Araweelo News Network

muuqaalkalahelay
Ankara(ANN)- Xukuumadda Dalka Turkiga, ayaa sheegtay inay aaminsan yihiin in ay garteen qofka uu ahaa ninkii weerarka dhiiga badan ku daatay ee lagu hoobtay ka fuliyay Reina oo ah goob lagu caweynayay oo ku taal Istanbul, kaasoo goobta ku dilay 39 qof, isla marakaana ugu yaraan 69 qof dhaawacay xili ay u dabaaldegayeen sanadka cusub ee 2017.

Saraakiishu, waxay sheegeen in loo maleynayo inuu ka yimi mid ka mid ah dalalka badhtamaha Aasiya, isagoo ay wehliyeen xaaskiisa iyo laba caruur ah oo uu dhalay. Kadibna uu Ninkaasi dalka Turkiga galay bishii November ee sanadkii dhammaaday.

Warbixinta, ayaa sheegay in Ninkaa Qoyskiisa Boolisku marar badan ay xidheen, isla markaana xoggaha iyo macluumaadkan ay heleen Booliska dalka Turkiga oo weli wada howlgal joogto ah tan iyo Isniintii, balse illaa iyo hadda ninkaas aan gacanta lagu dhigin oo baxsad ku jiro.

Hay’addaha amaanka, ayaa markii u horaysay waxay baahiyeen muuqaal uu iska duubay ninka looga shakiyay inuu weerarkaasi qaaday.

Sidoo kale Booliska dalka Turkiga waxay mudadii ay howlgalada ay ku raadinayeen ninkaa xidheen 12 qof, iyadoo weli uu socdo baadidoonka ninkii qaaday weerarkii Istanbul ee 39-ka qof ay ku dhinteen.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Numan Kurtulmus wuxuu sheegay in maamulka ay heleen faraha iyo xoggaha wararka aasaasiga ah ee ku saabsan ninkaasi, wuxuuna wacad ku maray inay si degdeg ah kusoo qaban doonaan.
Qiyaastii illaa 600 oo qof ayaa ku sugnaa goobta weerarku ka dhacay Axadii ee lagu caweeyo oo lagu magcaabo Reina, waxaana masuuliyada weerarkaa sheegtay Ururka la baxay Khilaafada Islaamka.
Mr Kurtulmus wuxuu weriyayaasha la hadlay, waxa uu yidhi, “Xogta ku saabsan ninkan iyo muuqaalkiisa ayaan helnay”.
Mr Kurtulmus wuxuu xaqiijiyay in sideed qof la xidhay, waxaana la arkayay ciidamo gaar ah oo diyaarad ay wehliso oo howlgal ka fulinaya guri ku yaalla degmada Zeytinburnu.
maydadkalooduliyaylubnan
Wararka qaar ayaa sheegaya in Qofka weerarka fuliyay aan weli la qaban, laakiin afar qof oo kale laga qabtay meelo kala duwan, kuwaas oo xabsiga la dhigay.

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa dhinaceeda baahiyay muuqaallo ay ku sheegeen ninka laga shakisan yahay, balse ma cadda xilliga la qaaday iyo goobta uu ku sugnaa.

Warbaahinta dalkaasi qaarkood oo sida ay sheegeen soo xiganaya saraakiisha Booliska, ayaa hore u shaaciyay in ninka uu ka soo jeedo dalalka Uzbekistan ama Kyrgyzstan.
Booliska waxay sidoo kale baadhayaan in weerarkan uu xidhiidh la leeyahay mid ay kooxda Daacish ku qaaday garoonka diyaaradaha ee Ataturk, bishii June ee sanadkii dhammaaday.

Mr. Kurtulmus wuxuu sheegay in weerarka uu “farriin” u ahaa howlgalka Turkiga ee Suuriya, balse aanu saameyn doonin arrimahaa.

Xukuumadda Turkiga ayaa howlgal militari ka wada dalka Suuriya, kaas oo bilowday bishii August 2016, iyadoo ujeedada ugu weyn ee Turkiga tahay in ururka la baxay Khilaafada Islaamka laga fogeeyo nawaaxiga xuduudda Turkiga.
Qaabkii uu Toogashada aan kala sooc lahayn u fuliyay

Ninka ayaa la sheegay inuu rasaasta u ridayay si aan kala sooc lahayn. Waxayna socotay illaa todobo daqiiqo, wuxuu toogashada ku billaabay askartii amniga ee ku sugnaa meesha.

Waxaa lagu warramayaa in markaasi ka dib uu dharka iska badalay, meeshana uu ka baxsaday oo ka faa’idaystay xiligii qalalaasuhu ka taagnaa goobta.
Dadka ugu badan ee meesha lagu dilay waxay ahaayeen ajaaniib, ka soo kala jeeday Israa’iil, Ruushka, Faransiiska, Tunisiya, Lubanan, Hindiya, Belgium, Urdun iyo Sucuudiga.
Tirada Dal kasta kaga dhimatay weerarka.

Turki: 11
Sucuudiga: 7
Ciraaq: 3
Lubnaan: 3
Urdun, Hindiya, Maroko: min laba muwaadin ayaa kaga dhimatay
Jarmalka, Suuriya, Israa’iil, Faransiiska, Tunisiya, Belgium, Kuwayt, Canada, Ruushka: mid walba waxa kaga dhintay hal qof, balse waxa jira qof aan weli maydkiisa la aqoonsan.
Ugu yaraan 69 qof oo ku dhaawacantay weerarka, kuwaas oo xaaladooda caafimaad cisbitaallada lagula tacaalayo.
Goobta weerarku ka dhacay Reina waa mid ka mid ah goobaha ugu caansan ee magaalada Istanbul, halkaas oo ay tagaan ajaaniibta booqata dalka Turkiga.

Magaalada Istanbul waxaa hadda ka jirta feejignaan dheeraad ah. Illaa 17 kun oo ciidamo dheeraad ah ayaa ka howlgalaya magaalada.
Dhowr weerar ayaa dhowaan ka dhacay magaaladaasi.

10 December: Laba qarax ayaa waxay ka dheceen dibadda garoon kubadda lagu ciyaaro, 44 qof ayaa ku dhimatay, Kooxda Kurdiyiinta ayaa sheegatay masuuliyadda.

20 August: Qarax ka dhacay xaflad aroos oo ka socotay Gaziantep waxaa ku dhintay ugu yaraan 30 qof, Daacish ayaana looga shakiyay inay ka dambeysay, balse ma sheegan.

30 July: 35 dagaalyahan Kurdish ah ayaa isku deyay inay xoog ku galaan saldhig milirati, halkaas ayaana lagu dilay.

28 June: Weerar qarax iyo rasaas oo lagu qaaday Madaarka Ataturk ee Istanbul waxaa lagu dilay 41 qof, daacish ayaa sheegatay.

13 March: 37 qof ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Ankara, waxaa ka dambeyayay Kurdiyiinta.

17 February: 28 qof ayaa ku dhimatay weerar lala eegtay kolonyo militari oo ku sugnaa Ankara.