiska, ayaa iftiimisay in ururka xagjirka ah ee ISIS ay diyaariyeen weerarro loo adeegsado Sunta Kiimikalka ah oo laga fuliyo gudaha waddanka UK.
Wasiirka Amniga dalka Ingiriiska Ben Wallace, ayaa soo saaray digniin ku wajahan weerarro khatar ah oo ISIS u adeegsato hub sunta kiimikalka ah oo ay ku qaadaan meelo ka mid ah waddanka UK.
Wasiirku waxa uu sheegay in ururka Daacish awood u leeyahay samaysashada hub kiimikal ah, iyagoo hore u sameeyey hawlgallo ay kiimiko u isticmaaleen oo ay ku fuliyeen ciidammo ka mid ah kuwa dagaallada kula jira gudaha dalka Ciraaq, kuwaas oo dhaawacyadii gaadhay lagu arkay in sun ku jirtay hubka lagu weeraray.
“Ma laha dareen u diidaya inay u isticmaalaan hubka Kiimikalka ah dadka, hadday awoodaana way ku samaynayaan sidaas dalkan,” ayuu yidhi Wasiirka Ammaanka UK oo la hadlay wargeyska Sunday Times.
Waxa kaloo uu sheegay in Al-qaacida dib u soo noqotay oo ay yeelatay awood badan oo khatarteedu sii kordhayso, khatarta ugu weyn ee uu wajahayo dalkiisuna tahay weerarrada xagjirka ee dhinaca internetka.
Sidaasi darteedna, waxa uu shacabka dalkiisa ugu baaqay inay foojignaadaan oo ay la socodsiiyaan wixii ay u arkaan dhaqdhaqaaqyo cadow uu ku tilmaamay inay ku jiraan dadka oo ka soo laabtay Bariga Dhexe.
Digniinta argagixiso ee gudaha Ingiriiska ayaa ah mid aad u sarraysa, iyadoo kooxaha Jihaad-doonka ah ee ciidammada sida gaar ah ugu tababaran la-dagaalanka argagixisada Ingiriiska ay u diiwaangashan yihiin ilaa 200 magac oo la rumaysan yahay inay dib ugu soo noqdeen UK si ay weerarro uga fuliyaan.
Ciidammadu waxayka digeen in hawlgalkan ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee gudaha UK si loo ilaaliyo ammaanka dadka uu noqon karo kii ugu muhiimsanaa muddo 75 sanno ah taariikhda dalkan.
Digniintan ayaa soo baxday kadib laba weerar oo laga fuliyey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kuwaas oo ay sheegatay kooxda Daacish, isla markaana sababay in heegan culus la galiyo booliska magaalooyinka guud ahaan qaaradda Yurub.